FADIILATUL SHEEKH MUSTAFA ISMAACIIL HAARUUN & K/AFRICA





“Quustu waa geerida nolosha kutimaada”Sh. Mustafe I Harun

Johannesburg, South Africa, Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun oo kamid ah culumida Soomaalida ee Qarnigan ugu-caansan ayaa booqasho diimeed oo 10 maalmood ah kujooga wadanka Koonfur Africa.
Waxaa casuumadan ufidiyey sheekha Masjidka Soomaalida Johannesburg ee Al-Bayaan si uu muxaadaro & waano diineed ugu jeediyo dhamaan bulshaweynta soomaaliyeed ee kukaladhaqan wadankan K/Africa, sida uu iixaqiijiyey Sheekh C/Risaaq (Mowlaana) oo kamid ah maamulka Masaajidka Al-Bayaan.
Fadiilatu sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ey kasoogalbiyeen culumo Soomaaliyeed Madaarka weyn ee Johannesburg 23 Jan ayaa Muxaadaro aad u qiimobadan oo kusaabsan (Midnimidda Walaalaha Islaamka) kajeediyey Masjidka Al-Bayaan ee Xafada Mayfair, muxaadaradan oo dad aad utirobadani ey kasooqeybgaleen dhageysigeeda ayaa aheyd mid sigaar ah u taabeyneysa gaar ahaan Bulshoweynta Soomalida kudhaqan K/Africa oo markalatago dilka axmaqdaradda ah (sida qof noool oo lagubo) ee sidajoogtada ah looguhayo, dhaca i.w.m ayaan Soomaalida K/Africa kuguleysan in ey yagleeshaan Naadi guud oo kashaqeeya danahooda.
Sheekh Mustafa waxa kalle uukajeediyey Masjidka Al-Bayaan Muxaadaro kale oo kusaabsan “Go’aanka Qofka Muslimka ahí qaadanayo Marka Dhibaato Jirto”, isagoo kasoobilaabey dhibaatooyinkii laguhayey Asxaabta & Rasuulkeenii subanaa (SCW) markii ey diinta fidinayeen iyo sida loogubaahanyahey in qofkastoo muslim ahí uu kusabro dhibaatada markaasi heysata, wuxuu kawaramey sheekhu dhibaatadda maanta kataagan wadanka Somalia iyo guud ahaanba Wadamadda Aduunka Muslimiinta (Caalamul Islaami), wuxuu sheekhu aad u adkeeyey in aan marnaba laqaquusan Raxmadda & Nasriga Alle, “Quustu waa geerida nolosha kutimaada”Sh. Mustafe.
Wuxuu kusoogabogabeeyey in dhibaatada maanta jirta ama mid shakhsi hanoqoto ama mid guud ah hanoqotee in looga bixikaro qodobadan hoos kuxusan;
Sugnaansho lagusugnaado xaqa & mabda’ dhabta ah Sabir Alle (SWT) oo lagukalsoonaado Iyo qodobka uu aad ugu-muhiimsanaa oo ah Camaliya ama Qofka muslimka ahí in uu Bilbao in uu waxqabto si uu dhibaatadaasi wax ugabadalo,isagoo tusaale usooqaatey saxaabiyadd Rasuulkeenu scw uu ku amaaney Mafiiq (Xaaqin) ey kuxaadhijirtey Masjidka Rasuulka (scw)
Sheekh Mustafa waxa kalle uu duruus iyo bayaano kaladuwan kakalajeediyey goboladda ey kamidkayihiin Eastern-Cape & Western Cape, wuxuuna maridoonaa (hadii alle idmo) badi goboladda uu kakoobanyahey wadankan K/Africa.
Bulshoweynta Soomaalida Wadankan oo aad u dhageysta/daawada muxaadoryinka sheekha ayaa nasiibweyn u yeeshey in ey lakulmaan sheekha oo gobolkasta oo imaado ey iskudayaan in uu lajoogo mudokadheer malmaha looqondeeyey.
Culimadda Masjidka Johannesburg ee Albayaan & Culimadda kalle ee Soomaliyeed ee kudhaqan K/Africa waxey hada kahor sidan oo kalle u casuumeen culumo kalle oo Soomaaliyeed oo aad ugucaanbaxey kashaqeynta Diinteena Suuban, culumadaasi waxaa kamid ah Fadiilatu Sheekh Omar Faaruuq, Sheekh Umal iyo culumo kalle.
Muxaadorooyinka Fadiilatu Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun ee socdaalkiisa K/Africa waxaad sitoos ah ugadalbankartaa


Carwo Yasmuna ama Shakti Sterio,
136, 8th Avanue, Mayfair Johannesburg,
Tell: +27-11-8300-494
Mobile: +27-(0)83-398-5827
E-mail: shaktistereo_southafrica@hotmail.com
or apowe@hotmail.com

Johannesburg, South Africa
Saeed Furaa,
Freelance Journalist,
Johannesburg,
South AFrica