
Idiris + Cawil + Sanyare oo jeediyey khudbado ay ku doonayaan taageerada shacbiga ee
heshiiska Aljaabiri BY: Cabdikariim Yare
Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ay qeyb ka yihiinWasiirada
Qorsheynta qaranka, Maaliyada, Dib u dejinta, Beeraha iyo Xildhibaano aqalka
baaralamaanka ah oo booqasho hal maalin qaadatay ku soo gaadhay Magaalada Berbera
ayaa shalay khudbado kala duwan ka jeediyey xarunta maxjarka xoolaha ee Berbera oo
ay dhisayso shirkada Aljaabiri,
ujeedada socdaalka wefti xukuumada ayaa lagu sheegay
cadeynta habsami u socodka hawlaha maxjarka iyo guud ahaanba heshiiska Aljaabiri
Xukuumada la gashay Waxaana Gobolka kusoo dhaweeyey Badhasaabka Saaxil Maxamed
Cabdilaahi iyo kuxigeenkiisa Soobe oo ka hortagay halka uu Maayarkuna kusoo
dhaweeyey Berbera Weftigan,
waxa goobtii maxjarka hadalo ka jeediyey Wasiirka
Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Idiris Cabdi Ibraahim Waxaanu hadalkiisu ku bilaabay
oo uu yidhi “Waxaynu joognaa Maxjarkii cusbaa ee Berbera qaybtiisii hore oo aynu
filayno in degdeg xooluhu uga dhoofaan mooshinka Xajka ka hor oo ay Sucuudiga
qabtaan,
waxaan doonayaa in yar inaan ka idhaahdo Maxjarkan, maalgelinta waxa leh
shirkada Aljaburi iyo Ras-ALkhima taana weynu ogeyn cida maal gelisay inagu waxaynu
leenahay dhulka iyo maxjarkeeni hore oo la bedelay oo laga dhigay noocan,
oo intaas
ayey ku darsatay dowladeenu qaybtani waxay noqon doontaa qaybta lo,da iyo Geela
laakiin hada inta aanu dhismin maxjarka qaybtiisa kale waxa loo sii isticmaali
doonaa adhiga Xajka waayo waa degdeg laakiin maxjarka qaybtiisa hadhay way ka
wayntahay qaybtan hadda aynu joogno saddex jibaar ayuu ka weyn yahay waxaanu noqon
doonaa 350 hangar oo kuwan oo kale ah ilaa afar boqol oo kun oo neef oo adhi ah ayuu
qaadkiisu noqon doonaa markaa waxaan aad iyo aad u jeclahay saaxiibadeyda kale ee
wasiirada kolay ninkii wax ku darayaa wuu odhan doonaa kelmad,

aniga iyo Xasan
(xasan Al xuseyni wakiilaka Aljaburi & Rasalkhima) waa nin aad iyo aad qiimo ugu leh
waxaanu wakiil ugayahay dhinaca dhismaha ALjaburi iyo Raskhima intaba waana nin
howlo badan dalka ka qabtay oo Somalilander ah maanta,
maxjarkana waa ogtihiin
dhibaatada iyo howsha adage ee hirgelintiisa lala soo maray waxaanu runtii ku
hirgalay go,aan Madaxweyne,Go,aanka madaxweyne ku xigeenka iyo go,aanka golaha
wasiirada Runtii dhib badanbaa loosoo maray markaynu eegno marxaladuhu soo marey
arinkani iyo wadan dimoqraadiyeynu nahayoo waa layna dhacayaa iyo hanjabaaduhu wey
badnaayeen ,
laakiin dowladu waxay go,aan adag ku gaadhay inay howshani socoto oo mar
uun aynu yeelano maxjarka geeska afrika ugu weyn waanuu suurta gelayaa oo maantaad
aragtaan isagoo dhamaad ah todoba casho kabacdi ayaanu kaga faraxalaynaa ayuu yidhi
ninka dhismaha wadaa”
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka hadlay maxjarkii hore u dhagaxa u dhigay ee
cusbaana oo uu sheegay inuu bilaabmayo kan marka lagu dhameeyo todobada cisho wuxuu
yidhi “kii cusbaa ee waynaana waa inuu dhamaadaa laba ilaa sadex bilood wax ka yar
gudahood, laba kiiloo mitir oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo isna hal km ah ayuu ku
fadhiisanayaa, midkalaan idiin sheegayaa waxa iska badan dacaayada oo cid waliba way
hadlaysaa, saxaafadiina waxwalba waa lagu qorayaa sanadkana xoolaha ka dhoofay dalka
cidkasta weydiiya kastamis waydiiya, dekada waydiiya xoolihii sanadkii hore dhoofay
ayay shan & afartan kun dheeryihiin,
sanadku markuu dhamaadana hal milyan bay is
dheeraanayaan xoolahan badan ee ka muuqda rikoodhkana waa kuwa u dhoofay aljaabiri
oo Yemeni dhawr jeer bay inaga xidhay oo golfku inaga xidhnaa ilaa hadana cidi
mageyn karto imaaraatka,

shalay fariin baan ka helay ninkii inoo joogay yeman uu
leeyahay hakiya xoolaha ilaa amar danbe waan ka diiday wixii xoolo dhoofsanaya ma
diidayno ayaan ugu jawaabay, waxaan kusoo koobayaa hadalkayga wixii wanaagsan waa in
lagu mahadnaqaa dawladuna dadaal badan bay u gashay marka uu dhameystirmana cidna
inalama tartami kartaana ma jirto,
waad ogtihiin oo wankena madaxa madoobaa suuqa
wuu ka baxay waxana dhici doonta inay xooluhu bartan yimaadaan meelkasta haka
yimaadaane” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr
Idiris braahim Cabdi oo halkaasi ak jeediyey khudbad dhinacyo badan taabatay oo u
jeediyey saxaafada dalka.
Waxa kale oo Wasiiradii halkaa ka hadlay kamid ahaa kaas oo isugu ka hadlay ujeedada
safarkooda Wasiirka Qorsheynta Qaranku Cali Ibraahim Maxamed (sanyare) waxaanu si
kooban uga hadlay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku maraynaa
wasiiro badan sababta aanu halkan inimidna waxa weeye inaanu aragno sida ay u socoto
hawsha mashruucu waayo markaanu hargeysa iska joogno tawtawdaa inagu badan sidaa
awgeed baanu u nidhi waxaan rajaynayaa in iminka wixii ka danbeeyey in runta laga
sheegi doono maxjarkan,
waxaan jeclahay in aad looga wada shaqeeyo dhana looga soo
wada jeedo dhismaha maxjarkan waayo dhaqaaleheena ayaa ku xidhan markuu dhamaadana
waxaan rajaynayaa inaynu badh tuuri doono dhiishii faqriga dadkeenuna ma badna
saxaafadana waxaan jeclahay inay kala saaraan tawtowda iyo wixii dhaqaale ku xidhan
laakiin siyaasadu waa isk towtow maantana waynu aragnaa mashruuc dhaqaale oo
mustaqbal caruurteena u lihi inuu halkan ka bilaabmay”

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (cawil) oo kamid ahaa xubnihii
wasaarada ee goobta maxjarka ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Waxaan
qolada warbaahinta u sheegayaa in arintan aad aragtaan ay ku timi sidaa wasiirku
sheegay dadaal, dhabar adeyg, anigu wasiir maaliyan ahaa afar sanadood waxaan daba
soconay In maxjarkan oo kale dhisno waxay nagu yidhaahdeen afar milyan oo dolar
bixiya,
waxay nagu kaliftay inaan anigu u tago camuudi oo aan idhaahdo naga damiino,
maanta illaahay mahadii weeye nin walaalkeena oo jaabiri ah baa inoo dhisay wax
alaale iyo wax uu inagu soo dalacayna ma jirto waxa weeye afar malyuun oo dolar buu
galiyey,
ninkaas oo kale umaduhu way soo dhaweeyaan, way sharfaan, way amaanaan,
inagana waxay tahay inuu dareenkeenu yahay qofka wax soo kordhiya in lala caloobo
lala dagaalamo been laga sheego ninkii muwaadin ah iyo kii ajanibiga ahaaba, Ninka
maxjarka intaas leeg inoo dhisay waxa had iyo jeer suuqa la galiyaa cid baa loo
xidhay adhigeenii baa la boobayaa oo halka niman sharafeysan ay ilaa putland
adhigeenii ka dhoofiyaan waana cadaawad aad arkayso inaanay mudnayn inay danbigaas
ka galaan umadooda oo cashuurtii halkan lagu qaadi lahaa inay cadowgeena u geeyaan,
oo gurmad siiyaan oo putland rasaas soo siisato oo xataa aanad fahmi Karin sababta
ay sidaas u yeelayaan”
Wasiirka Maaliyada oo hanjabaye ayaa isagoo hadlakiisa sii wada raaciyey oo yidhi
“Cidii adhi ka dhoofisa putland iyo meel kale waanu la dagaalamaynaa waxaanu u
arkaynaa khaayimal wadanyiin inay cadow nagu yihiin jilbahaanu dhulka ugu
dhufanaynaa adhigooda ayaanu dhacaynaa inakoo maanta hawlo ku jirna nin adhigeenii
meelo kale geeya ogolaan mayno, waxa markaa loo baahanyahay oo hawl culus baad
haysaan waxa layidhi medhiyuhu waxay iska noqdeen dawlad afaraad waxa loo
baahanyahay waxa inoo soo kordhaya inaad umadeena u sheegtaan oo wixii been ah ee la
idiin sheegayo daba gashaan oo xaqiiqayada ogaataan oo markaa runta umada u
sheegtaan markaa wixii runa run ah qora, dhaliilaheenana haday jiraan qortaan oo
haday xitaa wadaniyadu idinku kalifto qarisaan,
Dawlada dhan ee USA waxyaabo badan
baanay ka qorin ciraaq oo ay danta dawladooda iyo umadooda u arkeen inakana waxa
loo baahanyahay inaad xaqiiqda qortaan ninkii maanta inoo sameeyey waxaan rabaa
walaa suudaan walaa jabuuti qolo adhi inagula tartami kartaa ma jirayso, wuxuu igu
yidhi ninkan masriga ahi, Sucuudiga ayuun baa idinka horeeya oo ka labaad baad
tihiin, suudaan iyo jabuutiba waad ka horeysaan waa sharaf waa wax inoo soo kordhay
illaahayna waxaan ka rajaynaa inuu maxjarkan mid barakaysan ka dhigo adhiga soomaali
oo dhan ilaa NFD inuu halkan ka dhoofo ninkaa saaxiibkeen ahna aan u mahad naqno”
ayuu Wasiir kusoo xidhay hadalkiisii.

Waxa kale oo hadlay Wakiil Aadan Baradho oo Wakiil u ah Aljaabiri ee xoolaha waxaanu
soo dhaweeyey dhamaadka dhismaha maxjarka isagoo ku booriyey dadweynaha reer
Somaliland in la taageero Maxjarka iyo Hawl qabadka iyo horumarka uu soo kordhiyey
waxaanu yidhi “Haday wax is dhimeen ganacsigii tirade xoolaha kuwa is dhimay waa
kuwii yaman u dhoofi jiray labo sababood awgood lo’dii ay inaga ianga qaadan jirtay
oo itoobiya ka ufrantay iyo iyadoo xoolaheenii isku soo gaadheen sayladii yamaneed
taasina ta sababtay isdhinka xoolaha,
haddii la leeyahay xoolihii nin baa loo xidhay
kuwa la xidhay awalbay way xidhnaayeen oo wax inoo soo kordhay oo la inoo furay”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Dib u dejinta Somaliland iyo Wasiirka
beeraha Somaliland oo labaduba muujiyey taageerada ay u hayaan heshiiska Xukuumada
la gashay Aljaabiri iyo socodka dhismaha Maxjarka Berbera.
By:-Cabdikariim Siciid Saalax
clkarim_3@hotmail.com
Berbera Somaliland