maxaad ka ogtahay Layal iyo Qays (sheeko dhab ah)
|
maxaad ka ogtahay Layal iyo Qays (sheeko dhab ah)
|
|
|
Layal iyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga
dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qeys
waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India,hadaba Layla iyo Qeys
maxay ahaayeen ?sheekadoodu siday se u dhacday ?
Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays
ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu
bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku
jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday,
si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto
Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu
inantiisa siinayo, Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla
la siiyo, halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan
qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku
hunguubay, Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu
bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u
tago. Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse
qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa
raacay Layla.
Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku
amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo
deristay. gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay
qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan
waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu
ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal mawduuca qudha
oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.
Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay doonto ha
ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u weydiistay Layal
aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli
yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto,
Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan
jiray Nezamis's oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii
Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin
markii u kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu
weerar ku qaado Layal reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo
Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu
ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka
dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa
waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka
dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layal.
Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku qanciyo in uu
isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layal iyo
qays,
ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u
yimid Layala aabaheed mar labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo
siiyey........wuxuuna Layal u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu maqlay in Layla
nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii
horeba dugaaga la joogay.
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la
dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa ,uuna u jeclaa si aada.
Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii
hore ..........balse nin qoyani biyo iskama dhowro.....isaga ayaaba tisii la il
daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii
uu la noolaa.
inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii
siyaaday jaceylkii ay Qays u haysay......Layal waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga
tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in
ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.
mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays
iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay
kulmaan.......Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday
oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga
Layla ka saari karin Qays. balse Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana
dhintay....................................
sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd
inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin...Layal iyada uma dulqaadan
karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay
dhimamatay............
War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka
hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii,halkaasna waxaa ku
soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layal oo isna waa
dhintay.............
inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo
waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow sida maanta loo
weriyo.
Diyaariye: Axmed Maxamed Muuse
caalim44@gmail.com
Uganda,Kampala
| | | |
|