Hadii Wasaarada Isboortiga iyo Dawlada hoose ee magaalada Hargeysa seexatay !
meeyeyo Ganacsatada reer Hargeysa ?







Waxaad maqasheen ama aad akhrideen oo wararka ku heysaan in maalin dhaweyd ay isku dhaceen dhalinyarada xaafaddaha xawaadle & cabaaye , isku dhacoodana uu ka dhashay isku qabsi garoon kubadeed , halkaas oo qasaare ku gaaray dad rayid ah oon aan aheyn dhalinyarada oo ilmo yar ay haleesha rasaas, islamarkaana laboobay hanti gaari qaadsiday oo meelahaas ka dhaweyd .
Miyeyna habooneen inta dhibta iyo qasaarahu intaa ka sii badan lahaa in loo gurmado dhalinyarada xaafaddaha xawaadle & cabaaye oo lagu taageero garoon cusub oo loo dhiso si culeysku uu u dago
Haddii ay Wasaarada Isboortiga iyo dawlada hoose ee magaalada Hargeysa qaban weydey inay kala furdaamiyaan dhalinyarada xaafaddaha xawaadle & cabaaye ee isku heysata garoon kubadeedka xawaadle ee loo yaqaan garoonka xawaadle , inay u dhisto garoon kale ama ka hirgaliso garoon cusub
Haddii ay wasaarada isbooriga iyo dawlada hoose ee magaalada Hargeysa xilkoodii gabeen , maxaa ku dhacay ganacsatada reer Hargeysa , ma waxay yagleeli kari layihiin garoon cusub oo laga dhiso xaafada cabaaye si ay u kala nabad galaan dhalinyarada xaafaddaha xawaadle & cabaaye ooney dhiig uuna ku daadan garoomada magaalada Hargeysa.
Waxaan baaq u soo jeedinayaa ganacsatada reer Hargeysa iyo qurbo joogta reer Hargeysa ma 'waxaad yagleeli kari ladihiin garoon cusub ama baloog ama labo baloog aad xaafada cabaaye ka iibisaan si loogu salaxo garoon ay yeelato xaafada cabaaye oo uu cabirkiisu ku fadhiyo baloog ama labo baloog .
Waxaa qurux badan xaafad walboo oo ku taal magaalada Hargeysa inay leedahay garoon ama kabadan si dhalinyarada iyo ciroolaha cuslaadayba ay u helaan garoon ay kubada cagta ku ciyaarikaraan


Rabshaddo Rasaas la isku Adeegsaday oo Dhex maray Dhalinyarada Xaafaddaha Xawaadle & Cabaaye iyo Khasaaraha ka dhashay



Tafatire :- Yaasiin
webmastar@saaxil.net
saaxil@live.com