dood furan... dhalinyaradii somaliland maxay ku naceen dalkoodii






waxaan marka hore halkan salan uga gudbinayaa dhamaan akhristayaasha shabakadan,

marka xigta waxaan rabaa inaan maanta halkan ku soo ban dhigo dood ciwaankeedu yahay ( dhalinyaradii somaliland maxay ku naceen dalkoodii ).

sida ayanu lawada socono dal marka la qiimaynayo mustaqbalkiisa waxa laga eegaa fikirka iyo hamiga dhalinyarta usoo koraysa dalkaa, hadii fikirkoodu yahay hormarka dalka iyo sidii loogu dadaali lahaa wanaajintiisa mustaqbalka waxaa layidhaa dalkaa mustaqbalkiisu waa guul iyo horu mar hadii taa la waayo dalkaasi waa dal dib u socod ah oon mustaqbal fiican lahayn.

mid ka mida abwaanada reer soomaliland ayaa laga hayaa:
Reerka odaygu goortuuka baxo iyo islaantiisu
ubadkooda hadha baa tabcoo ayatiin hela e
umad aan shabaabkeedu hanan waw ayaa xumo
hadabad dalkeena somaliland hadaad u fiirsato waxaad ogaanaysaain in dhalin yaradii rag iyo dumarba siiba ragu ay u qaybsameen laba qaybood :Qolo ka fakaraysa mijin qaada sidii ay u helilahaayeen markay helaana ka raadinay meel ay la fadhiistaan oo fikir aduunyo iyo mid aakhiroba iska ilaaway, iyo qolo kale oo ka fakaraysa sidii ay dalka uga bixi lahaayeen,
waxa layaable in arintaa ay ku fakarayaan dhamaan aqoonyahankii dhalinyaradu ha noqoto mid dugsi dhexe am sare ama jaamacada ku jira e habeen iyo malin waxay ku fakarayaan sidii dibad loogu dhoofi lahaa,
waxkast ninkii soomaraa laga waraystaaye dhibta qurbuhu leeyahy waa mid hadh iyo habeenba ayka warmaandadka soo taabtay,
shaqo kasta oo aad hayso iyo lacag kast oo aad qaadato qof ajnabi ah oo marwalba iyo meel walba muwaadinka laga hormarinayo ayaad tahay,
Raga qaar ayaaku dooda in aan jaamacadaha dalka aqoon fiican lagu baran, taas oo ah runtii mid aanay waxba ka jirin waxaanu si toosa u soo aragnay jaamacado badan oo aduunka laga citiraafsan yahy magac wayna ku leh oo jaamacadeheenu kaga horeeyaan dhinac walba.
dhalin yarada qaar ayaa ku dooda in dal aan citiraaf haysanini aanu hormar gaadhi karin, imisa dal oo aan caalamka laga aqoonsanayn ayaa ka dhaqaale badan oo ka waxsooo saar badan dalal badan oo la aqoonsan ayhay,

hadaba akhriste:
sidee ayaa dhalinyarada dalkeena looga dhaadhicin karaa inay u fakaraan hurmarka dalkooda iyo dadkooda ??
yaa ka masuula boqolaaka rag iyo dumarba leh ee ku bayhoofsan daafaha dunida? yaa u cida boqolaalka ka fakaraya sidii ay naftooda ugu biimayn lahaayeen badaha iyo saxarayaasha?

waa walaalkiin: C/qadir Mohamed Nouh
UNIVERSITY OF SCIENCE AND TECHNOLOGY
( sanca Yemen)
E-mail: c_qaadir88@hotmail.com