
Waa arin aad u adag inaad kahadasho ama kasheekeyso Xaalada ay maraan soomaalida tahriibka ku ah wadamada Turkiga iyo gariiga. Wadanka Turkiga oo ah dal ay kusuganyihiin soomaali aad u farabadan oo isgu jirta kuwo wax kabarta, kuwo ganacsada iyo kuwo deegaan kasameystay waxaa intaas sooraaca soomali farabadan oo ubadan dhalinyaro rag iyo dumar ah kuwaasi oo halkaasi ujooga inay uga siitahriibaan wadanka Gariiga kadibna ay kaga siidhaqaaqaan wadamada dariska ah ee yurub.
Waxaa sahlan sida dhalinyaradaasi kusoogalaan wadanka turkiga oo intabadan lagasoogalo dalka carbeed ee suuriya .
Waadal muslimiintu kubadanyiriin hase yeeshee nolol ahaan maciishadu sareyso marka loo eego soomaalida jeebka yare e taransadka ku ah wadanka waxaa dhalinyaradaasi ay sin koox koox ah udagaan qolal laga kireeyo inta ay diyaarsanayaan Safarkooda tahriibka ah ee wadanka turkiga ay kagasiitalaabayaan wadanka Gariiga.
Inta lajoogo turkiga waxaa jira soomaali badan oo iska diiwaangalisa Xarunta Heyada Qoxootiga uqaabilsan Q/Midoobay ee marka magaceeda lasoogaabiyo looyaqaano UNHCR-ta taasi oo hooy iyo tashiilaadkale siisa qofka ay diiwaangaliso halka qaarka dagdagu kujiro ee qarashka heystaana ay iska diiwaangaliyaan shaqsiyaad kaganacsada dhoofinta dadkaasi oo gaari sicariiri ah ugu qaada dhalinyaradaasi oo aan rag iyo dumar lookala saarin kadibna geeya meel xeeb ah oo laga siisaaro doonyo yar yar kuwaasi oo habeeno iyo maalmo laga yaabo inay sii dulsabeeyaan biyaha madow ee udhaxeeya wadamada turkiga iyo gariiga kadibna aysuuragal tahay in ciidamada ilaalada badda ee wadanka gariigu gacanta kudhigaan markaasi oo ay xero kuxareeyaan kadibna ay faraha kasumadaan deetana siiyaan waraaqado muujinaya in dalka ay isga baxaan halka hadii aysan ciidamdu qabana ay si dhuumaalaysi ah kugalaan wadanka gariiga halkaasoo ay uga bilaabato nolol kasii liidata tii ay kusoomareen wadanka Turkiga.
Qaarkamida dakii aan kula kulmay wadanka gariiga ayaa ii sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan ciidamada wadankaasi kuwaasi oo isugu jira xarig iyo jirdil ciidamadaasi kula kacaan soomalida qaar.
Waxaa jira cabashooyin badan oo soomaalidu ugudbiyaan shaqsiyaadka ay isleeyihiin arintiina wax waykaqabankaraan ee kujiray dowladihii wadanka soomaray oo ay kamidtahay dowlada soomaliya ee hada jirta hadana cabashooyinkaasi ma ahan kuwo xal loohelo.
Intii aan halkaan joogay ayaan kaqeyb galay dhowr kulan oo soomalida gariiga joogtaa ay kayeesheen xaaladaha heysta kuwaasi oo inta badan diirada lagu saarayay sida dhibaatooyinkaasi ay soomalida u xanuujinayaan iyo sida looga bixikaro.
Kulankii ugudanbeeyay ee Shalay magaalada atanis ee xarunta dalkaan ay ku yeesheen soomalida kudhaqan wadankaan ayaa waxaa dirada lagu saaray dhiibaatooyinka heysta dadka soomaalida ah ee kudhaqan wadanka gariiga waxaana xubnihii kaqeybgalay ay soobandhigeen sida lagamamaarmaanka ay utahay in dowlada soomaaliya ay safiir usoo magacaawdo wadankaan si uu wax uga qabto xaalada soomalida kuheysata wadanka gariiga.
Dhawaan ayeey ahayd markii Soomaalida gariigu ay kusime safiir u magacaawdeen nin dhalinyaro ah oo ilyaas lagu magacaabo kasi oo soomalida halkaan joogtaa ay ii sheegeen in waxbadan uu uhalgamay sidii xoriyadooda ay u heli lahaayeen shaqsiyaad soomali ah oo ciidamada gariigu xabsiyada dhigeen .
Waxaa jira soomaali badan oo deegaan ahaan iskaga nool wadankaan in kastoo dhibaatooyinkaasina ay jiraan . Dadbadan oo soomaali ah ayaa rumaysan in hadii dowlada soomaaliya ay safiir usoo magacaawdo wadanklaan ay yaraan karaan dhibaatooyinka soomalida ku ahysta dalkaan gariiga.


By:- Safiya Isaaq Canshuur
Greece atanus

|