URURKA SOMALILAND FORUM: War-saxaafadeed
Sumad: SF/EC/09/05 ...... Taariikh: 09/05/2009
Ururka Somaliland Forum oo Doortay Guddi Cusub
Waxaa bishan May 7, 2009, la soo geba-gebeeyey codeyntii lagu dooranayey Guddida Fulinta ee ururka Somaliland Forum ee sannadka 2009-2010. Sida xeerarka uruku dhigayaan guddidu waxay ka koobantahay shan xubnood. Guddida Fulinta ee ururka waxa la doortaa sanad kasta wakhtigan oo kale.
Doorashooyinka Guddida Fulinta waxa xaq u leh inay ka qayb qaataan xubnaha ururka oo dhan. Waxaa Guddida Doorashada ee ururka Somaliland farxad weyn u ah in aanu ku dhawaaqno magacyada xubnaha ka mid noqon doona guddida fulinta ee Somaliland Forum sanadka 2009-2010, kuwaasi oo kala ah:
Guddoomiye: Ali Abdillahi Dahir (Somaliland)
Goddoomiye-ku- Xigeen: Osman Hashi Awad (Canada)
Xoghaye: Kaysar Mohamed Abdillahi (UK)
Khasnaji/Lacaghaye: Ayaan Osman Jibriil (Somaliland)
Xubin-guud: Ali Ibrahim Handule (U.A.E.)
Guddida doorashadu ee Somaliland Forum waxay mahadcelin aan la koobi karin usoo jeedinaysaa guddida cusub ee Fulinta iyo xubinaha kale ee sharafta leh ee naga aqbalay is-sharaxaada, muujiyeyna inay diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan, wakhtigoodana u huraan ururka Somaliland Forum, dadka iyo dalka Somaliland.
Guddida doorashadu ee Somaliland Forum waxa kaloy halkan mahadnaq uga soo jeedinaysaa guddida golaha Somaliland Forum hugaanka u haysay sannadkii tegey. Guddidaasi waxay si hawlkarnimo iyo xilkasnimo u gudatay xilkii cuslaa ee ay u hayeen golaha, dadka iyo dadka Somaliland. Guddidaasu waxay ka koobnayd xubnaha kala ah:
Guddoomiye: Jamaal Cali Xuseen (Ivory Coast)
Guddoomiye-ku- Xigeen: Amina Cabdi Jaamac (Canada)
Xoghaye: Lulu Faarax (UK)
Lacaghaye: Cali Cabdillahi Dahir (Somaliland)
Xubin-Guud: Cabdisalaan Muuse Galaal ( Oman )
Guddida Doorashada Somaliland Forum:
Axmed Cabdi Jaamac
Axmed Maxamed Jibriil
Yuusuf Suldaan Cali
Cabdiraxman Maxamed Magan

|