Shicibka Somaliland Way Arkayaan Rayale Inuu Nabadii Burburinayo – Maxaa hadhay ?





Qudhaanjooy ku quuso. Shicibka Somaliland way arkayaan in Kulmiye dhegaystay shicibka, culimada, waayeelka, iyo waxgaradka qaranku markii ay ka codsadeen inay ogolaadaan wada hadal.
Way ogolaadeen, waxay ka qayb galeen wada hadalkii ay madaxwaynaha lagu dhexdhexaadinayay, waxyaabaha ay codsadeen waxa ka mid ahaa in jeelasha laga soo daayo dadka u xidhan siyaasada ee xuquuqdoodii la duudsiyay.
Tobaneeyo qodob ayaa heshiis lagu galay, mid iyo laba mooyaane inta kale waxay ahaayeen wixii uu doonayay Rayale oo waxay ahaayeen sidii uu rabay isagu.
Qodobka keliya ee meesha ku jiray ee la odhan karayay wuxu wax u tarayaa shicibka Somaliland wuxu ahaa “qodobka odhanaya Guurtidu mar dambe u kordhin mayso xilka Rayale waxana laga sharciyaynayaa golaha parlamaanka”.
Markii la gaadhay xiligii ay ahayd in la saxeexo heshiiskii, Rayale wuu diiday inuu saxeexo waxaanu dalbaday in laga saaro qodobka ka soo horjeeda in markale xilka loo kordhiyo.
Taasoo macnaheedu tahay, wuxu doonayaa in xilka markale Guurtidu u kordhiso. Xisbiga Kulmiye oo u doodaya shicibka Somaliland iyo sidii ay u suurto gelin lahaayeen in waddanka doorasho ka dhacdo, waxa hortaagan dawlad iyo madaxwayne macangag ah, oo aan sharciga ixtiraamaynin, oo shicibkiisa ixtiraamaynin, oo qawlkiisa iyo heshiiska uu galo aan ixtiraamaynin, oo aan sumcada qaranka ixtiraamaynin.
Dastuurkeenu wuxu dhigayaa in shan sannadood madaxwaynuhu xukunka hayo ka dibna isu taago doorasho oo shicibkiisa iyo dadkiisa waydiisto in mar kale la doorto, xaqna u leeyahay in laba goor la dooran karo. Rayale wuxu imika ahaa madaxwayne 8-eed sannadood, laba goor ayaa loo kordhiyay xukunka oo Guurtidu sharci darro ugu kordhisay, imikana wuxu doonayaa in mar saddexaad loo kordhiyo. Waayo wuxu arkay in aan cidiba la hadlaynin oo shicibkii Somaliland mudaharaadaynin oo Kulmiye mooyaane cidkaleba aanay u raadinaynin xuquuqdii muwaadinka.
Taasu waxay ku dhiirigelisay Rayale inaanu waxba iskaga tiring cidna; sharciga ku tunto, dawladiisu aanay dadka waxba u qabanin, dadka iska toogato, xoolaha dadwaynaha dhulka iyo guryahaba iska iibsato, patrolka Total u xidho, xoolaha carab Sucudi ah u xidho - intii horeba waxa isku fuuqsaday inuu imika ku tashaday inuu doonayo in mar saddexaad loo kordhiyo xukunka.
Shicibka Somaliland way arkayaan in Rayale nabadii iyo xasiloonidii khalkhal geliyay, oo shicibkii Somaliland ku khasbay inay maanta soo baxaan oo gurigiisa hortiisa ka muddaharaadaan oo tusaan inaanay raali ka ahayn inuu xukunka iska kordhisto mar saddexaad. Maanta maxaa hadhay haddii uu xukunka kordhisto mar saddexaad? Dimuqraadiyadii loo soo halgamay meeday? Xoriyadii loo dhintay ee loo dhibaatooday meeday ? Shicibkii Somaliland ee ka dhiidhiyi jiray marka xoriyaadooda iyo xuquuqdooda la duudsiyo maye ?
Kulmiye wuxu hiil iyo hooba la garab taagan yahay shicibka Somaliland. Hadday mudaharaadayaan way hor kacayaan si ay uga badbaadiyaan rasaasta Rayale. Kulmiye wuxu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu u illaalin lahaa xuquuqda iyo xoriyada muwaadinku u leeyahay inay doortaan maddaxdooda. Maanta Rayale wuxu taagan yahay waa inuu yidhaahdo ha la ii kordhiyaa xukunka markasta oo aan ka soo dalbado Guurtida, haddii aad diidaana waa yeelkadiina waayo cid wax iga qaadi karaysaa ma jirto oo anigaa xukunkii, police-kii, iyo military-giiba haysta.
Cida wax ii diidana waan xidhayaa oo jeelka mandheera ayaan ku ridayaa. Haddii kale xoog wax ha la igaga qaado ? Qudhaanjooy ku quuso; Rayale wuxu leeyahay ama xoog I tusa ama khasab ku yeela waxan doonayo.
Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridku waxay marwalba tixgelinayaan nabada iyo xasiloonida taasaana ku keliftay inay mar walba ogolaadaan wada hadal iyo hor fadhiistaan Rayale, nasiib darro Rayale isagu wuxu qirtay inuu doonayo in xilka loo kordhiyo oo aanu cidna waxba iskaga tirinaynin. Akhristoow hadaad maanta heshiis qof la gasho, oo wixii aad heshiis ku gasheen oo qoran lagu yidhaahdo saxeex si labadiinaba aad saxeexiina ugu muujisaan inuu heshiisku yahay mid sax ah oo aad idinku gasheen – haddii aad diido markaa maxaa ku qabanaya ? Haddii aad tahay qofka police-ka xukuma, maxkamadahana xukuma, dawladana xukuma ? Ta macnaheedu miyaanay ahayn qofkii kula qarnaqsanayay meel kale oo u furan oo gartooda la tagaan ma jirto ? Maanta waa halkaa meesha la taagan yahay Rayale ayaana dadkii ku khasbaya in ama isaga la yeelo wuxu doonayo ama la dagaalamo oo xoog wax lagu raadiyo.
Shicibka Somaliland way arkayaan Rayale inuu maanta nabadii iyo xasiloonidii geliyay meel khatar ah, wixii ka yimaadana isagaa ka masuul ah.
Anigu waxan maantan akhristayaasha iyo shicibka Somaliland kula talinayaa inay mudahaaraadaan ku dhigaan Rayale oo gurigiisa hortiisa ka mudaharaadaan si ay muujiyaan in aanay ogolayn kordhinta xukunkiisa, oo ay sheegtaan inay doonayaan in doorasho xalaala oo xor ah waddanka laga qabto sida ugu dhakhsaha badan.
Sideex sanadood ayuu madaxwayne ahaa, saddex sanadoodna wuxu ahaa madaxwayne ku xigeen; wuxu intaa idiinku qaban waayay goormuu idiin qabanayaa ? Intii horeba waxa isku fuuqsaday inuu maanta doonayo inuu xoog waddanka ku haysto oo markasta loo kordhiyo.

By:- Rashid Garuf
rgaruf@gmail.com