Madrid . D.P
Xanuunka duri doofaarku wuxuu khalkhal geliyay xidhiidhka siyaasi ee u dhexeeya dalalka Ruushka iyo Spain, taas oo xukuumada spain ay ka xumaatay go’aan ay gaadhay dawlada ruushku oo lagu joojiyay hilib doofaarka laga keeno dalka spain, warar soo baxay shalay oo salaaso ahayd ayaa sheegay in dawlada ruushku dhamaanba ay joojisay hilibkii doofaarada ee ka iman jiray dalka spain sababtuna tahay iyadoo lagu arkay dalkaa xanuunka duri doofaarka,
sidoo kale wasiirada beeraha ee dalka spain (Alena Spenyousa) ayaa tidhi joojintaa hilibka doofaarku looma hayo wax marmarsiiyo ah iyadoo qof kasta uu cuni karo hilibka doofaarka iyadoo aan wax khatar aanu ku keenayn caafimaadka qofka,
waxay intaa raacisay in dawlada spain iyo Ururka Caafimaadka Aduunku ay u cadeeyeen si is dabajoog ah in aan cunista hilibka doofaarku aanu qaadsiin Karin dadka xanuunka duri doofaarka ,
waxaanay spain tahay dalalka reer yurub ee aad dhibaatadu uga soo gaadhay xanuunkaa duri doofaarka, waxaanay gaadheen dadka qaba xanuunkaa ilaa 50 qof , waxaanay sheegeen ururka rabeeyaa doofaarada ee reer spain in ruushku uu ku gabanayo cudurkaa si uu u joojiyo hilibka loo dhoofinayo dalkooda ee ka imanaya dalka spain .
By:- Maxamad Cali Gaabiye
Riyadh
Saudi Arabia

|