Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub




Madaxtooyada Somaliland
Date: 05/05/09
Warsaxaafadeed

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub oo kor loogu qaadayo dalaga Beeraha Somaliland.
Shirkaasi oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somjaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu si qoto dheer u qaadaa dhigay qorshayaal cusub oo ku salaysan sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka Beeraha dalka Somaliland.
Qorshahaasi oo kooban qodobo kor loogu soo qaadayo dar dar gelinta wax-soo-saarka Beeraha , waxa nuxurkiisu yahay horumarinta Beeraha dalka Somaliland iyo waxyaabaha laga beero, qorshahaasi oo ay soo diyaariyeen Khuburo ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland oo kaashanaya hay addo iyo aqoonyahano caalami ah, waxa Goluhu uu si wada jir ah u anisxiyay in lagu dhaqmo , maadaama ay kor u soo qaadayso horumarka dhinaca Beeraha Somaliland.
Dhinaca Kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu iyana magacaabay Guddida Qaban qaabada xuska 18 May oo ah Maalintii Somaliland ay kala soo noqotay qaranimadeeda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Maalintaasi oo si weyn looga dabaal dago Somaliland dibad iyo gudaba, waxa Guddidaasi ay isku soo duba ridi doonaan Xafladaha iyo Munaasibadaha lagu xusayo maalintaasi qiimaha iyo qadarinta ka mudan Bulshada reer Somaliland Guddo iyo Dibadba.
Guddidaasi oo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro, waxa ay ka kooban yihiin Toban xubnood.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland