DOODII HALKARAAN IYO MARTIDA ...magaalada Burco




Waxa ay ahayd habeen ku wayn dhamaan bahda naadiga halkaraan waxaana ay habeenkaa waqti dheer ku qaateen dood dhex martay Abwaan Axmed aw Geedi, Qoraaga caanka ah Xasan Cabdi Madar, prof Hinda Maxamed Jaamac , Ayaan Maxamud Cashuur iyo dhamaan bahda naadiga halkaraan.
Waxaana aad laysu dhaafsaday rayiyo iyo aqoonba iyo talooyin badan waxaana uu kulankaasi ka dhacay Barwaaqo Hotel oo ku yaala badhtanka magaalada Burco
Habeenkaa oo ay doodu qaadatay waqti dheer ayaa hadana aan la dareemin waqtiga intaa leeg ee ay socotay doodu
Marti sharaftani waxa ay ka soo kicitimeen magaalada Hargaysa waxaanay ugana yimaaden sidii ay naadiga ugala qayb geli lahaayen bandhiga Buuga saddexaad oo ahaa Barbaarsame oo ay soo akhriday soona bandhigtay Sahra Maxamed Cali oo ka mid ah wariyayaasha idaacada maqalka iyo muuqalka ee www.waryatv.com Hadaba iyaga oo naadiga kala qayb galay Bandhigii Buuga habeenkii sabtidu soo gelaysay ee taariikhdu ahayd 01/05/2009
Hadaba doodan ayaa waxay dhacday habeenkii labaad ee ka danbaysay bandhiga Buuga Waxaana ay naadiga halkaraan halkaas ka faa’iideen talooyin badan oo ay u soo jeediyeen marti sharaftaas kala soo qayb gashay doodan
( Wadada guushu waa ay dheer tahay ee ha loo samro ) taladaasi waxa uu ka mid ahaa talooyinkii lays dhaafsaday waxaana soo jeediyay Xasan Cabdi Madar
Waxaana dooda ka wada qayb qaatay dhamaan bahda naadiga halkaraan iyo marti sharaftii ( dhalinyaradu dalkooda ha aaminto oo wax ha qabsato ) waxaa taladaa soo jeedisay Ayaan Maxamud Cashuur.
Waxaana lagu soo gaba gabeeyey in naadigu uu dadaalkiisa halkaas ka sii wado iyo in uu kor u qaado akhriska iyo qoraalkaba dhamaan bahda naadiguna ay ku dadaalan sidii ay gobolka ugu wacyi gelin lahaayen akhriska.

Halkaraan readers club
Burco Todheer
Halkaraanreadersclub@gmail.com