Bur-bur Qoys Oo Ku Habsaday Ra'isal-wasaaraha Talyaaniga




Xaaska Ra'Isal-wasaaraha dalka Talyaaniga Veronica Lario ayaa sheegtay in ay gaadhay heer ay ka qanacdo saygeeda Mudane Silvio Berlusconi, iyada oo dalbatay furniin deg deg ah.
Veronica Lario ayaa ahayd 24 jir jisha filimada markii u horeysay ee ay la kulantay Ninkeeda Silvio Berlusconi, Ra'isal-wasaaraha ayaa ka weynaa xaaskiisa 20 sano markii ay is-barteen oo ahayd sanadkii 1980-kii, waxa ayna is guursadeen 10 sano kadib, laakiin Berlusconi Xiisaha iyo Kalgacaylka uu u qabo hablaha yar-yar marna hoos uma dhicin, sanadba sanadka ka danbeeya ayuu Odaygu la soo baxaayey Dar-dar iyo Shukaansi aan xad lahayn.
Veronica Lario ayaa u dhashey Berlusconi sadex caruur ah. Gabadhan ayaa sheegtay in Saygeedu yahay qof been badan, ayna adagtahay in ay u sii dulqaadato nin markasta xod-xodosho iyo shukaansi ku haya hablo aad u da’ yar isaga oo 72 jir ah.
Furniinkan ayaa noqon doono mid qiimo aad u badan ku kaca maadaama Silvio Berlusconi uu yahay ninka sadexaad ee dalka Talyaaniga ugu hodansan ama ugu dhaqaalaha badan.

Source: Ekstrabaladet.dk
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.