WACDARIHII HALKARAAN IYO BUUGA BARBAARSAME
Naadiga Akhristayaasha Halkaraan ee gobolka Togdheer




waxa ay ahayd madal aad iyo aad dadka indhahooda u soo jiidatay oo si heer sare ah loo soo agaasimay madashan oo ah madashii saddexaad ee ay yeeshan Naadiga Akhristayaasha Halkaraan ee gobolka Togdheer kuna soo bandhigeen Buugii saddexaad oo noqday Barbaarsame uuna qoray qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar
madashaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u tiro badan waxaanay isugu jireen dhalinyaro iyo waayeel, waxa kale oo iyaguna aan ka madhnayn madashan oo bilicda u yeelaayey
Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)
Ayaan Maxamud Cashuur
Abwaan Axmed Aw geedi
Qoraaga Buuga Xasan Cabdi Madar
Prof Hinda Maxamed Jaamac
Waxaana taageray naadiga oo ugu balan qaaday Bil kasta in uu ka qaabilayo bandhigyada Buugta shirkada isgaadhsiinta ee Telesom Burco iyo Hotel Barwaaqo.
Waxaa ugu horayn ka hadlay madashaa isku xidhaha Naadiga Jaamac Axmed Maxamed oo ka waramay halka uu marayo naadigu iyo himilooyinkiisa iyo ilaa hada waxa u qabsoomay waxaanu aad ugu dheeraaday muhiimad ay leedahay wax akhrisku.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Abwaanka Axmed Aw Geedi oo isna ka waramay akhriska iyo dhalinyarada waxaanu kaloo ka hadlay aadna ugu dheeraaday Qoraaga iyo Buugiisa Barbaarsame Waxaanu sheegay in uu qoraagu qoray Buug badan balse aanu kan uun ahayn buugta uu qoray waxaa ka mid ah
v . Nabaadiino
v . Sirta guurka
v . Maad barane haw bogin
Iyo buug kale oo badan waxaanu ku soo koobay hadalkiisii in dhalinyarada akhriska ku dadaalan
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Abwaan wayn ee Maxamed Ibraahin Warsame oo isna ka hadlay ubadka iyo dhaqanka soomaaliyeed waxaanu marka hore uu u hibeeyey naadiga magaca Halkaraan, waxaanu yidhi waad ku mahadsan tihiin maadama aad igu sharafteen Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada lagu dhiiri geliyo dhaqanka iyo akhriskaba
Intaa ka dib waxaa la guda galay soo bandhigii buuga oo ay soo akhriday soona koobtay sahra maxmaed cali oo ah inan ka tirsan naadiga ahna wariyad u waranta idaacada maqalka iyo muuqaalka ee waryatv ee cariga Sweden
Waxaanu Buugu aad ugu dheeraaday barbaarinta iyo toosinta ubadka waxaana Buugu aad u dhexgelaayey tayaynta ubadka iyo noocyada caruurta iyo waliba sida looga dhigi karo ubadka qaar anfaca waalidkood iyo naftoodaba waxaanay dadkii madashaa fadhiyey ka faa’iideen waxyaalo badan oo u baahnaa in ay si qoto dheer u fahmaan balse markii hore ay u haysteen wax aan sidaa u muhiim ahayn
Inta ka bacdi waxaa isna ka hadlay qoraaga buuga Xasan Cabdi Madar oo naadiga soo gaadhsiiyay Buug uguna deeqay naadiga waxaanu aad u sharaxay oo uu ku dheeraaday Buuga iyo sababaha uu u qoray Buugan iyo dhibta ka soo martay Ka dib markii qoraagu dhameeyey hadalkiisii ayaa waxa bilaabmay su’aalihii ay dadku qabeen iyagoo si wada jir ah ay uga jawaabayeen qoraaga Buuga iyo inanta soo bandhigtay Buuga
Waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Ayaan Maxamud Cashuur oo iyana naadiga soo gaadhsiisay Buug aad u badan waxaanay ayaan aad dhalinyarada madasha fadhiday ugu boorisay in ay dalkooda wax ka qabsadaan oo ay iska daayan tahriibta iyo dibadaba oo ay tidhi waxa ka wacan dalkiina waxaanay aad u sharaxday mooge festival iyo Hargeysa International Book Fair waxaanay ugu baaqday in ay ka soo qayb galaan Tartanka sheeko iyo shaahid
Waxaa iyana naadiga Buug soo gaadhsiisay Marwo HInda Maxamed Jaamac Buugtaas oo isugu jiray Buug English ah iyo kuwo carabiya labadaba
intaa ka bacdi ayaa waxa lagu soo xidhay saddex su’aalod oo ahaa dhaqanka oo dadkii madasha fadhiyay la waydiiyey saddexdii qof ee garatayna la siiyay jaa’isado.

By; Maxamed C/laahi Diiriye (Timo wayne)
halkaraanreadersclub@gmail.com