Abwaankii la ilaaway !!...Axmed Saleebaan Bidde





Marka aad maqasho magaca Axmed Saleebaan Bidde ,ayaa waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya suugaan aad iyo aad u fara badan oo kooban dhamaanba noocyada kala duwan ee ay suugaantu leedahay,sida riwaayadaha,maajilada iyo gabayadaba.

Waxaa filayaa in Axmed Saleebaan Bidde uu yahay mid ka mid abwaanadii ugu qaalisanaa ee soo mara fanka marka laga hadlayo geyiga ay ku nool yihiin dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa,haddiiba aan ahayn kan ugu horeeya.

Axmed Saleebaan Bidde wuxuu ka soo jeedaa qoys hibo ILLAAHAY u siiyey curinta suugaana iyo guud ahaanba hal abuurnimada.

Axmed S.Bidde waxaa kaloo la odhan karaa wuxuu Wershed ilaa maanta soo saarta Fanaaniin fara badan oo isku jirta kuwii hore,kuwii dhexe iyo kuwa cusub ilaa maanta ku mashquulsan sidii uu u saari lahaa kuwo hor leh.

Ahmed S.Bidde waa abwaan ku caan ah,heesaha caasha ah,gaar ahaan habka suuganta loogu amaano GABDHAHA Soomaaliyeed iyo guud ahaanba suugaanta Jacalka xambaarsan.

Ma soo koobi karo suugaanta Axmed Saleebaan Bidde,ma soo koobi karo taariikhda uu fanka Soomaaliyeed ku leeyahay,ma soo koobi karo inta Riwaayood iyo in Heesood ee uu Axmed sameeyey,mana soo koobi karo qadarinta uu ku leeyahay guud ahaanba ummadda Soomaliyeed .

Axmed Saleebaan Bidde,waa Abwaan xusuus ka mudan in guud ahaanba shacabka Afsoomaliga ku hadla ,gaar ahaanna wuxuu xusuus iyo xanaaneyn ka mudan yahay shacabka reer Somaliland. Hadal iyo dhamaan Axmed Saleebaan Bidde ,waxaan ku tilmaami karaa Abwaan ay ilaaween dhamaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Somalilandba,kuwaas oo uu mudo dheer ku haasaawayey kuna hadaaqayey suugaanta uu tiray Axmed.Ugu dambayntiina waxaa Axmed S.Bidde ilaawey fanaantii ku nabad iyo caano maalay,kuna soo meel maray erayadii ka soo maaxday maskaxdiisa ilaa maanta ku shaqaysta.

mahadsanidin

By:- Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com