Faraha Hakala baxo Hawlaha aan shaqadiisa ahayn Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Aagga Bari Somaliland Col, Maxamed Abdi Axmed Dhancade





... dhul u dhexeeya Oog iyo Yagoori ilaa Badweyn ilaa Sool Qorijab in dhulkii xooluhu daqayeen la damcay . ...arimo fidno ah oo isku diraaya dadka Somaliland ee Degaankaas degan;… sida shaqsiyaadkaasi …, una burburiyeen himiladii iyo Horumarkii Somaliland…. Cad Cadeed Duhurka taagani ma daboolayso gacmaha Danaystayaasha...Somaliland waxaa kharibay Masuliyiin Danaystayaal ah oo ku jira

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Aaga Bari Col,Dhancade waxa uu ku hor kufay Bulshadii soo dhawaysay waxuuna faraha kula jiraa arimo siyasadeed oo aan shaqadiisa ahayn, waxaanan ku eedeeynayaa in uu ka dhex wado Degaanka Oog iyo kuwa kale oo ku xeeran arimo fidno ah oo isku diraaya dadka Somaliland ee Degaankaas degan , arimaha uu faraha kula jiraa waxay dhalinkaraan colaad hor leh oo ka dhex abuuranta dadka wada dhashay ee ku nool degaanadaa aan soo sheegnay.

Waxaana aan si gaara ugu baaqaynaa uguna digaynaa beelaha walaalaha ah ee wada dhashay inay ka midobaan sidii ay uga hor tegi lahayeen Siyaasada qarsoon ee loo soo dhiibay taliye dhancade, loona baahanyahay in beelaha degaankaa ku wada dhaqani ay ka yeeshaan kulan ay kaga gaashaamanayaan qataraha ku soo socda iyo qorshayaasha qarsoon ee deganadaa laga wado , waxaa lagama maarmaan ah in beeluhu ay mideeyaan aragtidooda, xalliyaanna wixii debada lagaga keeno ee dhibta ka dhex dhalinaya.

Shimbirka Daa'uusku la yidhaahdo aad buu qurux badan yahay,quruxdaas Eebbe oo ku manaystay darteed aad buu isu cajab geliyaa oo isula weynaadaa, kadibna waxaa loogu dawgalay nabar aan dawo lahayn oo lagu salliday , wuxuuna leeyahay boog aan weligeed caafimaadin.. Daa'uusku markasta oo uu milicsado baallishiisa quruxda badan oo uu damco inuu hawada sare u duulo, boogta ayaa damqata, taasina waxay ku dhalisaa niyadjab, naxdin iyo liidnimo weyn.

Bulshada Somaliland oo dhan kasta ka midaysan, xagee belaayadu ka heshay oo ibtiladu ka asiibtay ? Quruxda Daa'uuska waxaa qiime tiray boogta , sidaas oo kale haybadii iyo midnimadii Somaliland waxaa qiime tiray damaca waalan ee ay wataan shaqsiyaad reer Somaliland ah oo taarikhiyan Somaliland ku noqday boogtii Daa'uuska oo kale. Nimco waliba nusqaanteeda ayey leedahay .

Bal dib u jaleec dhacdooyinkii taarikheed ee dalkan soo maray ama dibudhaca ku sameeyey iyo sida shaqsiyaadkaasi reer Somaliland ahi cadowga ugu adeegayeen, una burburiyeen himiladii iyo Horumarkii Somaliland, Dhibaatooyinkii shaqsiyaadka reer Somaliland dibudhaca ay u geysteen shacabka Somaliland lama tiro koobi karo ,lakiin waa wax taarikhda maskaxda dadka ku diiwaangashan kuna suntan.

Degaamo ka mida Gobolka Sool siiba Degmooyinkiisa Caynaba, Oog, iyo Magaalooyinka kale ayaa waxaa ka socda Hawlo lagu fulinaayo hab qaran wax loo eekaysiiyey lakiin leh ujeedo kale oo qarsoon oo Siyaasad ku jirto ka timi Madaxda Somaliland qaar ka mida iyo Ganacsade wax ku leh Hotelka Ambasador ee hargeisa oo ah kuwa dan gaar ah wata dadka degaankuna ay si aada ula socdaan siiba Degaanka Oog., Waanu la soconaa kuwa hawlahaa wada iyo waxa ay maleegayaan balse moodaya in aan la ogeyn iskana dhigaaya inay danta shacabka iyo mid qaran wadaan.

Waxaa dhacday waxyaalo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin lakiin aan ka soo qaadan karno qaybo ka mida :- Sida doorashadii G/Wakiilada oo lix(6) xubnood degaanka caynaba ay saami u heshay oo 2ba ka mida ay lahayeen Degmada Oog ayaa waxaa la soo xambaaray nin aan degaanka u dhalan oo ay wadeen kooxdan aan ka hadlaayo loona qoondeeyey dhaqaale la ogaa halka uu ka yimi iyadoo dadkii dooranayey laga dhigay ciidamada qaranka ee umadda ka dhexeeyey oo dhaqaale iyo awood loo isticmaalay markii danbe ciidamada qaran ayaa ilaa burco tikniko ku soo gelbiyey codadkii nin aan u dhalan degaankaa ,iyadoo dadka Oog aad ula yabeen dhacdaada, iyagoo ka duulaya dadka degaanku in waxkasta ay ugu weyn tahay inay ilaaliyaan oo ay xeerinayeen danaha guud ee qaranka iskana ilaalinaya wax nabadgelyada wax ku u dhimanaya inaan la sameyn ,iyagoo la is hortaagay dadka arinkaa ka soo horjeestay aadna ugu xumaaday ,arinkaasuna maaha mid dib u soo noqonaya oo nin danbe aan degaanka u dhalan oo kolay(Salad) lagu sido aanu soo noqon doonin , kaa hore ee la doortayna dib looma arag meel uu joogo maalintii la lahaa waa la dooranayaa mooyaane, haddii uu yahay nin si dhaba u metela degaanka oog oo uu G/wakiilada ugu jiro waxaa la arki lahaa sida xildhibaanada kale ee dadka metela ee hadh iyo habeen ka hadlaya kuna mashquulsan danaha degaankooda laga soo doortay iyo danaha Somaliland .

Waxaa kaloo dhacda in mashariic badan oo loo soo dhigay hab dan guud oo qaar lagu sheegay degaan loo xidhayo seero oo dan guud ah in dhul u dhexeeya Oog iyo Yagoori ilaa Badweyn ilaa Sool Qorijab in dhulkii xooluhu daqayeen la damcay in la xidho, taladaana gunteedii markiiba waa la ogaaday inay salka ku hayso arin degaamayn ah , markii ganafka lagu dhuftayna ay ka soo burqadeen hanaajaabo kooxdaa hawsha gacanta ku haysay oo ugu taliye dhancade hogaaminayey oo ay markhaatiyaal leedahay , taas oo la yaab ku noqotay dadka degaan oo la yaabay taliye ciidan qaran hadana faraha kula jira arimo qabiil oo dad wada dhashay laga dhex abuurayo fadqalo iyo waxaan ku quruxbadnayd qof masuul sheeganaya ,

Mashariic dhismayaal oo lagu sheegay in laga dhisaayo Degmada oog oo dadka degaankuna ka qayb galeen, markii la dhamaystirayna ay noqotay in la yidhaahdo Shaqsiyaad gaara oo aan degaanka u dhalan ayaa iska leh Iyo Arimo kale oo aanaan jeclayn in aan halkan ku soo bandhigo lakiin aan la sugaayo haddii uu faraha kala bixiwaayo in aan iyadana diyaar u nahay in umaddu ay ogaato lakiin aanan wada jeclayn iminka in aan soo wada dhigo., Waxaanu leenahay ka Waantooba oo faraha kala baxa waxaa aad gacmaha kula jirtaan Cad Cadeed Duhurka taagani ma daboolayso gacmaha Danaystayaasha.

Dadka ku dhaqan deeganka Oog iyo kuwa kale ku xeeran way ogyihiin Siyaasadahan shirqoolka ah ay ka danbeyaan Massuuliyada Xukuumada Somaliland ee(Wasiirada Cawil Iyo Sulub ,Gudoomiyaha Baanka JSL iyo Nin ka mida Hantiilayaasha Hotel Ambasador Hargeisa ) Taliyaha Ciidamada Qaranka ee aaga Bari Col, Maxamed Abdi Axmed Dhancade oo isagu ah fuliyaha hawshan ka wada degaankaa ,arinkan oo ah mid la soo abaabulay iminkana fashilmay,ayaa dadka degaanku ay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqooda,maamulkii Siyaad bare ayaa arimahan ku guulaysan waayey oo ku soo fuliyey qaabka iminka ay tijaabiyeen kooxdan isku xidhan, dadku waa dad wada dhashay oo wada degan ,in reer gaar loola baxo loona sheego wax aan jirin , taas oo wax u dhimaysa wanaagii iyo wada noolashihii dadkaa walaalaha ee wada dhashay, waxaa looga baahanyahay cidkasta inay ay iska diidaan wax kasta oo ka horimanaya danahooda , iyadoo aanay cidna waxba ku yeelayn cidii run mooda waxaan jirin oo aanay soconkarin, lugo,oyana ah.

Maanta waynu aragnaa kooxdaa hoos ka wada socota oo geed dheer iyo geed gaaban u koray inay dano gaara ku fushadaan awoodii Ciidamada iyo Hantida Qaranka iyo balse dadka Somaliland ee degaanka ku dhaqan way arkaan dadkaas kooxda ee la wada ogyahay loona bahan yahay in la wada ilaashado ammaanka guud ee dalka iyo kan qarankaba inta laga gudbaayo doorashooyinka soo socda, kooxdan ay ka huleelayaan, Kooxadan isku xidhan ee Magaca Qaranka ku fulinaya mabaadii iyo istaraatiijiyado (qorshayn)ayaa gaadhitaankooda ku adagyahay madaama ay isku dhex wadaan Qaran iyo Qabiil oo degaamayn cusub laga leeyahay ujeedooyinkii iyo yoolkii guud ee qaranku lahaana lagaga tegay,. Taliye Dhancade,na qaabka uu u fulinayo damacaa waalan, maaha shaqadiisii taliyaha uu ku ahaa .

Somaliland waxaa kharibay Masuliyiin Danaystayaal ah oo ku jira oo badan oo iyagu dhex muquura hawsha la wado kuna gabada dan qaran , meeshana u jooga sidii ay u fushan lahaayeen dano iyaga u gaara, danna aan ka lahayn in hawshu Qaranku guulaysto iyo inay dunto toona Cajiib!. qofkii noocaa u hawlgalaana waa wax aan munaasibka ahayn ama aan ku haboonayn Qaranka taasi oo keenta guuldarooyin waa weyn , Aqoon Darona lagu fuliyey , waxayna keeni kartaa in ay lunto kalsoonidii lagu qabay ciidamada qaranka ee daacada u ah dalkooda , keenaysana in la lumiyo helitaanka iyo garab istaagii Hiil & Hooba lahaa iyo in lagu kaalmeeyo hawsha qaranka ee ay wadaan.

Hadiise uu lumiyo Taliye Dhancade sumcada iyo Haybada Ciidamada Qaranka ee uu sifo sharciga ka baxsan u adeegsanaayo waxaa dhacaysa , in aad hareerahaaga aad ka weydo cid ku garab istaagta, casariyahana lagugu dul cabo , magacaaguna in badan ku soo noqnoqdo goobaha fadhi ku dirirka, aadna ku sifowdo nin ay ka xoogbadan tahay reernimadu oo cidla ka dhaqaaqay qiimihii sharafta qaranka ee uu huwanaa kadib markii uu ogolaaday wax aan meelna u raacayn oo loo soo dhiibay, Sidaa daraadeed waxaa loo baahnaa in sumcada la dhawro lagana fogaadaa waxyaalaha keenaya magac darada & in haybadu lunto, Lana ilaaliyaa sharafta & karaamada Somaliland , dadka xajiinta iyo danaha gaarka ugu jira maamulka umadda leedahayna laga feejignaado.

Dad walaalo oo isku degaan ku wada nool mudo badan oo kuwii ilaahay ku uumay iyo kuwii lagu soo dhaweeyey la kala qaaddo ceeb baa kuugu sugan. Midda kale, waa dad Walaalo ah oo isku mid ah, kii soo horreeyayba (Degaanka ku soo horreeyay) waa kii kale, ee iyana inaad kala qaaddo dhexdooda oo ilaa heerkaa lagu fuliyo siyaasad qarsoon oo loogu gabanaayo hab qaran , nusqaan bay kugu tahay Taliye Dhancadow, Taliye Qaran ayaad tahay lakiin haddaad kala qaadayso oo qaarna aad Taliye Reer u noqonayso, qaarna aad snm kugu noqdaan, Taliye Qaran ayaad u wada tahay hadaad ilowday.

Waa dad wada dhashay, wax la kala qaado maaha, Somaliland-na wax la kala qaado maaha ee waa isku wada mid oo Gogol ku wada fadhiya. Sidaa darteed, Taliye wixii umadda dhib ku kala keenaya ka waantow, Adigana ceeb bay kugu tahay, waana masuuliyad daro ,cidna yaanay kuula iman , Somaliland ha kala kaxayn, dadkaas degaankaa ku nool ha kala dhufan,dadkana tolka ah ee nabada aad ugu timi hadhkooda ha ka saarin Maanta Hadal guud mar baan kula hadlayaa, haddii kale oo aad joojin weydo waxaan kuugu jawaabi sida ay tahay.”

Taliye adiga iyo kuwa kuu soo dhiibay mashruucan waad khasaarteen waana isku mid dadkani oo meel kala tegi mayo, waxaanay ku wada noolanayaan wanaag, waxaana idin leeyahay ,,, Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin ,, riyo yaan cidi run moodin , Beelaha Somaliland oo dhanna waxaanu leenahay wanaag ku wada noolaada, nabaddana ilaaliya, nin qarad lehna yaanu idin hodin ,ee ka fiirsada!!!.

Waxaanu aad uga digaynaaa mar labaad in arimaha socdaa ay waxyeelo weyn u geysanayso sharaftii iyo karaamadii Ciidamada qaranka ee Aaga Bari iyo Xidhiidhkii dadkooda u dhexeeyey oo aad muhiim u ah in la ilaaliyo , Ciidamada qaranka oo u dhaartay dadkooda loona baahanyahay inay dhex u noqdaan dadkooda markasta kuna dhexmilmin danaha gaara ah ee aanay shaqo ku lahayn .

Fiiro, Gaara, qofkii danaynaaya in uu arintan igala soo xidhiidho waxaa ii soo diri karaa emailka ku qoran……………………diiriyeolol@hotmail.co.uk…

-Allaa Mahad Leh-

By Diiriye Maxamuud Olol ,West Midlands,B,ham UK