
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 01/05/2009 lagu qabtay magaalada Stockholm shir sannaddeedkii Ururka Qorayaasha Somaliland. Ururkan oo saldhiggiisu yahay dalkan Sweden, gaar ahaan caasimaddiisa Stockholm. Shirka oo ay ka soo qayb galeen qorayaal badanni, waxaa loo soo agaasimay si heer sare. Sheekh Maxamed Xersi ayaa shirka ku furay aayaddo Quraanka kariimka ah, kedibna, waxaa uu shirku u gondadegay ajandayaashii hor yaallay. Kuwaasi oo lafogur kadib, laga soo saaray go’aammo dhaxal gal ah, laguna doortay guddi cusub, oo xilka iyo hoggaanka ururka loo igmaday muddo sannad ah oo ka billaabatay, 1 may, 2009.
Qodobbada ugu muhiimsan ee shirku is la qaatay, waxaa ka mid ah:
1. Shirku wuxuu ansaxiyay warbixintii wax qabadka ee guddigii hore
2. Waxaa iyana la ansixiyay warbixintii xisaabadka iyo tii hantidhowrka ee Ururka.
3. Waxaa la is la gartay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka iyo distoorka ururka, arrintaas, oo loo magacaabay guddi ka soo baaraandegga, soona jeediya hindise
4. Waxaa la isla gartay in aakhirka bisha September, 2009 ururka qabto aqoon is weydaarsi, ka dhici doona magaalada Stockholm, laguna soo bandhigi doono dood cilmiyeed iyo warbixinno la xidhiidha qaabka qorista afka soomaaliga. Arrintaasna waxaa loo xilsaaray guddi hirgelintiisa ka shaqeeya.
5.B) Xafladda loogu magacdaray Mooge ee lagu qabanayo magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa 26 Julay, ururka wuxuu is la gartay in si weyn looga qeybqaato, wixii tamarta ururka ah. Xubnaha xagaaga dhoofaya ee ay u suurtogalayso inay Hargeysa tagaan, waxaa la isla gartay inay ururka wefti ahaan u metalaan, dhambaal qoraal ahna ururka magaciisa kaga jeediyaan.
T) Waxaa kale oo isla qodobkan lagu falaanqeeyay, in xarumaha wax akhriska ee hadda ka hana qaaday gobollada dalka, isku xidhkooda laga qeybqaato, weftiga ururkuna uu gacan ka geysto, sidii ay u yeelan lahaayeen dallad ay ku midoobaan.
6. Ururku sanad kasta wuxuu qiimeeyaa buugaagta soo baxday, waxaanu abaal marin siiyaa buugga horyaalka sanadka ku soo baxa. Arrintaas dood dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la sii xoojiyo.
7. Ururku wuxuu gudoonsaday in maalgelin inta hadda uu helo, ka badan ururka loo raadiyo, si wax qabadka ururka loo kobciyo.
8. Gebagebadii shirku wuxuu doortay guddi cusub oo hoggaanka sanadka 2009 -2010 hayn doona, waxayna kala yihiin:
1. Seyid Maxamed Yuusuf, guddoomiye
2. Axmed Cabdillahi Cawaale, guddoomiye-xigeen
3. Cumar Xaaji Bile, Xisaabiye
4. Nuux Ismaaciil, Xoghaye
5. Cabdillahi Saalax, Xubin
1. Maxamed Xirsi, hanti dhowr
2. Cabdiraxmaan Xaashi, U qeybsamaha arrimaha doorashada
Markii uu shirku dhammaaday, waxaa la bixiyay warsaxaafaddeed, ay goobjoog ka ahayd saxaafaddu xilwareejintii labada guddi. Sida oo kale, waxay labada guddoomiye, wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyeen tv’ga caanka ee Tvsomalilandeurope. Waraysigaas oo aad ka heli karto mareegta www.Tvsomalilandeur
Alla Mahad leh
Shirguddoonka: Axmed Cabdilaahi Cawaale
Xoghaynta: Nuux Ismaaciil
Ururka Qoraaga Somaliland
