salaan, mahad naq iyo maqaal ... Police-ka Togdheer ma Barbar xaaraan baa ?



waxan aad usalaamayaa bahda saaxil.net waxan jeclaan lahaa inaan idiinka mahad naqo sida turxaanta la ee aad wararka iyo maqaalada kala duwan usoo gudbisaan, anigoo kamid ah bahda saxafada iyo bahda sida joogtada ah usoo booqata saaxil.net

Police-ka Togdheer ma Barbar xaaraan baa ?
Arrin isbedel maamul oo aad u layaableh isla markaana ka yaabisay dad badan oo maqlay ayaa ka dhacday Police-ka gobolka Togdheer. kadib markii taliyihii qaybta Poilce ka gobolkaas la bedelay isla markaana lagu soo bedelay laba taliye qaybeed oo la sheegay inay isku awood yihiin.
Taliyaha guud ee ciidanka Police ka Somaliland Gen. Dubbad ayaa isagu gobolkaas safar gaaban ku tegay si uu usameeyo is bedel dhinaca maamulka ah, hase ahaatee maadaama booska la bedelayay uu ahaa hal boos isla markaana uu horay u hayay shakhsi keli ah, ayaa waxa la filayay in mid kele uun lagu soo bedelo, hase ahaatee waxay noqotay looma fadhi kadib markii uu taliyuhu u magacaabay laba taliye qaybeed oo isku awooda.
Sida caadiga gobollada Somaliland waxay leeyihiin min hal taliye qaybeed oo maamula police ka gobolkaas. Arintan ayaa iyadu noqotay mid aan hore loo arag oo fajicuso ah. waxana dad badan ay walaac wayn kasii qaadeen kadib markii laba nin oo kasoo kala jeeda bariga iyo galbeedka Burco loo magacaabay booska taliyaha qaybta gobolka Togdheer, maadaabma ay isku awood yihiin isla markaana ay suuro gal tahay inay soo saaraan amaroo kala duwan oo keeni kara isku dhac toos ah.
Odayaasha iyo wax garadka beelaha gobolka Togdheer ayaa iyagu arrintan si aad uga soo horjeestay isla markaana shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen beelaha gobalka Togdheer kasoo saaray goaamo ay si toos ah ugaga soo horjeedaan arrintan oo ay yidhaahdeen waxaan u aragnaa mid lagu kala qaybinayo beelaha walaalaha ee goblkaas wada degan, gaashaan kana ku dhuftay inay marnaba aqbalaan arrinta noocan ah.
Dhanka kale dawladda ayaan iyadu arrintan haba yaraatee wax faahfaahina aan ka bixin.
Taliyaha guud ee ciidamada police ka Somaliland Gen Maxamed Saqdhi Dubbad ayaa isagu si kedis ah markii uu magacaabay labada taliye isla markiiba uga soo baxay magaaladaas Burco kuna soo noqday Hargaysa, isla markaana aan ka hadal waxa uu uga jeedo arrintan.
Inta badan waxa caado dawladda unoqotay in sababaha bedelaada qof xil dawladeed haya lagu saleeyo arrimo xisbi isla markaana aan lagu qiimayn wax tarka iyo sida uu shaqadiisa u wato qofkaasi, lakiin marhadii laga dareemo inuu ka gaabiyay arrimaha xisibiga talada haya isla markiiba talaabo laga qaado.
Dadweynaha gobolka Togdheer ayaa sheegay inay amaan u hayaan taliyihii hore ee la bedelay isla markaana uu ahaa nin ay siyaasada isu fahmeen wada shaqayn wanaagsanina ay ka dhaxaysay, hase ahaatee loo aanaynayo arrinta bedelaadiisa kadib mudaharaado silmi ah oo xisibiga mucaaradka ah ee Kulmiye uu ka dhigay magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, oo dawladdu ku haysato babta uu joojin waayay .
Ugu danbayn tii dad badan ayaa waxay is waydiinayaan arrintan lagu magacaabay labada taliye qaybeed ee gobolka togdheer oo faallooyin kala gedisan laga bixiyey. Tusaale ahaan waxa jirta gawaadhi ay ku shuraakoobaan laba qof oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Puntland ama Somalia kuwaas oo loogu talo galay maadaama amaanka wadooyink aanay sugnayn in marba ninka reerkooda la dhex marayaa uu masuuliiyadda aminga gaadiidkaas qaado oo la yiddhaahdo waa gadhigiii hebel gawaadhidaas ayaa waxa loo bixiyaa Barbar Xaaraan.
Hadaba arrinta layaabka leh ee ka dhacday Police ka Togdheer ayaa inta badan dadku waxa ku macneeyeen in ay tahay mdi dawladdu ku rabto in la kala dilo shacab weynahan wada degan gobolkaas Togdheer isla markaana waxay is waydiinayaan dadka ku dhaqan gobolkaaso “Togdheer Police-ka Togdheer ma Barbar Xaaraan baa” ?

By:-C/risaaq C/laahi
Weriye Madax banaan
Hargaysa
Aadan13@gmail.com