Xafladii Australia oo Faahfaahsan
Australia oo si aan horey loo arag looga Xusay 18 May, iyadoo Ururka Dhalinyarada Reer S/Land ee SYNS, ay soo bandhigeen Caado Qurux badan oon horey looga baran Xusaskan oo kale. DAAWO
Melboure:- 22 May 2009, oo ku beegnayd habeenimadii Jimcaha ayaa waxaa ka dhacday magaalada Melbourne ee Dalka Australia Xaflad lagu xusaayay xuska munaasibada maaalinta Qaranka Somaliland ee 18MAY.
Xafladan oo ahayd mid ay soo Qabanqaabiyeen, si hagar la’aanana uga soo shaqeeyeen Ururuka dhalinyarada reer Somaliland ee Australia Somaliland Youth Network Society loona soo gaabiyo (SYNS).Sidoo waxa iyaguna garab culus ka buuxiyay Ururka Haweenka Somaliland ee Australia oo ah mid aad u firfircoon. Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray Caruur iyo Cirroole, Rag iyo Dumar, Dhalinyaro iyo Da’aba, iyo Marti sharaf iyagoo dhammaantood ahaa kuwo aad ula dhacsanaa
Munaasabadda ugana Mabsuuday.
Bulshadii kasoo qayb gashay Xafladda.
Xafladdan ayaa ahayd mid nooceedoo kale, aanay hore usoo marin ugana dhicin Dalka Australia, marka loo eego sida Habsamida iyo Quruxda leh ee loo soo agaasimay, kuna qabsoontay, Sida uu sheegay Xubin ka mid ah goloha fulinta ururka oo ah Public Officerka Mudane Cabdi Jaamac Axmed.
Public Officer Cabdi Jaamac
Barnaamijka oo uu Daadahinaayay Xassan C/lahi oo ahaa xidhiidhiyaha ayaa Bilawgii Xafladdan lagu furay, Aayado Quraana, oo halkaasi uu ka akhriyey Wiil Da’yar oo Lix jira, lana yidhaa Ciise Xassan Ciise.
Wiilka yar Ciise Xasan Ciise & Xassan C/lahi
Intaa kagadaal, waxaa xigay wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Xassan Sheekh Yousuf. Intaa ka dib waxaa goobtaasi ka hadlay Khudbadna kasoo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaliland ee Australia Xassan Bulxan, Issagoo Guddoomiyuhu aad usoo dhaweeyey Bulshadii halkaasi isugu timi una Hambalyeeyey.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Mr Bulxan
Waxa isna sidoo kale warbixin ka bixiyay Xaflada, Treasurerka ururka SYNS Xirsi Aadan Cali , Xirsi wuxuu marka hore hambalyo iyo bogaadinba usoo jeediyay dhammaan dadka reer Soomaliland meel kastoy joogaanba. Waxaanu Ilaahay uga rajeeyneyna sanad cusub oo kheyrleh inuu Ilaahay inooga dhigo
Mar labaad Mr Xirsi, wuxuu aad ugu mahadnaqayay dhamaan ka soo qaybgalayaashii xaflada iyo xubnihii qabanqaabadaba oo ay Hormood u ahaayee Xubnaha Ururka, oo uu sheegay inay yihiin xubno ee kaalinta firfircoon qaatay xafladan isku duba ridkeedii iyo Agaasinkeediiba. Waxaanu ku guubaabiyay in ay dedaalka halkaa ka si wadaan.
Xafladan ayaa waxay ahayd mid ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshadu , Waxaa sidoo kale ka qaatay Qeyb weyn fanaaniin badan oo ay ka mid ahaayeen fannaanka weyn ee Maxamuud Jango, iyo Fanaaniin kale oo kala ah C/Qaadir Mohomed, Naasir Bashiir, Rashiid Shiil, Yaasiin, Cali Muse, Samsam iyo Marshaale. Fanaaniintan oo heeso cusub oo wadani ah halkaasi kusoo bandhigay, Heesahaasi oo uu inta badan Curiyey Abwaanka da’da yar ee la yidhaa Ayaanle Xusseen Yuusuf iyo Abwaan Cabdi Ibraahim.
Waxaa kaloo halkaa lagu soo bandhigay riwaayad aad u qiimo badnay una macaanayd oo ay soo bandhigeen Ururka Dhalyarada ee SYNS iyo Xubno calculus oo communityga ka mid ah.
Riwaayada oo ay midhaheeda si wada jir ah u sameeyeen Sacad Magan, Khaddar Cabdi Xeyd, Ayaanle Xusseen Yousuf, Xirsi Adan Cali. Waxaa riwaayadan soo bandhigay oo Hogaankana u hayay jilayaasha, Jilaaga Weyn C/qaadir Cumar Cali (Bulaale) oo ah nin aad ugu heelan Hawlaha Communityga.
Jilayaasha kale ee la metalaayay riwaayada ayaa waxay kala ahaayeen:-
Ruweyda
Xirsi Adan Cali
Sacad Magan
Khadar Cabdi Xeyd
Guuleed Mohomed
Sakariye Maxamed Cumar
Ahmed (Good)
Waxaa iyana khudbad aad u qiimo badan oo dadka soo jiidatay ka soo jeedisay Munaasabaddaasi laysku arkay, Xoghaya guud ee ururka SYNS Farduus Muse Xassan oo ku magac dheer ( Sahan Culus ), iyadoo kaalin weyna ka soo qaadatay qabanqaabadii Xaflada kana mid ahayd xubniihii ugu muhiimsanaa xaga isku soo duba ridka xaflada, isla markaana aanay Xafladu la,aanteedba suurto gasheen, sida ay ka dhwaajiyeen Dadkii halkaai ka hadlaayey.
Farduus oo ah Xubin aad u firfircoon Ururka dhexdiisa ayaa waxaa ka mid ahayd erayadii khudbadeeda hadalo isugu jira Duur xul, Waano iyo Guubaaboba. Iyadoo ugu baaqday Bulshadii halkaasi isugu timi inay noqdaan qaar isku duuban oo gacmaha is qabsada yar iyo weynba iskuna garabsadaan hawlaha communityga Aakhiro iyo Aduunba.
SYNS General Secretary Farduus Muuse Xassan ( Sahan Culus )
Farduus Muse, oo Khudbaddeedu ahayd mid lagu wada diirsaday ayaa iyadoo u mahad celinaysa dadkii kasoo qayb qaatay Abaabulka Xafladda yar iyo weynba. Waxaa ka mid ahaa hadaladeedii “ Ugu horayn waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhamaan dadka reer Soomaliland meel ay joogaanba. Waxaan runtii amaan iyo mahadnaqba u soo jeedinaya websiteka Goljano oo isna nagala Qeyb qaatay hawshan, iyo Maxamed Faarax (Maxamed yare) oo isna kaalin weyn ka qaatay, waxaa kaloo amaan mudan iyaguna dhaman xubunihii sida hufan xafladan usoo diyaarshay oo kala ahaa Xirsi, Cabdi jamac, Sacad magan, Guuleed Mohmed, iyo Sharmake Yousuf.” Sidoo kale waxaa amaan mudan ururka Haweenka Somaliland ee Australia.
Waxa kale Farduus Muuse, ka warantay ururka SYNS (SOMALILAND YOUTH NETWORK SOCIETY), Waxayna tidhi “ Hadaan Xaga ururka ka waramo, Ururkani waa mid ugub ah oo dhawaan aan aasaasnay dabyaaqadii sanadkii hore, oo aan ugu talo galnay kor u qaadka iyo horumarinta dhalyarada Somaliland gudo iyo debadba gaar ahaan dhalinyarada reer Melbourne oo uu hada aad uga hawl galo ururku.”
Iyadoo hadalkeeda sii wadatana, waxqabadka Ururkana ka waramaysana waxay tidhi “ Ururku runtii Qorshayaal badan wuu leeyahay laakiin hada wax qabad kayagii ugu waynaa ee aan samaynay wuxuu ahaa Xafladan, Insha Allah waxanan rajaynaynaa inaan waxbadan qabandoono sida ugu dhakhsaha badana aanu hawlo badan u fulindoono, gaar ahaan bulshada reer Melbourne, aan aad ugu hanwaynahay inaan wax badan ka bedeli doono insha Allah Ilaahayna hanala garab galo inshalah.
Fardus Muuse Xassan oo ah Gabadh dhalin yar, sidoo kalena Ilaahay Hibo u siiyey Curinta Noocyada kala duwan ee Suugaanta, ayaa waxay ku soo gabogabaysay Hadaladeeedii Erayo Xassuus badan ku reebay dadkii oo ahaa oo ay ka mid ahaayeen ( GAM I WAAYAY HURDADAAN RABEE MAXAA GACALKAY IGA HAYSTA).
From Midig: Guuled, Cabdi J, Farduus, Xirsi, Sharmaarke, Iyo Sacad
Waxa Xafladdaasi qiimaha badan lagu soo bandhigay, waxyaabo dhawara, oo ka mid ahayd Dhaqan ama Caado aan lagu aqoon Xusaskan oo kale, Aroosyada mooyee. Taasoo ah KEEK jarista, oo Xafladdan sidii Aroosyada lagu jaray KEEK. Iyadoo Bulshadii halkaasi ku sugnayd la wada mabsuudeen.
Waxaa ugu Dambayn Gabay gunaanad ah ku soo xidhay Barnaamijka Guud Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Odayaasha Reer Somaliland ee Melbourne deggan.