Hargeysa (Ogaal) Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa la sheegay inay is hortaagtay qabashada munaasibad lagu xusayay sannad-guurada 18-naad ee ka soo wareegtay gooni-isu-taaga Somaliland.
Siday Khamiistii habeen hore faafisay idaacadda Madaxabanaan ee Horyaal, xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti, waxa ay dhici lahayd isla maalinimadii Isniintii todobaadkii hore oo loo debaal-degay xuska 18 May.
Warku waxa uu intaa ku daray, in markii hore ay diyaarinta xafladaas si wadajir ah u wadeen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan halkaas iyo masuuliyiinta dawladda Hoose ee Caasimada Jabuuti. Hase yeeshee, siday Horyaal faafisay, waxa qabashada munaasibadaa joojinteeda amar ku bixiyay masuul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Jabuuti, kaasoo sida la sheegay ku wargeliyay in aan Jabuuti lagu qaban karin xuska dal aanay madaxbanaanidiisa dalnimo Jamhuuriyadda Jabuuti aqoonsanayn.
Dhinaca kale, xaflad lagu taageerayo dawladda Jabuuti iyo Madaxweynaheeda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa habeen hore lagu qabtay magaalada Gabiley. Xafladaas oo si weyn loo agaasimay, waxa sida la sheegay soo qabanqaabiyay Jaaliyada reer Jabuuti ee degen Gabiley iyo qaar ka mid ah ganacsatada degmada Gabiley, waxaana ka qaybgalay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Guddoomiyaha gobolka Gabiley, Maayarka degmada Gabiley, Guddoomiyaha degmada Tog-wajaale iyo masuuliyiin kale. Masuuliyiin kala duwan oo halkaa ka hadlay, ayaa amaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin sannad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay muddada xil-hayntiisa.
Iyadoo koox fanaaniin ahi halkaa ku soo bandhigeen heeso iyo madadaalooyin kale oo ay ku amaanayaan Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladdiisa.
Dabaal-dega Gabiley loogu qabtay Madaxweynaha Jabuuti, waxay daba socotay xaflado hore oo lagu taageerayo oo hore loogu qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama
Hawlgalo La-dagaalanka Ayaxa ah oo ay
iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha iyo hay’adda DLCO
Hargeysa (Ogaal)- Wasaaradda Beeraha ee Somaliland iyo hay’adda La-dagaalanka Ayaxa Geeska Afrika, ayaa shalay si wadajir ah iskaga kaashaday buufinta Ayax ku degay deegaamo ka tirsan Waqooyiga Hargeysa.
Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yare) oo uu xalay xog-waran kooban la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in buufinta Ayaxani la xidhiidho hawlgalo hore oo ay ku buufiyeen Koron-koro ka dilaacay deegaamo ka tirsan Somaliland, kuwaasoo sida uu sheegay ay gacan ka siisay hay’adda DLCO oo diyaarad u soo dirtay.
"Markii hore Diyaaradu waxay buufisay dhul ilaa 1200 oo Hikter ah oo dhinaca Xeebaha Waqooyiga ilaa xuduudka saddex-geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti ah. Diyaaraddu hawlgalkeeda waxay ka soo samaynaysay Jigjiga, maadaama diyaaradani ku socoto Shidaal gaar ah oo aan ahayn Shidaalkan caadiga ah ee ay Diyaaraddaha kale ku socdaan. Laakiin, hawlgalkan maanta (shalay) waxay ka samaysay oo ay ka duulaysay Madaarka Hargeysa, ka dib markii ay dhawaan dhawr Barmiil (Foosto) oo Shidaal ah ay soo dhigatay Madaarka Hargeysa.
" Sidaa ayuu yidhi Wasiir Dhoola-yare, wuxuuna intaa ku daray, "Hawlgalkaa hore ee deegaamada Waqooyiga iyo Galbeedka way ku guulaysteen, laakiin waxa jirtay Ayax ka dilaacay deegaamo Gobolka Togdheer ka tirsan iyo wixii ka shisheeya.
Balse, taasi waqtigan isagoo dhintay bay ku soo beegantay. Dabadeedna, xilligan ayaa la soo sheegay meelihii ay buufisay oo Xeebtaa dhereran ee ilaa Saaxil ah inay ka qarxeen Ugxantii uu Ayaxaasi ku reebay, wuxuuna noqday khatar weyn oo inagu soo fool leh.
Sidaa darteed,waxaanu Diyaaradan DLCO u dalbanay, si aanu wax uga qabano, sababtoo ah wax aan iyada ahayni ma dhamaystiri karayaan. Markaa 6:00 subaxnimo ee shalay ayay hawlgalkeedii bilawday, wuxuuna qorshuhu ahaa inay buufinta ku bilaabaan Lafo-ruug iy Dero-godle oo ka tirsan, halkaasoo qaylada ugu badani ka taagnayd. Laakiin, markii ay dulmaraysay Aw-Barkhadle Waqooyigiisa ayay arkeen Koron-kor aad u badan oo dhulka gurguuranaysa, dabadeedna taas bay ku bilaabeen oo ay buufiyeen.
Way soo noqotay Diyaaradu, dib bay Shidaal u qaadatay, waxayna noqotay inay mar labaad ku noqdaan oo ay soo buufiyeen, waanay soo buufisay, haddana mar saddexaad oo kale ayay soo buufisay," ayuu yidhi.
Wuxuuna tilmaamay in hawlgal saddexaad oo ay Diyaaraddu ku buufin lahayd Ayaxaa ka dilaacay deegaamada tuulada Aw Barkhadle ee Waqooyi/bari Hargeysa, ay hakiyeen dabawlo barqonimadii hore ee shalay dhacayay, taasoo inuu mar afraad ku kaco ka cudur-daartay Kabtanka Diyaaradda DLCO ee Xukuumadda gacanta ka siisay La-dagaalanka Ayaxaas.
Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay inay Sabtida maanta u qorshaysan tahay inay hawlgal buufin ah ka bilaabaan Koron-kor ka dilaacday Ayax muddo ka hor ku degay deegaamada Lafo-ruug iyo Der-godle oo ka tirsan gobolka Saaxil.
Waxa uu sheegay inay hawlgalkan qayb ka yihiin hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Beeraha, baabuur iyo qalab ay wataan oo ay dhinaca dhulka kagala dagaalamayaan Ayaxaas, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin qaar u tabobaran la hortaga iyo la-dagaalanka Ayaxaas, isla markaana ay Diyaaradda hawada ka buufisay gacan ka siinayaan hawlgalkeeda.
Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay in ka dib marka ay Diyaaraddu hawlgalkeedaa maanta soo gebogebayso ay sii buufin doonto Ayax isna ka dilaacay deegaanka Garbo-dadar oo ka tirsan gobolka Awdal, inta ay ku sii jeedo duulimeedkeeda Diridhaba oo saldhig u ah mashruuca DLCO. "Kabtanku wuxuu sheegay in hadii aan halkan lagu horjoogsan ay soo socoto khatar weyn oo uu Ayaxu geysan karo," ayuu yidhi Wasiirku.
Wuxuuna sheegay inay sii wadayaan qaylo-dhaantooda ay Xukuumad ahaan ay hay’addaha ugala kaashanayaan wax-ka-qabashada Koron-korta ka dhalatay Somaliland, taasoo uu sheegay inay waxyeelo gaadhsiin karto Daaqa iyo wax-soo-saarka Beerahaba.
Wasiir Dhoolayare waxa uu mahadnaq u jeediyay hay’adda DLCO, hay’adda dhinaca Beeraha u qaabilsan Qamamada Midoobay ee FAO iyo hawlwadeenada Wasaaradda Beeraha