heestan waxa la yidhaa [CALANKEENA CAWAALE] waa hees cusub oo curatay 14.5.2009






heestan waxa la yidhaa [CALANKEENA CAWAALE] waa hees cusub oo curatay 14.5.2009 waa hanbalayo gaara xuska sanadguurda 18 may ee ka dhacaysa cidhifyada aduunyada waxaan leeyahay shacabka somaliland ciid wanaagsan sanad guuro wacan

waa ayaan culusoo
cisi sharaf mudanoo
calankeena cawaale
ciidiisi weeyaan
cariga somaliland
cawo lagu dabaaldago

ciideenu waa hodan
waa cari barwaaqo
waa cudud midahoo
loogu faano caalamka
casiis lagu mahadshaa

calankeenan midabada
casaanku waa kifaaxii
curadadu usara kacay
cagta mariyay cadawgii
caradeena xoreeyay
cagaarkuna waa barwaaqda
caadilkay na siiyay
caqli mida shacabkuna
camiray somaliland

cadaankuna waa nabad
cawo aan ku noolnahay
cisi sharaf dhaxdeena
caawaba ku hurudno
nina caad ka saarnayn
calaamadiisa gaarka ah
calanweeye tawxiidka
lagu sharfay casiiskeen[swt]
caro weeye islaam
xidigtuna waa caqli
caynadeedu gaar tahay
cabiraysa horseed

caasimadii hargaysa
ceerigaabo daawada
caynabo wacdaraha
damaashaadka cadaadlay
ceelafwayn dabaaldaga
curadadii rabaso
codka shacabka wadajiree
babinaaya calanka
ciidaaya maantaba
cirooliyo caruurba
caawaynu ciidnee
codkarnimo dhamaantiin
aan salaano calankee
caashaqa cawaale
cirka gacanta wada lula
calanyahow ha dheeliyin
cimrigaa ha raago
cadawkuma dhantaalo
codka maqashiiya caalamka


By:- saciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com
london









Somaliland National Anthem / Heesta Calanka Somaliland




Samo ku waar, samo ku waar, saamo ku waar
Sarreeye calanka sudhan bilay dhulkiisaa,
Samo ku waariyoo iyo bogaadin sugan
Hanbalyo suuban kugu salaannee saamo ku waar
Geesiyaashii naftooda u sadqeeyay qarannimada Somaliland
Xuskooda dhowrsan kugu salaannee samo ku waar
Guulside xanbaarsan soo noqoshadiisa
kalsooniduu mutaystayee dastuurka ku salaannee
Midnimo walaalnimo goobanimo islaanimo kugu salaanee samow samidiyo
samo ku waar samo ku waar saamo ku waar


Heesta Calanka Somaliland