Daladda Midawga Suxufiyiinta Somaliland ee USJ, ayaa si kulul u cambaaraysay falkii foosha xumaa ee ka baxsanaa dhaqanka iyo anshaxa suuban ee uu Afhayeenka madaxtooyadu kula kacay suxufiyadda Muuna Casayr oo ah weriye ka tirsan telefishanka SLSC iyo idaacada madaxa bannaan ee Radio Horyaal, iyada oo ka qaybgalaysay xuskii loo sameeyey dabaal degii 18 May ee lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay xalay daladu soo saartay oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Dalada midawga Suxufiyiinta Somaliland Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuuse) kaasi oo isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan; “Dalladda Midowga suxufiyiinta Somaliland ee USJ waxay si kulul u canbaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu kula kacay suxufiyada Muuna Casayr oo ka tirsan telefishanka Somaliland Space Channel (SLSC) iyo Radio Horyaal.
Falkaas uu afhayeenku kula kacay inanta suxufiyada ah waxa uu ahaa mid ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqada masuuliyadeed oo uu qof umad xil u hayaa kula kaco gabadh suxufiyad ah oo mihnadii shaqo gudanaysa.
Waxayna Dalladu u aragtaa falkaa foosha xun ee uu Afhayeenku ku faro saaray Muna Casayr ee uu kaladhka inta uu qabtay uu u tukhaantukhiyey si xun oo ka baxsan dhaqanka islaanimo iyo ka Soomaalidaba mid xadgudub qaawan ku ah xuquuqdeeda suxufino iyo dhaqankeenaba, waxaanay dalladu ugu baaqysaa Madaxtooyada inay tallaabo ka qaado falkaa uu gaystay Afhayeen Siciid Cadaani Mooge, isla markaana raali galin laga bixiyo.
Waxa kale oo dalladu cambaaraynaysaa xadhigii la gula kacay weriye Mustafe Maxamed Cabdi (Jannaale) oo ka tirsan shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, kaas oo in ka badan 9 saacadood si xaq-darro ah ugu xidhnaa saldhiga Dhexe ee booliska.
Dallada suxufiyiinta USJ waxay ka digaysaa xadhiga iyo tacadiyada lagula kacayo suxufiyiinta gudanaya mihnadooda shaqo ee qaranka u adeegaya.”

|