18 May wixii la qabtay wuu garanayaa ninkii doonayaa balse ninkii uu mugdi kaga jira mar kale ayaa ugu celinayaa inta ugu mudan amase ugu muhiimsan ee si fiican uga bogo:-
• 18 May waxaa dib loola soo noqday Qarannimadii Somaliland ee la helay 26 Juun 1960 balse luntay.
• 18 May waxaa dhibada loo taagay Qaranimada Somaliland ee maanta aynu dhamaanteen hadhsanayo.
• 18 May waxaa la qabtay shirar fara badan oo lagu nabadeynayey guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
• 18 May waxaa dhamaan dib loo dhisay ,dhamaanba Hayadaha Dowladnimo ee maanta aad xafiisyadooda ka wada heli karto dhamaan Gobolada dalka ka kooban yahay.
• 18 May waxaa la hirgeliyey lana ilaaliyey nabada buuxda ee ilaa maanta ay hadhsanayaan dhamaanba shacabka reer Somaliland.
• 18 May waxaa laga hirgeliyey amase laga dhamays tiray Somaliland tubta toosan ee Dimuqraatiyada oo aan odhan karo waxaa higlin kari waayey Dowlado Somaliland ka tamar iyo dhaqaale badan.
• 18 May waxaa dhashay saddexda Xisbi Qaran ee maanta ka jira Somaliland oo kala ah UDUB , KULMIYE iyo UCID.
• 18 May waxaa la dhamaystiray tubta Dimaqraatiyada oo waxay Somaliland ku guulaysatay in la qabto Doorashooyinkii Deegaanka --- Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Doorashadii Madaxweynenimada. (one man –one vote).
• 18 May waxaa la dhisay noocyada kala duwan ee ciidamada Qaranka Somaliland sida Poliiska-Asluubta- Sirdoonka-Bada iyo Xooga dalka.
• 18 May waxaa la gaadhay dhamaanba xuduudaha Somaliland ay la leedahay wadamada deriska .
• 18 May waxaa la dhisay Siyaasada Dibada ee Somaliland,waxaa la sameeyey Safiiro badan,saaxiibo badan iyo dunidoo ina baratay.
• 18 May waxaa la dhisay Ganacsiga balaadhan oo dibad iyo gudahaba leh ,oo ay ugu nuhiimsan yihiin Xawaaladaha- Isgaadhsiinta- Wershedaha-Diyaaradaha- Hoteelada iwm oo dhamaantood ku yimid nabada 18 May .
• 18 May waxaa dhismay waxbarashada-Caafimaadka iyo dhamaan Wasaaradaha dalka ,maantana Gobolada Somaliland dhamaan waxay gaadheen heer Jaamacado ay yeeshaan,fadlan bal tiri inta Jaamacadood ee maanta dalka ku taala.
• 18 May waxaa dhismay Ururo fara badan oo ay ka mid yihiin ururada bulshada iyo NGO ,dhamaantoodna waxay ku yimaadeen nabada 18 May.
• 18 May waxaa xoriyad buuxda helay dhamaanba Saxaafada Somaliland ,baal tiri inta maanta Saxafaad madaxbanaan iyo Dowladeed ka jirta Somaliland.
• 18 May waxaa Somaliland ka dhismay dhismayaal aad u fara badan oo aad u qurux badan,dhamaantoodna waxay ku yimaadeen nabada 18 May.
• 18 May Somaliland waxay noqotay 13 Gobol,halkii ay ka ahaan jirtay 6 Gobol oo keliya.
• 18 May waxaa la sameeyaa xaflado waaweyn oo loogu dabaal degayo laguna weyneynayo 18 May dalka iyo dibadaba.
• 18 May wixii la qabtay ma aha wax qalin iyo waraaq lagu soo koobi ee fadlan wixii intaa ka badan la xidhiidh Wasarada aad doonayso.
• Ugu dambayn 18 May waxaa la dhisay dalka Somaliland ee orod oo soo daawo.
Mahadsanidin
By:-Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi-saleiman@hotmail.com