Munaasibada balaadhan lagu xusayo 18-guuradiioo ka soo wareegtay xuska 18-May oo ah maalintii lagu dhawaaqay madax banaanida Somaliland ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha Khayriyada bee Magaalada Burco.
Xuskan oo ay ka qaybgaleen kumanaan qof oo ka mida dadweynaha magaalada Burco ayaa waxa uu ahaa mid kii ugu xooga roonaa ee laga dhigi magaalaga Burco, waxaanay dadweynaha ka qayb galay ay siteen calamo iyo halku dhigyo asy ku taageerayaaan maalintan.
Xuskan 18- May ee magaalada Burco ayaa maanta waxa ka qayb galay madaxa maamulka gobolka togdheer, dadweyne gaadhaya ilaa 10,000 qof iyo weliba fanaaniin iyo kooxo suugaan yahano ah oo ku soo bandhigay suugaan iyo ciyaaro kala duwan.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Warsame Biin oo saaka la hadlayey daweynihii ka qayb galay xuskan ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in maalintan lagaga dhawaaqay Magaalada Burco,isla markaana aan laga sugayn dadweynaha magaalada inay liiciyaan qaranimada Somaliland.
Gudoomiyahani waxa uu ku eedeyey caalamka inay indhaha ka lalinyaan aqoonsiga Somaliland, aanay umadani xaq u leedahay in la qoonsado oo aanay ka hadi doonin.
Sidoo kalena Gudoomiyaha Jaamacada Burco Profeysar Cabdi salaan Yaaasiin, kana mid ahaa aasayaashii ku dhawaaqay ururka SNM ayaa waxa oo isaguna xusay inay umada Somaliland u samirto inay ilaashato amnigeega iyo xasiloonideeda.
Munaasibadan ayaa waxa si weyn u saameeyey suugaan iyo barnaamijyo loogu talo galai xuska , kuwaasi oo so weyn u soo jiitay indhaha dadweynaha.
Geesta kalena waxa munaasibadan 18-May laga xusay meeli badan oo kamida deegaamada gobolka togdheer, gaar ahaana degmooyinka Duruqsi, Qoryaale, Qurulugud , Harada iyo meelo kale, kuwaasi oo dhamaantood ay masuuliyiintu kala hadleen dadweynaha meel fagaare ah.
By:-
Yuusuf Ibraahim Warsame
Ilkacase,Burco
Email: xagaa67@hotmail.com

|