Hambalyo, Hambalyo...munaasabada 18ka May oo ah markii ay Somaliland
dib ula soo laabatay qaranimadeeda iyo ummadnimadeeda



Ururka SSE oo ah ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub waxa uu idiin soo gudbinayaa dhanbaal hambalyo oo ku wajahan munaasabada 18ka May oo ah markii ay Somaliland dib ula soo laabatay qaranimadeeda iyo ummadnimadeeda.

Dhanbaalkani waa mid aanu u soo gudbineyno dhammaan ummada reer Somaliland meel kasta oo ay suganyihiinba.

Munaasabadani waa mid qiimo iyo ahmiyad weyn ku leh dhammaan dadka reer Somaliland. Waa maalintii mujaahidiinta SNM qaateen go’aanka adag iyagoo tixgelinaya dareenka dadka reer Somaliland. Waa maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada ama dib u hanashada qaranimada Somaliland ee aynu maanta markhaatiga ka wada nahay.


Waa maalin ay tahay inaynu ku xasuusano dadkii naftooda iyo hantidooda u hurey si ay u suurto gasho qaranimada aynu maanta haysano. Run ahaantii maalintani qiimo aan la soo koobi karin ayay agteena ka leedahay. Ururka SSE waxa uu markasta mahadnaq aan la soo koobi karin u soo gudbinayaa dhammaan shicibweynaha reer Somaliland ee xilka gaarka ah iska saarey soo abaabulida munaasabadaha lagu xusayo maalintan.

Si loo gaadho himilooyinka ay shicibweynaha reer Somaliland higsanayaan ururka SSE wuxuu codsi u soo gudbinayaa dhammaan golayaasha xukuumada iyo xisbiyada siyaasiga ah, kaasoo ah in laga faa’iideysto fursadaha ina horyaala oo ah sidii aynu u qaban laheyn doorasho xalaal ah oo ku dhacda wakhtiga la qoondeeyay.

Guul iyo aqoonsi buuxa ayuu ururka SSE u rajaynayaa in dadka reer Somaliland ay ku gaadhaan munaasabada sannadka dambe haddii Ilaahay yidhaa.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee SSE