Gabaygan waxaa tiriyey abwaanka caanka ah ee reer sanaag abwaan xuseen maxamed cali “xuseen-farjar”



Xuseen Farjar oo ka mid ah abwaannada reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa qiyaastii toban sano ka hor wuxuu tiriyey maansadan la magac baxday 18 May iyo Xornimada Somaliland, maansadan oo aad mooddo inaanay tan iyo xilligaa duugoobin oo ay markasta la jaanqaadayso wakhtiga jira ayuu si qoto dheer abwaanku ugaga hadlayaa Xornimadan iyo sidii lagu keenay iyo himilada ay dadkani hiigsanayaan, yaanan ararta iyo hordhaca waxba ku dheeraan ee aan idiin soo bandhigo maansadii "18 May iyo Xornimada Somaliland"

Umad dhegale baa lala hadlaa ama wax dhaaday eh
Dhiig nimuu ku jiro baa inuun ceeb ka dhiidhiya eh
Siyaasiga ku dheeliyo shacbigu wax isma dhaamaane
Dhibtan iyo wax somalilayn dhaawaca u geystey
Xilkeedii dhammaa iyo raggii talada loo dhiibay
Yaan lagula dhocoon ahayn kii dhabta ahaaye
Ninkastoo danaa dhugan lahaa dhagax la raacsiiye
Isaguna dhufayskuu galoo cadho la dheeraaye
Dhangaagaalihii baysu hadhay dumarku dhaameene
Aan dhudhumin xaajoba intay dherer ka gaadhay eh
Berri waxaa dhacaayiyo dhitiyo dhaxal ma eegaane
Dharaartaas waxa taagan bay dhab u yaqaanaane
Adduunyoba waxay ugu dhan tahay labada dhaayoode

Dhalashadatan somalilayn ma aha dheeldheele
Dhudhun iyo awood bay ku timi dhuumbir iyo xoogeh
Waatii la dhiibaye rag baa dhiciyey maandeeqe
Dhugta calanka waxaad dheehan ee ka casi waa dhiigeh
Dhuxdhux baa baxaysiyo waray dheguhu diideene
Dhayal iyo cayaar laguma helin sidigta dhoor wiileh
Hashii aan dhufayskiyo u galay dhamacda baaruudda
Hashii aan libaax dhiigbartiyo aar ka soo dhiciyey
Hashii aan abguri dhaansatiyo halaq u dheegseexday
Hashii aan gantaalaha dhiciyo dhuuncastaw jiidhay
Hashii aan dhibaatadii kastaba dhinaca saaraayey
Hashii aan dhaqaaliyo u huray nolol dhammaanteedba
Hashii aan naftaba dhaafsadayee eebbe igu dhawray
Rag hashaan isugu dhaaraneen libin ku soo dheelmay
Waxaan soo dhadhaanshaba markaan dhuuxa herer keenay
Markaan dhagax lamaasiyo xadeed dhooddi ku ekeeyey
Markaan dhawr galbood oo isxiga nabad ku soo dheelmay
Markii aan dhukaankiyo ka muday cudur dhamaantiiba
Dhuunyaale kay tahay markaan bahal ka dheereeyey
Maalintay dhanaanayd raggii dhoofka iga aaday
Cudud iyo dhaqaaleba kuwii igala dheeraaday
Fulii dhuumanaayiyo daruu dhabarku ii muuqday
Ayuunbaa dhankaygii ka maray sidigta dhoorwiileh
Dhabbadaan u jeexiyo ma marin dhaqantii toosnaaye
Saakaba wax sahankeed dhunbihii taniyo dhoobayeh

Haddaanse nirigta geedkaw dhigee gaawe laga dhoorshay
Ma dhadhamin dhanaan iyo macaan wax ay dhiiqayeh
Dhexda aniga oo xidhan waxaan doobiga u dhiibay
Agoomaha dhammaan iyo intii dhibi ka soo gaadhay
Maatadii ha dheregto baan lahaa dhaxanta taagnayde
Dhoobiga ilaashiyo markuu dhaawacu afqaado
Ninba wuxuu dhitaystaan lahaa dhaxal ahaan siiye
Abaalkii u dhamay baan lahaa iyo weliba dheeraade
Laakiin umay dhicin sidaan maansadaw dhigaye
Dhexda waxaa u joogsaday daraan cidina dhaadayne

Dhaqso ugu dhaqaaq baan lahaa hawl wixii dhimaneh
Dhaqaalihii burburay baan lahaa dhaqankii noolayeh
Dhudhunkiina maalaan lahaa waad ku dheregtaane
Dheemantiyo batroolkaan lahaa dhididoo soo saar
Geediga dhaqaajaan lahaa duhurka dheemaalsha
Qayrkiin dhex dega baan lahaa dheg isu nooleeya
Iska dhiga dar dhiiglaan lahaa ceeb ka dhiidhiya
Dadku hays dhexmaro baan lahaa dhaqan wadaagtiiye
Dhaawacii bogsii baan lahaa boogihii dhaya eh
Casharkeed dhansii baan lahaa culimo dhawrsoone
Nabaddii dhamay baan lahaa dhidibadaw aas
Laakiin umay dhicin sidaan maansadaw dhigay
Dhexda waxaa u joogsaday daraan cidina dhaadayneh

Sideed sano bilaa dhiman intaan saa u dhererayne
Irbad dhuub ma gelin ways ognahay daalna loo dhimayeh
Dhinacraw siyaasiya iyo waxa jira talo dhuuhayne
Xamar baa war laga dhawrayaa loo dhutinayaaye
Dhabadii haddii shalay la maro dhabarjab sow maaha
Geel dhac iyo nimaad caliyoow leedihiin dhuungooyo
Looma dhiibto dhoorwiil daraad dhabu collowdeene
Hayska dhogor xumaato eh haddaan dhoobay loo celinin
Maruun baa dhukaankiyo ka bi’I dhoy xumaantani eh
Maruun baa intii farow ku dhigo dhabarku weynaane
Maruun bay candhada dhaamin oo dhaafin lawyaha eh
Maruun bay dhallaankiyo anfici dhawrkan haysta eh

Dheef lagama helo maal haddaan lagu dhibaatoone
Dhaqsaad arag iyada oo dhashay oo geedka loo dhigiyeh
Dhaqsaad arag dhanaan iyo karuudh dhay is dhinac yaale
Dhaqsaad arag innaga oo dhanag dhigannay qaare
Dhaqsaad arag sibraar dhaansan oo dhawrto loo sudhayeh
Dhaqsaad arag dhibbane loo lisiyo deriska dhowdhoweh
Dhaqsaad arag ilaahoo ka dhigay dheehadii nebi eh
Dhaqsaad arag dhulkeenno nimcada loogu yimi dhoofe

Afartaa dhammeeyaye kolkaan hore u sii dhaafo
Haddii uu libaax neef la dhaco oo aad ka soo dhiciso
Dhulukh dhalakh hadduu kaala tago sow dharrici maaha
Haddii talo indheergarato iyo odayo loo dhiibo
Hadday dhaabadeeyaan oo halkay dhaafi kari wayday
Dhaanwade hadduu kaa bedelo sow dhegxumo maaha
Xornimada dhibteediyo ogeyn dhamacdii loo jiidhay
Dhayal iyo cayaarnimo rabow dhuunta mari mayso

Ismail Xuseen Farjar
Hargeisa - Somaliland
E-mail: ismailhm@hotmail.com