
Wariye Mustafe Maxamed Cabdi (Musfafe-janaale) oo ah
Wakiilka Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews.com, gaar ahaan Xafiiska
Hargeysa, sidoo kalena ah Guddoomiyihii Ururka Mareegaha Somaliland,
ayaa hadda Xabsiga loo taxaabay, isla markaana Ciidamo Boolis ah ayaa
ka soo qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda oo uu u tagay inuu ka soo
tabiyo warka Xuska Munaasibadda 18-ka May oo halkaas ka socotay,
waxaanu hadda ku xidhan yahay Saldhiga dhexe ee Hargeysa.
Illaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah iyo ujeedada Wariye
Jannaale loo xidhay, hase ahaatee, Ciidamo Boolis ah ayaa si kadis ah
Gaadhi ugu soo qaatay, isaga oo Wariyuhu Joogay Beerta Xorriyadda oo
uu u tagay hawl shaqo iyo warka Maalinta qarannimada Somaliland sidii
uu halkaa warka uga soo tabin lahaa, sida ay ii xaqiijiyeen Wariyayaal
goob-joogayaal ahaa markii Mustafe-janaale ay Boolisku gacanta ku soo
dhigeen iyada oo Xafladdii lagu xusayay 18-ka May ee uu ka qaybgalay
ay weli socoto.
Hase ahaatee, Wariye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-janaale), oo hadda
ku xidhan Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa, oo aan waydiiyay
sababta lagu soo xidhay, waxa uu ii sheegay in aanu garanaynin waxa
lagu soo xidhay, isla markaana aan loo sheegin ujeedada xadhigiisa ka
dambaysay iyo dambiga uu galay midna. Hase ahaatee, ay Ciidamo Boolis
ahi soo qabteen, isaga oo aan wax dambi ah gaysanin.
Ma jirin dhibaato uu Wariye Janaale geystey, hase ahaatee, sabab
la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo celiyeen dhaqamadii xumaa ee
astaanta u ahaa Xukuumaddaha ay hagaan hogaamiyayaasha kali-taliska
ahi.
Qaybaha warkaas iyo ujeedada ka damaysa, waxaanu idiinku soo gudbin
doonaa qaybaha dambe ee maanta.
By:-
Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
