18-ka May, yaaleh Yayse Midaysaa ...18-ka May, yaaleh Yayse Midaysaa




Akhriste markasta oo aad maqasho maalin hebla ama sannad-guuradii maalin heblaayo, waxaad markiiba yaqiinsanaysaa in ay tahay maalin suntan,oo ummadi leedahay, laakiin yey u suntan tahay iyo maxay ku suntan tahay ayay noqonayaan su aalaha ku xigga ee maskaxdu is-weydiinayso, jawaabna u raadinayso.

Waxa hubaal ah samaan iyo xumaan-ba in ay jirto, wax ay maalintaasi muddatay oo lagu xusuusto iyo cid ay taariikh u tahay.

Somaliland, waxay leedahay maalmo badan oo mid waliba wax ku suntan tahay, laguna maamuuso. Tusaale ahaan, 26-ka Juun waa maalintii Gobonimada laga qaatay Mustacmaradii Ingiriiska, 6-da April waa xuska aasaaskii SNM, 17-ka October waa maalintii Shuhaddada SNM, 18-ka May-na waa maalinta Dib-ula-soo-noqoshadii madaxbannaanida Somaliland.

Maalmaha Ciidamada iyo kuwa Caalamiga ah ee aynu adduunyada la wadaagno , ayaa intaa dheer, waxaynuna maqalnaa in badan oo heeso qiiro iyo shucuur leh oo lagu cabirayo qiimaha maalintaas iyo inta ay le eg tahay guusha ama taariikhda ay ku suntan tahay. Ma aha durbaan iyo hees keli ah oo ay iska tuntaan dadka ay maalintaa la soo gudboonaataa, balse waa farriin uu jiilba jiil u gudbinayo oo ay ummaddaasi boqollaal sannadood u hesho taariikh ay ku abtirsato.

Dhinaca kale waxa mudan in maskaxda lagu hayo in taariikhda Qaranka Somaliland ee Labaatan jirka baarka la gelaysaa, ha noqoto mid la fac ah ama mid guun ahba ay beddeshay maalmo taariikhda ummaddan soo maray, sida 1-dii July oo ahayd maalintii Midnimada Soomaaliyeed iyo 21-kii Octoobar oo iyada aan ka dambayn cidii gaar ugu suntanayd ama ku calaamadsanayd guusheeda, halka 1-da July dadkii suntaday ay ku kala qaybsan yihiin.

Haddaba, 18-ka May oo maanta la xusayaa, maxay ku calaamadsan tahay, yayse u suntan tahay, waa maxayse farriinta ama dhambaalka ay xambaarsan tahay ee ay u gudbinaysaa Carruurta ama Jiilasha dambe.

Shaki kuma jiro, murana kama taagna in dad badan oo reer Somaliland ahi ay ku xusuustaan 18-ka May, halgankii hubaysnaa ee uu ururka SNM dalka kaga saaray ama kaga xorreeyay Rajiimkii Siyaad Barre oo uu taliskiisii tacadi badan u geystay dadka ku dhaqan gobolladan, taas oo maalintaas gaar ugu calaamadinaysa SNM.

Inkasta oo SNM lahayd hogaaminta iyo taariikhda 18-ka May, haddana maalintaasi waxay ahayd mid ka ballaadhan intaa oo leh, macno midaynaya Somaliland oo dhan oo dadkeedu hore ugu kala qaybsanaa halgankii hubaysnaa ee SNM, taliskii Siyaad Barre-na iskaga hor keenay Qabaa il. Waxa ay maalintaasi meel isugu keentay labadii qof ama qolo ee xabadda iskaga soo horjeeday ee reer Somaliland. Waa maalintii ay reer Somaliland ku guulaysteen Nabadda iyo Xasiloonida ay Soomaalida kale iyo Caalamkuba ku majeertaan, waa maalin dib u xustay halgankii wada-jirka ahaa ee ay dadka reer Somaliland gobanimadooda kaga dhacsadeen Mustacmaradii Ingiriiska.

Xuska maanta ee Sannad-guurada 18 aad, waxa lagu tilmaami karaa xuskii ugu nasiibka badnaa ee soo mara muddadaa Somaliland, waayo, waxa ay timi iyadoo uu badka yaal markhaati cad oo tilmaamaya, sida ay maalintaasi u midaysay dad markii hore wax ku kala qaybsanaa ama isku diiddanaa, taas waxa markhaati u ah hogaamiyaha Somaliland ee wakhtigan Mudane Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu 18 sanno ka hor ka mid ahaa Saraakiishii sar-sare ee Taliskii Siyaad Barre ee ay SNM dagaalka hubaysan kula jirtay, hase yeeshee heshiiskii nabadeed ee ay beelaha Somaliland ku gaadheen Berbera, wax yar ka hor intii aan lagu dhawaaqin Madaxbannaanida Somaliland kadib, waxa uu ka mid noqday ergooyinkii shirkii Burco ee go aamiyay Gooni-isu-taagga Somaliland, isaga oo Mudane Daahir Rayaale Kaahin ka soo jeedda beelihii aan taageeri jirin SNM ama lagu tirin jiray in ay taageeradoodu u badnayd dhinaca dawladii Siyaad Barre,

sidoo kale dadweynaha reer Laascanood ayaa sanadkan si buuxda oo bilaa tashuush ah ula qaybsan doona walaalahooda kale ee reer Somaliland dabaaldega maalintan qiimaha leh,hadaba Mudane Rayaale rayaale kaahin maanta oo ay tahay 18-guuradii ayuu Madaxweyne ka yahay Somaliland, taasina waxa ay dhab ahaan qeexaysaa waxa ay tahay 18-ka May oo ah maalin midaysay Somaliland, meeshana ka saaraysa in ay SNM-uun taariikhdu tahay.

Laakiin, maalinta saamaynta baaxaddaa leh waa la hagraday, waayo looma samayn fariimo suugaaneed ama dhigaal taariikheed oo Jiilasha dambe iyo da yarta hadda joogtaba u qeexaya waxa ay maalintaasi ku suntan tahay, ficliyan-na uma wada-gaadhsiisna Somaliland oo dhan, sida maalmaha taariikhiga ah qaarkood.waxaana hubaal ah in dad badan oo manta joogaa aanay si wacan u fahamsanayn muhiimada ay maalintani leedahay iyo u jeedada loo xusayo.Hadaba Inkasta oo ay ka fadilan tahay maalmaha taariikhiga ah ee SNM gaarka ugu suntan oo sannadahan dambe soo hadal-qaadkooda iyo xuskooda dawladdu hoos u dhigtay oo ay si ula-kac ah ciiro ugu qarisay.. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Rayaale iyo ragga Xukuumaddiisa waxa la gudboon in guusha ay ku suntan tahay 18-ka May ay ka dhigaan astaan midaysa dadka Somaliland oo uu qofkasta oo dalkan u dhashay ku dhaato, si taas loo gaadhana 18-ka May-na aanay u noqon dhacdo-taariikheed dadkii suntaday kala qaybisa, sida 1-da Julaay, waa in Muwaadiniinta xaq-soor iyo cadaalad ay dhib iyo dheefba ku wadaagaan midhaha ku dhashay maalintaa, waana in aanay noqon mid cid gaarra u tamarisa.

Sidoo kale, waa in aan 18-ka May lagu khaldin maalmaha kale ee u suntan halgankii SNM, isla markaana waxa Mudane Rayaale iyo ragiisa ku waajib ah in ay tix-gelin weyn siiyaan taariikhaha sida gaarka ah ugu suntan halgankii SNM oo aanay isku deyin in ay masaxaad mariyaan ama cabudhiyaan, cuqdadna aan la kala qaadin.

Waxaa haboo in qof kasta oo muwaadin Somaliland ah, uu si degan ugu sharaxo walalkiisa kale ee aan isagu fahamsanayn qiimaha maalintani u leedahay dhamaanba bulshada Somaliland.

By:- Mohamed Abdi Jama
Hargeisa/Somaliland
E-mail: mabdi1@hotmail.com