Macalin ayaa hadiyad u siiyay bam gacmeed ardayadii maalintii arooskeeda




Pinom beh (D.P.A)

Booliiska dalka Kamboodiya ayaa qabtay maclin ka dhiga dugsiyada sare oo da’adiisu tahay (37 sano) iyagoo ku tuhmay in uu u soo diray bam gacmeed lagu sameeyay dalka gudihiisa isagoo hadiyad aroos oo ku quray ( Ka : Nin aan la garanayn ku: Ardayad hore)

Hadaba jariidada Binom Beh Post ayaa ka soo warisay in ninka la yidhaahdo Mong Tashafari uu qirtay in uu soo diray bam gacmeedkaa gabadha aroosada ah isaga oo yidhi xidhiid wacan ayaan la lahaa ardayadaa markii aan wax u dhigi jiray, laakiinse aroosadii (21 jir) waxay booliiska u sheegtay in ay diiday macalinkeedii hore dhowr jeer uu soo hungureeyay waxaanay intaa ku dartay runtii waxa fajaciso igu noqotay markaan arkay booliiskii oo gacanta ku haya

hadaba waxaa laga yaabaa in lagu xukumo ninkaa Mong xadig aan ka yarayn 20 sano marka maxkamad la geeyo .

By:- Maxamad Cali Gaabiye
Riyadh
Saudi Arabia