HAMBALYO IYO TAGEERO Muwaadiniin ku Sugan Somaliland Iyo Jaaliyadaha Somaliland Europe, Australia Iyo NewZealand oo Hambalyo Iyo boogaadinba uga direya Xildh, Maxamed Faarax Qabile





Waxaanu hambalyo iyo tageero weyn u muujinaynaa sida aanu ula dhacsan nahay Mudane Xildh Maxamed Faarax Qabiile howshaa uu balaadhan ee uu umadda u hayo, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile waa mudane had iyo jeer u xaydan danta umada Somaliland…….

Waxaanu Hambalyo Iyo Taageero Buuxda U Diraynaa Shirkii Jaraaid ee ku Qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ee magaalada Hargaysa, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil oo si kulul u naqdiyay shirkii Jaraa’id ee uu madaxweyne Rayaale sabtidii ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, oo ku tilmaamay hadalkaa madaxweynaha mid uu ka muuqday sida uu hadalka u yidhi kibir iyo isla aad u weyn, kaas oo aan ahayn mid ummada aanay uga fadhiyin.

Isagoo Mudane Xildh, Qabile madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in labada xisbi mucaarad uu kula dhaqmo sidii cadow oo kale isla markaan dalka Jabuuti oo aan ogolayn Somaliland uu u arko nasteexo uuna tibaaxay Xildhibaanku in dalka Jabuuti xukuumada madaxweyne Rayaale ay la soo gasho heshiisyo qarsoodi ah.

Waxaanu hambalyo iyo tageero weyn u muujinaynaa sida aanu ula dhacsanahay Mudane Xildh Maxamed Faarax Qabiile howshaa balaadhan ee uu umadda u hayo, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile waa mudane had iyo jeer u xaydan danta umada Somaliland.

Waxaan marlabaad hambalyo u dirrayaa shacabka Somaliland iyo Mowqifka geesinimada leh ee Xildh, Maxamed Faarax Qabiile, hadaanu nahay Muwaadiniin Somalilland Joogta Iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee Europe, Australia Iyo Newsealand Inaan Taageero buuxda u hayno Xildh, Maxamed Faarax qabiile waxay u muujiynaynaa dareenkayaga ku aadan sida aanu u taageersan nahay.

Taariikhdu waa ma hadho dhaxal waxaad u leedahayna waa wax aan qarsoomayn ,hadaanu nahay taageerayaasha wanaaga Somaliland jecel Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiilow waxana leenahay hiil iyo hooba waan kula garab joognaa , Waxaanu kuu soo direynaa Hambalyo Iyo Taageero Buuxda .

1. Xildh Mudane Siciid Cilmi Rooble.
2. Muj Cabdiraxmaan Cawil Xasan.
3. Deeq Maxamed Maxamud (Deeq Gadhle)
4. Dr Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine).
5. Cumar Cabdilaahi Yaasiin .
6. Mustafe Adan Shanle.
7. Xildh Yuusuf Axmed Maxamed (Halac).
8. Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer).
9. Ciise Muuse Maxamed(Ina Muuse Weyd).
10. Sacad Jirde Xayd .
11. Xildh Cabdale Jaamac Guuleed (Cabdale Kidaare)
12. Maxamed Faarax Xirsi,
13. Caasha Xuseen Faarax (Caasha Hinda).
14. Axmed Cabdilaahi Xuseen(Ina Xabashi).
15. Maxamud Cali Axmed(Jaadhi).
16. Adan Yusuf Cilmi.
17. Aadan Saleebaan(ina Goosarad).
18.Carab Maxamed Qaalib.
19.Khadar Shariif Aw maxamed.
20.Maxamed Siciid Muuse.
21.Cabdifataax Siciid Muuse.
22.Axmed Maxamed Qaalib.
23.Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad)
. 24.Cabdilaahi Ismaciil Adan (Ina Direys).
25.Eng, Axmed Cali Caynaba.
26.Maxamed Axmed Amare( Maxamed Laangadhe ).
27.Ibraahim Salebaan Cabdi ( Siinbe ).
28.Saalax Cabdilaahi Saalax.
29.Abokor Muxumed Salebaan(Ina Hinaase).
30.Cali Cabdilaahi Weyd (Ina Cabaade).
Waxana ku leenahay dhamaantayo waxaanu kula garab joognaa hiil iyo hooba anaga oo kugu raacsan Mowqifkaaga wadaniyadu ku dheehantahay iyo astaanta nabada somaliland inaad tahay Xildhibaan si dhaba Umadda u metelaya .
Wa Bilaa Tawfiiq ..... -ALLAA MAHADLEH-

GUUL IYO GOBANIMO ..... Somaliland Hanoolato

By :- Muj Cabdiraxmaan Cawil Xasan
Berbera Somaliland