

Mudane Axmed Xasan Muuse oo aha Shantii Sarkaal ee loyaqaanay Shanta Golaha sare ee kacaanka muddo dheerna kamid ahaa Golahii wasiirada ee xukuumadii Somaliya oo uu kasoo qabtay Wasaradaha Maaliyada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Beeraha hadana kamida siyaasiyiinta Somaliland oo in muddo ahba kunoola waddanka Maraykanka ayaa socdaal kuyimi Cariga inggiriiska, Axmed Xasan Muuse wuxuu maanta lakulmay jaliyadda Somaliland ee magaalada Birmingham shirkaas oo kadhacay Hotel-ka caanka ee Hilitop wuxuu furmay wakhtigii loogu talogalay ugu horeyn waxaa shirkaa furay isla markaana guddominayay Odey Maxamuud Jamac oo kamida odayaasha magaalada Maxamuud wuxuu kawaramay tariikhdii Axmed Xasan Muuse wuxuu taray Shacabka rer Somaliland muddadu ahaa Wasiirka iyo Shantii sare ee Golahii Kacaanka Somaliya.

Maxamuud Jamac isago kasheekey naya tariikhdii Axmed Xasan Muuse wuxuu yiri waxaan lagu iloobi kareyn oo qudha Wadada isku xidha Burco iyo Berbera ee Shiikh kadhaa dhacda Axmed isagaa mashruucaa soo qadey oo kudagalamay wataa ilaa manta dadkeenu maraan waxaa kaloo aan lagu iloobeyn Cagafyadii uu Ciraaq ka-keenay waxaa kaloo yana jirtay markii ay daadadku qadeen Somaliland oo markaa ladhihi jiray waqooyi Galbeed min Hargaysa ilaa Burco 1984 Axmed wadooyinkii oo markaa bur buray waa la-ogaa wuxuu kageystay, Waxaan orankarnaa wuxuu ahaa intuu kamidka ahaa maamulka Wasiir dacada oo dalkiisana wax uqabtay,
Markii Somaliland lasoo noqotay Axmed wakii tagay Cimaraadka Carabta wakii kenay Shidaalka iyo Rashinkii in kasta oo aynaan sifiican uga faa’ideysan yadoo markaa shacabkeena bahi badan haysay oo markaas uun waddanka lasoo galay , Axmed Xasan Muuse wuxuu kaloo uu kasoo qayb qaatay lasoo noqoshadii Jamhuuriyada Somaliland oo uu ahaa Siyaa siyiintii markaa ku ad adkaa in Somaliland tahay qarran kamadax banana Somaliya ilaa hadana uu amin sanyahay.

Intaa kadib waxaa codbahiyaha lagu soo dhaweeyay Axmed Xasan Muuse wuxuu umahad naqay dhamaan dadkii soo dhaweeyay wuxuu halkaas Axmed kasheegay in ay lagama maar maantahay in laysku duubnado oo dhamaan ay midoo badaan shacabka Somaliland wuxuu kaloo sheegay in wadamadan qurbaha ee ay kunool yahiin ay tahay in wax laga faa’ideysto, Axmed wuxuu ku dheeradey mudaduu katirsana maamulkii Somaliya wax qabadkuu ugeystay Shacabka Somaliland wuxuu kaloo kashekeeyay in anu cuni jirin hantida ummada taasina ay tahay tuu maanta isaga iyo ubadkiisuba ku badbaadeen qofkastana buu yiri oo ummada xil uhaya ay tahay in uu iska ilaaliyo ummada wexeeda, wuxuu shegay in dhamaan Shacabka Somaliland yahiin shacab walaala oo isku dana isku talaa Axmed Wuxuu sheegay in uu hayo xogbadan oo tariikha oo ay kamid yahiin muxuu kacaanu kadhashay muxuuse ku dumay wakhti wakhtiyada kamidana uu soo bandhigi doono dadkuna anay war badan hayn lakiin markii ay meesha qabteen ragna wuxuu noqdey nin yes -man ah oo Maxamed Siyaad u nacam leeya nina wuu iska dhiciyay anigu waligay iskumaanu walaacin shacabkaygana waanu ogayn aniga iyo Ismaaciil Ali Abokorba.

Gebo gebadii ayaa waxaa Axmed Xasan Muuse halkaas lagu weydiiyay Su’aalo badan waxaana ugu mudnaa Su’aal ahayd Axmed Xasan Muusow Sannadka Mays sharaxaysaa madama aad tahay siyaasi dacada oo xalaal cuna ? isagoo kujawaabay in aanu maanta ahayn musharaxa wax mustaqbalka dhici doona alla og ayuu yiri lakiin maanta anigu inaan is sharaxo qorshaha iiguma jirto kumana talo jiro waxaan usocdaa Waddankii waxaanan utagayaa Shacabka Somaliland oo dhan anoo waayo arag nimadeyda uga faa’ideyn doona wixii talaa lakiin maanta musharax ma-ihi ayuu yiri Axmed.
Waxay isla qireen dhamaan dadkii madashaa kasoo qayb galay ooy kamid ahayeen xubno lasoo shaqeeyay in uu ahaa nin hadal cad wax qabad badnaa runtana aan lagaban jirin Xalaal cun ahaa raad muuqdana kaga tagay waddanka gaar ahaan Jamhuuriyada Somaliland oo uu Dhalasho ahaan kasoo jeedo.
By:-
Muniir Axmed Cigaal
Freelance Journalist
E-mail Muniir10@gmail.com
