heshiisyadaa oo hormood ay ka ahaayeen Ismaaciil Cumar Geelle iyo taliyaha ciidamada jibouti general Sakariye waxa ay ku salaysnaayeen labaduba dhul raadis, Kadib markii ay dawladii Siyaad Barre dhacday waxa timid in ay runba runteeda tagtay dadkii Somaliland ku dhaqanaana oo …….
sababtu ahayd marxuun Cigaal oo ahaa nin aad iyo aad ruugcadaa siyaasiya weyna ahaa oo ogaa waxaa Djibouti inaga
Scww , Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan iyadoo dadka Somaliland ay dhaqan u leeyihiin in aanay geyin wixii xoriyadooda xaga diinta ,dadnimada ,sharaftooda iyo go,aankooda dhawacaaya taas oo ay ka xigaan geeri waxkastana ay u huraan hadii ay noqoto maal nafhurid ,siyaasad iyo waxkastoo lagu galo halgan mideysan taas oo ku xardhan taariikhii la soo maray oo ku tilmaanayd sugaan iyo gacanka hadalba lahayd
Waxaan ahay Muwaadin u dhashay Somaliland, gaar ahaan ka soo jeedaa G/Saaxil, isla markaana waxaan aad aqoon ugu leeyahay dalka aynu jaarka nahay ee jibouti oo aad isugu taxalujiyey inaan helo Siyaasada Jibouti ay kula dhaqanto Somaliland.
Ma jirto sababta aan maqaalkan u qorayaa nacbaasho aan u hayo jibouti oo run ahaantii anigu aan u arko Shacabka jibouti iyo dalkooduba in yihiin dalkeenii 2aad marka laga yimaado Somaliland , Laakiin waxaan jecelahay in aan xaqiiqada taala iyo sida ay Siyaasada xukuumadihii jibouti u arkaan Somaliland wax yar ka idhaahdo.
Waqtigii halganka dagaalada aynu kula jirey Faqashtii ee ay ka socdeen wadankeena waxa jirtay in aanay jirin wax xurgufo u dhexeeyay Snm Iyo Maamulka jibouti , hadana waxaan ogeyn in dhalinyaro wadan oo u dhalatay Somaliland ,Ismaciil Cumar Geelle ahaa Taliyaha Sirdoonka uu gacanta u geliyey Faqashtii lakiin maan dooneyn inaan sii daba galo waayo waxa wanaagsan in waxyaalihii hore ee cadowyadeenu sameeyeen in aan ilowno lakiin taariikhda ayaa ku xasuusinaysa, weli inay socoto ama si aanay mar labaad u dhicin oo cadowgeenu ogyahay inaan la socono.
Haddaba haddii aan u soo laabto ujeedada qoraalkayga, waxa jirtay wakhtigaa in dawladda jibouti oo uu madaxweyne magac u yaal ah ka ahaa Marxuun Xasan Guuleed balse hawsha uu waday ninka maanta talada haya, lana kala saxeexdeen laba heshiis maamulkii Siyaad Bare , heshiisyadaa oo hormood ay ka ahaayeen Ismaaciil Cumar Geelle iyo taliyaha ciidamada jibouti general Sakariye waxa ay ku salaysnaayeen labaduba dhul raadis, Kadib markii ay dawladii Siyaad Barre dhacday waxa timid in ay runba runteeda tagtay dadkii Somaliland ku dhaqnaana waxaa gacantooda ku soo noqday Xukunkoodii.
Iyada oo ay sidaa tahay ayaa maamulka jibouti oo uu Geelle hormoodka yahay waxa uu isku dayay in uu beerlaxawsi iyo af beena ula yimaado Madaxweynihii geeriyooday ee Marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal Alle haw u naxariistee, Tiina waxba way ka socon waayeen iyada oo ay sababtu ahayd marxuun Cigaal oo ahaa nin aad iyo aad ruugcadaa siyaasiya weyna ahaa oo ogaa waxaa jibouti inaga leedahay, isagoo sheegay mar BBcda ka hadlaayey inaanu ognahay oo la socono **Waxaanu aad ugu foojignahay in Belaayada jibouti inagaga soo qufmaysa , sidii aanu iskaga ilaalin lahayd** .
Haddaba maxay Daahir Rayaale ku wada socdaan Ismaaciil Cumar Geelle ? Jawaabtu waa wax aad heli karto , waayo Ismaaciil Cumar waxa uu dunida ugu neceb yahay waa Somaliland oo uu Madaxweyne Daahir Riyaale laftarkiisu ka soo jeedo, waliba waxaan odhan karnaa sababaha uu Ismaciil Cumar Geele Somaliland uga soo horjeedo waxyaalaha ugu waaweyn waxa ka mida, isaga oo marnaba raali aan ku noqonayn aragtida ah dadka Somaliland degan ay yeeshaan dawlad ay ku tiirsan karaan, oo ay Djibouti dano badan ku waayeyso laakiin Daahir Rayaale waxa weeye nin waxbadan ka ogeyn Siyaasada Somaliland oo meel hoose wax ka eegaaya Siyaasada Somaliland aqoon badan u lahayn.
Waxaa jirtay in dadka reer jibouti ee dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland deggana jibouti in guryaha lagala baxi jirey oo lagu garaaci jirey Saldhiyada Bileyska, dadkaas u badnaa dadkii SNM tageersanaa , waqtigaana waxa ciidamada sirdoonka haystay Ismaciil Cumar Geelle.
Waxa ka sii yaab badan iyada oo Ismaaciil Cumar Geelle uu ku doodo wakhtigii doorashada markasta markuu codka ka raadinaayo dadka ka soo jeeda Somaliland, Abtiyaal iyo Xidid ayaan nahay iyo waxyaalo kale , marka ay u waayo sheegtaana waxuu yidhaahdaa marna ma ii timaadeen oo ma ii soo cabateen, isaga oo og arkayayna dhibta haysata dadkaa, oo ah ninkan waxanu ka soo fulaan ,wax badana lagu laayay jibouti , Dadkaasina ay jahawareer wakhtiyo badan ku jireen, oo qaar badan isaga soo gureen Dhalashadii Somaliland oo ay ugu horeeyaan ganacsatadii waaweynayd.
Su’aasha Mudan in lays weydiiyo waxa weeye Madaxweyne Daahir Riyaale muxuu ugu xilanayaa tallow Ismaciil Cumar oo Somaliland la ogyahay waxu la damacsanyahay ? Socdaalada Madaxda Somaliland ay ku tagaan jibouti waxay dhamaantood salka ku hayaan arimo qarsoon oo ah mid daba-socota heshiisyo Qarsoon lagu wada-hadashiinayo xukuumadda Somaliland iyo kooxaha Koonfurta ee Djibouti gadhhayeen ay ka tahay, yaa ku lug leh Xaaladda ay dekedda Berbera ku sugan tahay, oo ay qarka u saaran tahay inay xidhanto, runtii dalkan mushkiladaha badan ee haysataa waxa weeye Xukuumada Jirta ayaa xageeda looga soo dhacay oo ku ekaatay danaheeda gaarka ah , iyagoo ilowday xilka saaran ee ay ummadda u hayaan, oo ayna si dhaba u fahmin , siiba dibindaabyada Siyaasadeed ee jibouti ku hayso Somaliland, waana xukuumada keliya ee u tafa xaydan in aan Somaliland la ictiraafin oo wakiilkii Somaliland u fadhiyayna soo caydhisay .
Madaxweyne Riyaale markasta oo uu jibouti ka ka soo noqdo waanu soo heshiinay oo waxii daantaa yaala daad ha qaado , safaarado ayaanu isdhaafsanaynaa , sheegimayno waxaanu ku soo heshiinay oo cadow badan ayaanu leenahay , ma cadow jibouti ka weyn ayey Somaliland leedahay dadka Somaliland ma waxaa la moodayaa dad aan waxba ogayn way u cadahay Nasteexooda iyo Cadowgooda soo jireenka ahaa, Way cadahay in xukuumaddu ay been ku maaweelinayso dadkeeda oo aanay marnaba runta u sheegin , Ismaaciil Cumar Geelle haddii Wanaag ,Saaxiibtinimo iyo walaalnimo u hayo reer Somaliland oo ay ka dhabtahay , maxuu u aqoonsan waayey, haddii kalena miyuu lugooyada ka daayo, inta Somalia kolba Dowlad u dhisaayo , waxaan ogeyn Wasiirka Warfaafinta jibouti inuu si cad u sheegay dhawaan oo yidhi.. in haddii ay jirto Dowladii Somaliweyn in aan lagu dhaceen in la soo weerero jibouti ,maaha wax qarsoon Ismaciil Cumar Geelle maalinkasta caalamka ayuu u sheegayaa inaanay marayn wax aan ahayn Dowlada Somaliyeed ,hadaba Xukuumada Somaliland ha sheegto waxaa iska bedelay Ismaciil Cumar Geelle.
Hadaba qalinku yaanu ila taraarixin eh is-waydiintu waxay tahay, Waan ognahay dhagarta uu xanbaarsanyahay heshiis kasta oo jibouti lala galaa iyo ujeedada ka danbaysa, Madaama aan Barlamaankii dadweynaha ay wakiisheen ogeyn , Umaddana aan shakiga ka baxayn
Waxaa jira caalamka waxyaalaha shakiga ay ku jiraan in loo saaro gudi heerqarana oo soo ururisa xogaha sirta ah ee laga hayo geelaha jibouti iyo madaxdii Somaliland ee heshiiskaa daadihinaayey, iyadoo aan ogeyn in Masuuliyiin hore oo Xukuumada ka tirsanayd Sida Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Eng, Ismaciil Yare si waadaxa u sheegay waxaa ka socda jibouti oo xogo badan ka hayo madaama uu dhowr jeer isaga oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha madaxda u ahaa waftiyadii Somaliland jibouti tegaayey.
Heshiiskii dhabtaa ahaa ee dhinaca Siyaasada ,nabadgelyada iyo bayacmushtarka ahaa ee lala lahaa itoobiya cida ka danbaysay in la baabiiyo iyo xidhiidhkaa burburkisi gacanta ay jibouti ku leedahay ee ku saabsanaa Dekada Berbera iyo wadadii isku xidhaysay.
Waxyaalo badan oo wax lagu yeelayo Nabadgelyada Somaliland , oo aan weli lahayn cid ka danbeysey, maxaa gudi heer qarana loogu saari waayey si hadii dowladu jibouti lug ku yeelato loo helo, Maxaa Siyaasiyiinta Iyo Saxaafada loogu hanjabaa marka laga hadlo Siyaasada jibouti ee Somaliland ay kula dhaqmaysay weligeedba ,oo ay Xukuumada Somaliland ay u damaqdaa ka hadalkeedu , jawaabtedu noqonaysaa waxa ay ka xunyihiin xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, maslaxadiisa ayuu wataa , oo waxaa uu geed iyo dheer iyo gaaban u fuulay inuu burburiyo Somaliland ,isagoo garab ka helay maanta madaxdii Somaliland wax qabadka uu tobankii sanadood ee la soo dhaafay ka hirgeliyay dalkiisa oo uu balaadhiyay, isla markaana casriyeeyay dekadii kana furay warshado kala duwan wadankiisa waa wax khuseeya Jibouti.
Waxaan filayaa Siyaasada Somaliland waxaa ku jira madmadow badan oo Xukuumada Jirta aanay cadayn Siyaasadeeda Arimaha Debada mar hadii barlamaankii noqday mid ka soo baxay xayndaabkii ay ku jireen ,ka dib markii ay garwaaqsadeen in ay meel xun gashay Somaliland , hadaba arinku idinka ayuu idin soo eegayaa ,hawl badan ayaa idiin taala ,dalka meel ka adag ayaa laga soo saaray , qori ayaana lagu keenay waa in aad sharciga hawlahaa Heshiisyada la dulmaray oo dhan aad la beegsataan wixii barlamaan ka yeeli jireyna aad ka yeeshaan si sharciga looga baqdo ka sare iyo ka hoose waayo idinkaa midida daabkeeda ayaad haysaan sharciga ayaana idiin ogoladay inaad gadhhayeen ka tihiin ,shacabka Tikniko idiinmay dhiibin lakiin halagu dhaqmi waayo ama halagu dhaqmo ku dhawaaqa idinku waxii sharciyad aad u leedihiin, waxaana laydinka sugayaa halka taariikhda ka gashaan .
Iyadoo ay jiraan siyaasado badan oo ka socda Somaliland oo tuhun badan ay ku leedahay Jibouti waxa aan la garankarin Siyaasada dhabta ah ee xukuumada ka damacsantahay waxkaqabashada xaalada ceelbardaale iyo ujeedada ka danbeysa iyo sababta loo jiidayo oo lala sugaayo kordhin danbe , maxaa daarantahay sababta gaabiska ay Xukuumada jirtaa dhagaha uga furaysatay xiisadan ka taagan Ceel-bardaale ? .
Akhristow adoon meel fog ka raadin jawaabta su’aashaas waxaan ognahay in wakhtigan xaadirkan lagu jiro muran xaalad sharciyeed oo adag oo u dhexeeya Axsaabta Qaranka iyo Xukuumada , kaas oo ku saabsan dhamaadka muddo xilleedka Xukuumada Madaxwayne Rayaale oo tiraba dhowr jeer oo kala duwan loo kordhiyey waliba hay’ado kala duwani kordhiyeen oo dood adagi ka taagan tahay muddo kordhintan ugu danbaysay ee ku began dabayaaqada bisha Oktobar 2009 oo Golaha Guurtidu muddo lix bilood u kordhiyeen.
Markaa waxaa aan maraynaa maanta Heshiiskii waan ogolaaday hadana waan ka cudurdaranayaa saxeexiisii , maslaxadda umaddu waa wax ka wayn cudurdaar ,maxaa ku jira meesha (Siyaasad Qarsoon), Haddaan Dowladii iska daa tanaasul ay sameysee ay ka werwereegayso dhameystirka iyo ku dhaqanka Heshiisyada iyo Go,aanada ay kalsoonida ku bixiso , umad jirta noqon mayno, ballamahaynu galnaana waxba ka hirgeli maayaan.
Waxaan leeyahay, maalin walba waa lays haysanaynaa, waar maalin walba markay soo dhawaato hadday kala kacdo, maxaa ku jira meesha , umadduna horumari mayso, markaa khataraha soo noqnoqonaaya umadduu inta ay khusayso haka hadasho, waxaan leeyahay, Ilaahay baa inagu oge oo dadka Somaliland waa dad wanaagsan oo waxkasta ka jecel wanaaga dalkooda ,lakiin nasiib daro Xukuumada jirta far weyn ayaa ku go,dan ,Waxaynu leeyahay, ilaahay xaqa ha ina garansiiyo, ilaahay dadka Madaxda inoo ah iyo kuwa la taliyoba xumaanta ha inooga ilaaliyo, oo kuwa wanaagga iyo suluxa inoo ah ee ku taliya ha inoo badiyo.
ILAAHAY AYAA MAHADLEH , SOMALILAND HA GULEYSATO
By:- Mustafe Adan Shanle
Birmingham UK.