Bisha May 9-keedii (maalintii sabtidii la soo dhaafay) waxa Madaxwaynaha Somaliland Dahir Rayale lagu waraystay Idaacada BBC-da iyada oo uu waraysiga ka qaaday Wariyaha Caanka ah ee Ahmed Siciid Cige. Madaxwaynaha waxa la waydiiyay inuu ogol yahay heshiiskii gudida dhexdhexaadintu ka dhex dhaliyeen dawladiisa iyo xisbiyada Mucaaradka; Madaxwaynuhu wuxu ku jawaabay inuu ogoolaaday heshiiskaas oo uu fulinayo.
Heshiiska waxa ku jira Qodobka 4-aad farqadiisa 3-aad oo u qoran sidan “4.3- In la sii daayo dhammaanba dadkii loo xidhay xiisadda siyaasadeed intii ay ka aloosnayd dalka”. Waxa nasiib darro ah in maanta Madaxwaynaha Somaliland caalamka hortiisa ka qirtay inay Somaliland ka jiraan dad u xidh xidhan siyaasad, oo aan wadanka dambi ka gelin, muwaadin denbi ka gelin, sharci aan jebinin, ee sababta keliya ee ay u xidhan yihiin tahay siyaasad iyo Madaxwaynaha oo isagu xidh xidhay dadkaas waayo muu jeclaysan siyaasadooda iyo arrimaha siyaasada ah ee ay ku dhex jiraan.
Dhamaan shicibka Somaliland way dhegaysteen markii uu lahaa hadalka ah “Waan ogolaaday heshiiska”. Waana marag ma doonto inuu heshiiska ku jiro qodobka 4.3 ee qeexaya in la sii daayo dadka u xidhxidhan siyaasada.
Taas oo macnaheedu waxa weeye:
(1) Madaxwaynuhu wuxu shicibka Somaliland u qirtay oo xaqiijiyay inuu jebiyay dastuurka oo sharciga ku tagri falay oo dadka aanu siyaasadooda ka helin (ama mucaaridka ku ah) uu jeelasha ku xidho oo maanta jeelasha Somaliland ay ka buuxaan dad u xidhan siyaasad oo wax dambi ah oo ay waddanka ka galeen aanu jirin
(2) Heshiiska wuu akhriyay oo wuu ogyahay inuu ku jiro qodobka 4.3 laakiin wuxu aaminsan yahay in shicibka Somaliland aanay waxna akhriyin oo uu khiyaamayn karaayo, haddii kale qofka maskaxda lihi wuxu is waydiinayaa muxuu qoraal ugu qirtay inuu dadka siyaasad u xidh xidho, tanu waxay muujinaysaa in aanu wax ixtiraam ah u haynin shicibkiisa iyo dadkii soo doortay, oo uu leeyahay kolayba waxba ma akhriyaane maxaa kaa galay
(3) waxa imika laga sugayaa inuu jeelasha ka sii daayo dhamaan dadka siyaasada u xidhan ee dhamaan gobolada Somaliland ku xidhan, sida la soo sheegay maxaabiista ku xidhan gobolka Awdal ee Rayale u dhashay waxay u badan yihiin reerka la yidhaahdo Maxamed Case oo loola dhaqmo si aad iyo aad u fool xun
(4) Hayadaha u dagaalama xuquuqda banii aadamka sida “Amnesty International” waxa ay imika u haystaan inuu ogolaaday dhamaan eedaymihii ay hore ugu soo oogeen oo dhan, mar haddii uu heshiiskan saxeexay
(5) Shicibka Somaliland ee jecel waddankooda, xoriyada iyo xuquuqda muwaadinka, waxay maanta wada arkeen in wixii mucaaridku sheegayeen ay run tahay, mar haddii uu madaxwaynuhu ka sheegay BBC-da inuu ogolaaday heshiiskii, kaasoo dhigaya in la sii daayo muwaadiniinta u xidh xidhan siyaasada ee dadkooda iyo wadankooda toona ka gelin dembi.
Mucaaridka Somaliland waxaa ku waajiba, khaasatan xisbiga Kulmiye oo ka masuula inuu qodabkan ku daro heshiiska kuna caan baxay inay u doodaan xuquuqda iyo xoriyada muwaadinka, in aanay dawlada iyo Dahir Rayale kaga hadhin inuu qirtay in muwaadiniinta u xidh xidhay siyaasad, iyo inuu u soo celinayo xoriyadoodii, ee ay daba galaan oo aanay marqudha nasanin illaa muwaadiniintaas dhamaantood loo soo celiyo xoriyadoodii iyo xuquuqdoodii.
Heshiiska in Dahir Rayale ogolaaday waa talaabadii ugu horaysay, laakiin haddi Dahir Rayale markii horeba xidhay inuu imikana jeelka ku haysto ilaa inta doorashadu dhamaanayso waxba kuma aha, sida la sheegay dadkan waxa ku jira Sultaano, baayacmushtari, arday, shaqaale dawladeed oo lagu tuhmay inay mucaaridka taagerayaan.
Dhamaan shicibka Somaliland imika ayuun bay ku war heleen in dawladoodu ay xidhxidhay dad tiro badan oo jeelasha ku jiray muddo dheer. Mucaaridku waa inay muwaadiniinta war geliyaan. Waxa kale oo waajib dheeraad ahi saaran yahay warbaahinta horta ah, oo muwaadiniintu xaq ugu leedahay inay ka hadlaan oo sheegaan dadka xidhan xidhan ee siyaasada u xidhan, meesha ay ku xidhan yihiin, iyo sidii loo xidhay. Xaasaskoodii iyo caruurtoodii waxay maalin walba ku sii socdaan oo ka soo socdaan jeelka, waxa keliya ee dadkaasu geysteena waa inay Dahir Rayale ku noqdeen mucaarid oo ay xukunkiisa wax ka sheegeen.
Waxa dhamaan muwaadiniinta Somaliland iyo caalamkuba ka sugayaan Dahir Rayale inuu jeelasha ka sii daayo muwaadiniintii uu qirtay inay jeelashiisa ku jiraan, sida qodobka 4.3 ee heshiiska uu ogolaaday dhigayo.
Waxan kula talinayaa muwaadiniinta Somaliland in aanay illaawin in maanta Dahir Rayale qirtay inuu muwaadiniin u xidh xidho marka aanu siyaasadooda jeclaysan oo maanta jeelasha ka buuxan muwaadiniin aan waxba galabsan oo xaq u leh in la difaaco.
Taageera xisbiga Kulmiye oo maanta ah xisbiga keliya ee doodaya waddanka iyo xuquuqda muwaadinka, waa xisbiga heshiiska qodobkan ku daray.
Waa xisbiga keliya ee maanta waddanka ka saari karaya dhibaatada, shaqo la'aanta, maamul xumada, dhaca iyo boobka lagu hayo xoolahada dadwaynaha, waa xisbiga soo celinaya sharaftii Somaliland lahayd. Maanta nasiib darro caalamka oo dhami wuu maqlay in Rayale qirtay inuu muwaadiniintiisa siyaasad u xidh xidho, waxana la inoo arkaa inaanaynu istaahilin aqoonsi iyo wax la mida toona.
By:-
Rashid Garuf
rgaruf@gmail.com