Shacabka G/Togdheer oo si Wadajir ugu Horjeestay Qaabka aan haboonayn ee Labada Taliye Qaybeed loogu sameeyey




Iyadoo Shacabka Burco ay aad u sugayeen in laga bedelo lacagta Giimabaarta ee la degtay dhaqaalihii Gobolkooda dhowr jeerna miisaaniyada loogu daray sida uu cadeeyey Wasiirka Maaliyada iyo Arimo kale sida Tayaynta Booliska, Caafimaadka iwm
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa Gobolka Togdheer u Soo magacaabay Laba taliye Qaybeed oo isku darajo ah kuwaasi oo leh laba Taliye ku xigeen , Ka dib markii Bishan April xilka laga Qaaday taliyihii hore ee Q/ Booliska ee G/Togdheer Axmed Maxamed Guutaale, Waxaanu Taliyuhu isla markiiba si degdega ugu laabtay dhinaca magaalada Hargaysa,iyadoo dadka qaarkii ku tilmaameen in Taliyuhu dibu-noqashadiisan dhakhsa ahi ay sababtay isagoo dareensanaa xiisada ka dhalanaysa marka ay bulshadu ogaadaan magaacaabista labadan taliye qaybeed sidaas darteed uu ka soo cararay.
laba taliye oo kala ah Yuusuf Shire Cabdi oo loo soo magacaabay Taliyaha Q/Bariga,ayna hoos tagidoonaan labada saldhig boolis ee bariga, halka Taliye ku Xigeenkii Hore ee Q/Booliska G/Togdheer Cabdi Xandulle loo soo Magacaabay Taliyaha Qaybta galbeedka Burco,kaasoo ay hoos tagi doonaan laba saldhig ee galbeedku oo magaacaabidoodu ay hab qabiil oo siyaasadeysan ku salaysantahay loona soo dhiibay Taliyaha Booliiska Somaliland, Labadan taliye qaybeed ee ka soo kala jeeda beelaha Bariga iyo Galbeedka,ayaa taliye kastaa xukumi doono saldhigyada Booliska dhexe ee ku yaala daamaha Reerahoodu deganyihiin.
Arintan iminka dhacday waxay ka midtahay talaabooyinka ay xukuumada Rayaale ay beryahan ku kala qaybinaysan labada beelood ee ugu waaweyn G/togdheer ,oo ay u aragto inay iyada faa,iido u tahay kala qaybinteedu lakiin arintan ayaa waxay u arkaan dhamaan beelaha walaalaha ee ku nool G/togdheer in Doorashada soo socota ay ku waayidoonto Udub codad aad u farabadan oo ay arkaan reerburco soo noqoshada Udub mid cadow ku ah wada-noolashaha dadweynaha G/togdheer oo culus badan ka haysto xukuumada jirta .
Arintan iminka ugu danbaysay ee Magacaabista Labadan Taliye oo hayb ahaan ka soo kala jeeda labada degmo ee loo kala magacaabay ayaa ah mid ka mida talaabooyin lagu kala qaybinaayo beelaha Gobolka Wada dega, Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay isticmaasho siyaasad qaawan oo loo soo Magacaabo Laba Taliye qaybeed oo isku darajo ah oo hayb qabiil wata ,tan iyo Inta la Xasuusan yahay Jiritaanka Somaliland, arintan ayaa ah fadeexad weyn .
Dadweynaha G/Togdheer ayaa u arka arintan wax aad looga naxo,oo laga amakaago, waxayna si weyn uga biyo diideen Magaacaabida labadan taliye-qaybeed oo ayna sina u yeelayn , waa Dowlad dadkeedii kala qaybinaysa ayuu ku tiraabay Ganacsade, Cali Cismaan Dheere oo ka mida dadweynaha Burco ,waxaana aanu u aragnaa in ay hordhac u tahay kala qaybinta iyo kala fogeynta Bulshada G/Togdheer.
labada taliye qaybeed ee loo magacaabay G/togdheer,ayaa falanqayn dheer ka dib waxa isku raaceen dadweynaha G/Togdheer inaanay soconayn oo la aqbalayn magacaabista lagu kala qaybinayo bulshada walaalaha ee wada degan gobolka Togdheer,waxaanan u aragnaa arinkan ,mid lagaga hortagayo ayey yidhaahdeen isu-soo dhawaanshaha iyo wadajirka hada bulshada gobolka oo ay hormoodka ka yihiin Waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka,islamrkaana talaabadani waxaan u aragnaa mid hordhac u ah qorshe xun oo la damacsan yahay Gobolka.
Hadii ay dawladu u baahan tahay in bulshada gobolka wax u qabato waxa jira arimobadan oo loo baahan yahay in wax lagaga qabto ay dadweyna somaliland ay
Xukuumada Riyaale oo ildaran balanqaadyo faro badan oo ay sameeysay shacabka Somaliland, iyadoo Shacabka Burco ay aad u sugayeen in laga bedelo lacagta Giimabaarta ee la degtay dhaqaalihii Gobolkooda dhowr jeerna miisaaniyada lagu daray sida uu cadeeyey Wasiirka Maaliyada iyo Arimo kale sida ,Tayaynta Booliska, Caafimaadka iwm .
Arintan magaacaabida labada taliye qaybeed ayaa ah mid lagu jeedinayo Indhaha Bulshada gobolka oo xiisad weyn lagaga abuurayo ,taasi oo si xoogan lagaga soo horjeedo,islamarkaana ay bulshadu ka muujiyeen diidmo adag,iyagoo ku tilmaameen in talaabadan tahay mid xukuumadu ku abuurayso iska horkeen,sidii xasilooni daro looga abuuri lahaa Gobolka .
Waxaanu Xukuumada u sheegaynaaa ayey yidhaahdeen qaar ka mida dadweynaha Gobolka Togdheer inay ka laabato arintan, oo ay ku soo celiyaan Taliye qaybeed keliya oo metela G/Togdheer oo dhan ,sida gobolada kale ee Somaliland lagana daayo Caasimada 2aad qorshahan qaawan oo lagu kala qaybinayo bulshada ku nool oo Xukuumada Rayaale u sameysay khadkii Cagaarnaa Muqdisho.
Madaxdhaqameedyada,Waxgaradka,Aqoonyahanada iyo dhalinyarada G/Togdheer ayaa guud ahaanba ka hadlay Fadeexadan Qaawan ,iyagoo ku tilmaamay arintani inay tahay Dunuubta waaweyn ee xukuumadu ka galayso Bulshadeeda ku Nool Halkaasi ,kuna hurinayso colaad hor leh .
Arintan ayaa beryahan laga hadalhayey G/Togdheer oo ay dadku ka sheekaysanayeen, iyadoo badi ay bulshada ay isku raceen in laga hortago,Islamarkaana si weyn loo fahansan yahay inay aad loo foojignaado dabin kasta oo dawladu doonayso inay iskaga horkeento beelaha Gobolka wada Dega .
Gebagebadii waxay isku raceen dhamaan qaybaha ay ka koobantahay Bulshada G/Togdheer inaanay soconayn oo aanay sina u aqbalayn magacaabista lagu kala qaybinayo bulshada walaalaha ee wada degan G/ Togdheer,waxaanan u aragnaa ayey yidhahdeen arintan ay Xukuumadu wado ,mid lagaga hortagayo oo cadow u ah isu-soo dhawaanshaha iyo wada- jira hada gobolka ee ay hormoodka ka yihiin Waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka,islamarkaana talaabadani waa mid hordhac u ah qorshe xun oo la damacsan tahay in Nabadgelyada G/Togdheer wax lagu yeelo , xagee lagu arkay ayey yidhaahdeen xukuumad iyadii ka shaqaynaysa in ay Nabadgelyadeenii Burburiso halka ay ilaalinlahayd.

Muj:- Cabdi Cawil Xasan
Burco , Somaliland.