Anigo oo ah muwaadin udhashay jamuhuriyada somaliland khasatan gobolka saaxil jecelna horimarka dalka khastan horimka gobolkiisa saxil.waxan haalkayga ku baraarujinaya dhamaan dadweynaha reer saaxil
dhibtadan iyo daryeel la'aantan haysata berbera cida ka masuula ma shacabka kunoolbaa mise waa xukuumada ?
J;- jawaabtu khaliil ahaan waxaa ay ila tahay waxaa khalad ka kowaad leh dadka kunool ka labaadna xukuumadaa. Hadaan wax kayara taabto Berbera waxaa ay tahay iyo waxa ay noqon karto harta walaalay aduunka markaad u fiirsato waxaa caasimadaha laga dhigaa meelaha xeebaha ah waayo meelaha kale way ka qurux badan tahay waanay ka mudantahay dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaana, hadaba walalahayow anigu malihi Berbera caasimad hanoqoto,
laakin waxaan ogahay inaan kadabyno caalamka aan hiigsanayno takale walaal maagalada berbera ilaahay waxa uu ku deeqay xeeb dherer aad udheer leh taas oo laga faa'iidaysan karo kharaadkeeda dadkuna dalxiis ahaan iman lahaayn kaalintaa maqana waa xukuumada oo aan daryeelayn berbera takale berbera waxa ay leedahay dekad (port) caalamiya laganayn lac agteeda meesha ay marto walina laga maqal dakada lacagteeda waxaas ayaa lagu bixiyaa takale waxa lagaga jixin jix ah madaxda udhalatay gobolka oo ka haysta xukuumada joogooyin wanagsan aay marnaba soo qaadin dakada iyo xoolaheena layidhaahdo jabuuti bay maraan takale aduunka waxa lagu yaqaan suuq xor ah waa maxay dakada ninka kaliya ushaqaysaa lana laaylay xaquuqda muwaadinitii si kastaba ha ahaatee khaladka koowaad waxa galay xukumada waayo maalintii uu madaxweynu riyaale khayriyada 26 juun kaga balan qaadayeey daaroole waxa ay noqonaysa dubia oo kale meeday balantii balamihii uu qaaday madax weynuhu mid kaliyaa ayaa kamuuqta taasina waa mishiinka laydhka oo muddo yar yaal magaalada iyo markii lakeenay oo maamul xumo ku dhacday laakiin imika markii gacanta ay ugashay c/shakuur cidin waxa ay usocotaa si habsami ah. Takale xukumada miyaanay ogayn inuu ilaahay quraankiisa kaga hadlay balanta taasba waxaa ka sii dar dhalinyaradii lagu xaman jiray inuu malintii uu cuno20$ ayaa w axaa ay magaalada uga dhamaanayaa si qayral xada oo kasii tahriibayaa mana garaanayo sabaabta cida kamasuula ?
Ta labaad waxa magaalada berbera loo sameeyey colloge marine time ah imikana jamacad loo baday waxa ay ubaahanatahay arday iyo dhaaqaale xagaa laga keenayaa ardaydiina way katagtay dhaqaalihiina berbera sidaa noqotee ?
Dhibaatada kale ee jirtaa waxa weeye berbera waxa ay noqon lahayd suuqa ganacsiga Somaliland waayo dakadaa ayaa ay leedahay bal kawaran alaabta dakeda ka soobaxda waxa si toosa loo geeya wajaale oo halkaasay ethopia ka gashaa dhibtaana yaa kamasuul?
Khaladka kale ee jira waxa weeyaan madaxda, shaqaalaha, ganacsata, iyo inta kale ee rabta inay guri dhistan waxa ay ka dhistaan hargaysa iyo meelahaa kale khaladkaana waxaa iska leh reer berbera garanmaayo maskaxdoodu siday ushaqayso ?
Waana ayaandarada ina haysata berbera waxaan joogay 17 sano waxaanaan arkay ilaa 10guri oo laga dhisay labadii udanbeeyeyna waxaa dhistay cabdi jaamac ducaale"musbaar" iyo maxamed fransis, hadaba akhristow adaan ku waydiiyee baaba iyo dhibaatada haysata berbera yaa igu wacan ?
Hadaba waxaan hadalkayga ku soo koobayaa walaalahayga u dhashay gobolka saaxil meel kasta oo ay joogna waad aragtaan madaxdeena inaga ayeey tahay inaan dhisano
Hadii kale waxa inaga raacaysa ceeb waanad ogtihiin marxalada ay marayso berbera iyo siyaasadaha tartanka ka dhexeeya goboladii hore iyo kuwa lamagcaabayba ceebta la qaadayna ogow kaama hadhayso meelkasta oo aad joogto adna ayaan daro ayey kuu tahay waxaan hadalkayga ku soo koobayaa ilaahayow berbera ka dhig balad loo soo haajiro ee aan laga haajirin madaxda iyo dadkiisana barakee
Amin amin amin amin
Warbixin wariye Khaliil Xuseen Muuse Berberawi
Berbera_saaxil@hotmail.com
berbera_saaxil@yahoo.com
berbera_saaxil@live.com
Tel ;- 967735261224 sanca yaman
RE: Berbera Dadkeeda Ayaa dayacey
A/S Dhamaantiin.
haaaaaaaaaaaaaaaa,
Walaalo C/risaaq, Maanta way roontahay, ee tadembe ayaa daran, waa runtaa, anigu maalintii aan tegey way dhaantay, hase ahaatee wax ka dhaca mooyee wax ku soo kordhaa ma jiro, waxaan kuugu markhaati furayaa, in inta u dhalagay ee Masuulka ka ihi ay ugu wacan tahay, Badhasaabku ha ugu horeeyee.
Wuxuu ahaa Badhasaabku ninkii ku yidhi dhakhtarka lafaha ugu wanaagsan dalka ee la yidhaahdo Xagar, umaad dhalan halkan ee tag Ceerigaabo. markaa walaal arintaasi si wax looga qaban karaa ma jirto ee waa Ruqo nin lihi, dabada hayaa ma kaco.
Walaalkaa
Ahmed Abdi Esse
Berbera dadkeeda ayaa dayacey
ka dib markii aan socdaal khaasa aan ka soo noqday ,waxaan indhayga kuu soo arkey,sidan
dhakhtarka waxa la igu yidhi wuu dhamaa sidii hore,laakiin anigu waan galay waan waayey
dhakhtarkii hawsha lahaa 11-kii aroornimo,waxa i kaxeeyey lab technician isagu hawshii
gudana oo ii sharaxay shaqadiisa.
Siciid maacaleesh wuxuu ii sheegay in uu dhaamo sidii hore,laakiin aanay ku lahayn administration
and technical responsibilities.Anagu waanu caawinaa oo kaliya.
isku dar berbera oo dhan waa dayac,waxaana laga saarayaa hawl wadeenada gobolka u dhashay oo iyagu
ka qaada wixii ay xaq u lahayd oo kula saaxiiba madaxda wadanka,gaar ahaan dekeda.
ta kale daqliga soo gala dekada wuxuu ku filan yahay dalkoo dhan iyo kuwa kale hargeysa(different
financial sectors),lawado,wajaala,kalabeydh,erigavo,lasanod,laasqoray,elayo,xiis,meydh,burao,
qof weli wuxuu heli lahaa guno lagu dhaqaaleeyo,ee sida loo maamulo ayaa aad u liidata.
Gaadhi ku dhacay berbera iyo inta u dhaxeysa hargeysa waad argagixi lahayd.
Berbera waa muraayadii wadanka cid laga leeyahay ma jirto inta degaanka ah mooyee,degaanka
la siiiyo laydh,biyo lagama taageero,waxaan indhaheyga ku arkey keeryoonayaal
6:00 subaxnimo shaqeynaya--waxaan jeclaan lahaa in aan u sheego qurboo jooga somaliland
iyo dadka damiirka leh.
La soco Budhcada madaarka Berbera,iyo maqaalo kale.
Aniga ayaa ka masuula maqaaladaas qoray illaahayna waan la hortagaa.
allaa mahad leh
Abdirizak mohdi
abdirizakmohdi@hotmail.com