Subject: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Kulankii Jaaliyada Somaliland Ee Oslo




Indhawaalaba waxa booqasho howleed ku joogay wadanka Norway. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) halkaasi oo kulamo kala duwan kula lahaa dowlada Norway iyo jaaliyada Somaliland ayaa waxa shalay ka dhacay hool wayn oo Oslo ku yaala isu imaatinkii ugu weynaa ee jaliyada Somaliland isu timaado mudooyinkan danbe.Halkaasi oo dadku si wayn ugu dhaga taagayeen Imaatinka Axmed Siilaanyo iyo la kulankiisaba. Ha ugu gaajo xune waxay dadku sugayeen qudbada Axmed.

Kulankaasi oo xaadir ay ku ahaayeen dhamaan Jaaliyada Somaliland qeybaheeda kala duwan iyo xisbiyadeeda kala duwaniba waxa loo soo dhaweeyay Mudane Axmed Siilaanyo Si ay ku dheehan tahay Wadani nimo heer saraysa iyo qiiro. Waxa uu Gudoomiyuhu allbaabka kasoo galay abaaro shantii iyo badhkii galabnimo hoolka lagu shirayay halkaasi oo markaliya sowraxanka iyo qeylada iyo mushraxada la isla oogsaday dhamaan dadkii mada joogay. Waxa lagu soo dhawayay madashii loogu talagalay inuu fadhiisto oo aad loo qurxiyay. Waxana ku weheliyay Gudoomiyaha Marwadiisa Marwo.Aamina Sheekh Mamaxamed.

Furitankii markii la furay shirkii waxa khudbad xiisale ka jeediayay Axmed Siilaanyo. Oo dadkii dhagaysanayay ay ku tilmaameen Khudbad waafiya oo dhamaan dadkii meesha joogay oo dhan qancisay, halkaasi oo uu warbixin dheer uu ka jeedayay xalada dalka.

Waxa xusid mudan Markii Makarafoonka lagu soo dhaweeyay Amiina Sheekh Maxamad. Ayay Dumarkii madasha fadhiyay mashxarad iyo tageer isla oog sadeen mar kaliya ayuu jawiigi meeshuba kacay. Marwo aamina oo ay ka muuqato Qof miisaaman oo aqoon leh ayaa khudbadeedii meesha gilgilshay kadib markii ay ka hadashay siyaasada xisbiga ee ka wajahan dumarka iyo dhalinyarada. Halkaasi oo Markaliya sacab la isla oogsaday. Si kastaba ha ahaatee waxa la odhan karaa waxa uu ahaa kulankaaasi mid ay ka muuqatay in xiiso badan loo qabay Axmed siilanyo iyo Waftigiisa.

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu qabtay xafladda lagu xusayay 49 guuradii ka soo wareegtay maalintii maxmiyadda Ingriiska ee Somaliland xoryaddeeda ka qaadatay boqortooyada Ingriiska. Xafladdaas oo si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qeybgaleen dadweyne badan oo reer Somaliland ah, waxaa isaguna marti sharaf ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (cirro.

Goobta Xafladdu ka dhacday oo ah xarunta weyn ee Tensta, waxaa dadweynihii halkaas isugu yimid, si weyn loogaga hadlay taariikhdii la soo maray iyo hanaqaadka dimuquraadiyada. Mudane Jamaal, oo si qoto dheer u sharaxaad dheer uga bixiyay marxaladda kala duwan ee dimuquraadiyadda Somaliland iyo guud ahaanba caalamka ka jirta.

Waxaa iyaguna munaasibaddaas khudbado ka jeediyay xisbiyada qaranka ee kala duwan. Iyada oo mid kastaa uu dadweynaha somaliland ugu hambalyaynayay munaasabaddan taariikhda ku leh ummadda Somaliland.

Waxaa isaguna si weyn halkaan warbixin dheer ka jeediyay Gudoomiyaha golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi, oo hambalyo iyo bogaadin u soo dhammaan dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Gudoomiyuhu wuxuu warbixin ka siiyay ka soo qeybgalayaashii halkaas isugu yimid xaaladda dalka Somaliland haatan ku sugan yahay iyo arrimaha doorashooyinka foodda innagu soo haya.

Intaas kadib, waxaa halkaas gudoomiyaha lagu gudoonsiiyay billad dahab ah, oo dadweynaha, ururrada iyo Jaaliyaddaha Somaliland ee Sweden ay u garteen Gudoomiyaha Xisbiga UCID, mudane Inj. Faysal Cali Waraabe.

Axmed Cabdillahi Cawaale, oo guddoosiintii billaddaas faahfaahin ka bixiyay sababaha loo cuskaday in Inj. Feysal Cali Waraabe ku mutaystay billadaas, wuxuu yidhi

1. Inj Feysal wuxuu qeyb libaax ka qaatay oo si aan la qiyaasi karin, oo naftiisa hurid ah juhid weyn ugu bixiyay soo cointa nabad ay maanta Somaliland ku caano maasho. Taasi oo burburtay, markii aynu dalkeena dib u soo ceshanay.

2. Dhinaca dimuquraadiyadda, wuxuu inj Feysal Cali Waraabe jideeyay inay xisbiyada badan ka hirgalaan dalkeena. Wuxuuna si geesinimo leh ku garab istaagay fikradda ah in dalkeena laga abuuro xisbiyo badan.

3. Dhina isu tanaasulka, wuxuu inj.Feysal horyaal ku yahay, mar kasta oo dalku galo xaalad qalafsan, wuxuu dejiyaa, wuxuuna ka qaataa go\aan u dan ah dalka iyo dadkaba.

Mudane Cabdiraxmaan oo u guddoomay billaddaas loo hibeeyay inj Faysal Cali Waraabe, oo dadweynuhu sacab iyo mashxarad aan la qiyaasi karin ku soo dhaweeyeen, ayaa uu ballan qaaday in uu ka gaadhsiin doono. Dadweynahana wuxuu u soo jeediyay mahad naq uu uga mahadceliyay abaalmarintaas Inj. Faysal la siiyay.

Gabagabadii xafladda oo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn badan, waxaa lagu soo gabagabeeyay madadaallooyin iyo jawi ciiddeed.