Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtoyada J/Sland, Ayaa Shahaado sharaf ciidan gudoonsiiyay Gudoomiyaha Suxufiyiinta Qaarada Africa, kana mid ah Weriyayaasha TVga Qaranka Somaliland iyo Sawirqaade Baaruud A. Elmi




Munaasibadan oo lagu qabtey Madaxtooyada qaranka Somaliland, waxa ka soo qaybgalay Afhayeenka Madatooyada Said Adani Moge, Agaasimaha gud ee TVga qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada,

waxa ugu horeyn halkaasi hadalka qaatey Afhayeen Said Adani Mooge , Runtii waa maalin qaali ah shakhsiyan anigana qaali iigu ah inaan manta goobjoog ka ahaado shahaado sharaf suxifinimo oo horeba loogu sharfey Moha Farah Jire ayaan islahaa manta waa la mid !laakiin waa shahaado Ciidan sida Taliye Abokor Sulub uu ugu qoondeeyey ,waana guul labaad oo aan runtii isagana uga mahad celinayo Weriyeyaasha lasiiyay ee Baaruud Abdilaahi & Moha,

waanan ku baarigayaa ayuu yidhi said Adani Mooge, Taliye Abokor Sulub ayaa ugu magacdaray Shahaadooyinka uu gudonsiiiyay Televisionka Qaranka Somaliland weriyayaasha ka tirsan inay ku muteysteen Karti, Howlkarnimo, Dulqaad, Firfircooni iyo Shaqo wanaag ay u isticmaalaan gudbinta iyo tabinta wararka ay Bulsho weynta u tabinayaan,

Taliyahu wuxuu ku yidhi hadal kooban oo u munaasibadaasi ka jeediyay { Waxay Ii tahay fursad qaali ah in aan shahaado ciidan gudoonsiiyo Wariyayaasha kala Ah Moha Farah Jire oo ah Gudoomiyaha Suxufiyiinta Qaarada Africa (JAR) ahna Qusulka Wargeyska Subsaharan informer Somaliland ee Africanka ah u fadhida Somaliland ,

sidoo kale ah xubin firfircoon oo ka mid ah howlwadeenada ka howlgala TVga qaranka Somaliland, waxaanan ilaawi Karin oo qalbigayga ku xardhan Socdaalkii dheeraa ee madaxweyne Rayaale ku tagey gobolada Bari ee Sahil, Togdheer iyo Oodweyne ee suxufiyiintani ay sida ciidanka noola shaqaynayeen, habeen walbana ugu tabinayeen bulshada xaalada weftiga.

Gabogabadii waxa mahad u celiyay Taliyaha ilaalada madaxtoyada iyo Afhayeenkaba Agaasimaha guud ee TVga qaranka Somaliland ,Mohamed muse Dirie oo sheegey in ay ku mutaysteen howl culus oo baaxadeeda leh oo ay qaranka u hayaan howlwadeenada shahaadada la gudoonsiiyay, isagoo sheegey in warbaahintu tahay aalad laba afood ah oo masuuliyadeeda leh inla dhowro goorwelba ixtiraamka mihnaduna yahay lagama maarmaan,waxa uu marlabaad hambalyeeyay Weriyayaasha la gudoonsiiyay shahaadada ciidan eek ala ah Baaruud Abdilahi Elmi iyo Moha Farah Jire.

Waa markii ugu horeysey ee wariyayaal African ah lagu maamuuso shahaadada Ciidan ee lagudoonsiiyay weriyayaasha, taasina waxay ka maragtahay Somaliland iyo xoriyadeeda saxaafada, iyo weliba dhiirigalinta xukuumada ee ku wajahan suxufiyiinta sida weyn ugu howlan kor uqaadida magaca, xirfadooda, dalkooda iyo talaaboyinka ku wajahan horumarka nabada iyo amniga.


Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com