Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayay Munaasibadda 26 ka Juun ayaa Caawa Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyadda ee JSL




Xafladaasi oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiro Tirobadan oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland Madax ka Socotay Labada aqal ee Guurtida iyo wakiiladda iyadoo uu Xafladaasi Goob Joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadda Koowaad Marwo Hudda Barkhad Aaden iyo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Axmed yuusuf Yaasiin .

Xafladaasi lagu Xusayay Caawa 26 ka Juun Maalintii ay Somaliland Xoriyadeedii ka qaadatay Mucamaradii Ingriiska waxa Xafladaasi si weyn uga Muuqatay Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise iyo Nimco Yaasiin Caraale oo Labadduba Heeso si weyn loo Jeclaystay ku soo bandhigay .

Sidoo kale Fanaaniinta Qaranka ee Somaliland ayaa iyana Ruwaayaddo iyo Heeso ku saabsan Maalintaasi 26 ka Juun ku soo bandhigay Goobtaasi .

Maanta oo ay ahayd 26 ka Juun waxa ay Sanadkan ku soo hagaagtay Maalin Jimce ah iyadoo maalinta berito ahna ay Fasax ahaan Doonaan Shaqaaluhu si Loo Xuso qiimaha maalintaasi leedahay .


Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com