
Sadexda xisbi Qaran waxba kuma kala duwana, barnaamijyadooduna way midaysan yihiin. Waana sababta aanu isdhaliilkooda iyo isku faankoodu u buurayn, waa sababta ismaandhaafkoodu iyo hadalkoodu marwalba ugu meegaarsan yahay kursiga hogaaminta dalka. UCID ayaa waxoogaa ka yara duwan.
Xisbiga taladaha haya oo haysta fursadii uu wax ku qaban lahaa ee uu ku faani lahaa,waxaa uga fudud dhaliisha axsaabta mucaaridka ah, Taageerayaashiisuna waxay ku tartamaan aflagaadada Kulmiye.oo ay is hoga tusaaleeyaan, Taageerayaasha Kulmiyana waa sidoo kale waxay ku tasbiixsadaan wax ka sheega Haaruun.
Haddaba, kala duwanaanshahooda iyo isku midnimadooda ku raagi mayne, waxaan carrabka ku dhufan laba arrimood oo saamayn weyn ku leh ismaandhaafka iyo muranka joogtada ah. Labadaa soo kala ah hab dhaqanka siyaasadeed iyo aduun waxay isdheer yihiin.
Bal maxay isdheer yihiin arrin iyo adduun ?
Bal aan ku horayno ta hab dhaqanka qaab siyaasadeedkooda.. Sida aynu wada ognahay sadexda Guddoomiye Xisbi, islamarkaana ah masharixiinta Madaxweynimada, lama odhan karo jagooyinka waxay ku yimaadeen hab toosan, tartan xalaal ah iyo doorasho xisbigooda dhexdiisa ka dhacday. Sidii shirweynayaashii golayaashooda dhexe ka muuqatey iyo ku tumashadda xeer hoosaayadoodii, tabaha la adeegsanayey qaar geed lagu soo gabanayo iyo qaar loo badheedhayaba way lahaayeen. Murankii ka dhashayna kulmiye wuu gilgiley, UDUB-na awooda talada dalku, ee uu gacanta ku hayo ayaa asturtaye, tii ka dhacaday waxay shaabahaysa tii Xusbigii Hantiwadaaga kacaanka Somaliyeed ee uu hogaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre, UCID-na haddii uu jiri lahaa qabiil gaar u sheegta amma isbidaya in uu yahay xusbigoodii, is xagxagashadu iyo kala firfirdhadkoodu intaad maqasheen wuu ka badan lahaa.
Qaab siyaasadeedkooda guud iyo faraqa u dhexeeya intaanan gelin, waxaan doonayaa in bal sharaxaad ka bixiyo Guurtida Dahsoon oo saamayn weyn ku leh hab dhaqanka siyaasadeed ee sadexda xisbi qaran.
Guurtida Dahsoon
Guurtida Dahsooni waa Golaha Guurtida beelkasta, kuwaas oo magaca beesha ku taliya. Waa xusbi aan barnaamij iyo hadaf lahayn oo hawshoodu ay ka mid tahay in ay beesha u qawlala maroojaan hal qof. Waa xusbi ka shaqeeya in beeshu qof keliya u adeegto, laakiin aanay xujo ahayn in qofkaasi isaguna beesha si gaar ah ugu adeego. Axdi qarameedka iyo shuruucda dalka meela kama soo galaan.
Guurtida dahsooni waa Golaha Guurtida Beesha, waa awooda ninkay beeshu u igmanayso tartanka siyaasada soo saarta, ciddii kala ee barbar carrartan takoorta. Guurtida dahsooni waxay awood u leedahay in ay beeshu ku amarto dhaqaale, cod, iyo sarwaxan ay la garab taagnaato ninkay soo cugatay.
Guurtida dahsoon ee beelaha lama soo doorto iyaguna afti kama qaadan xubnaha beesha go’aamada ay gaadhayaan ee beesha saameeya. Tiradooda lama yaqaan , tayadoodana la isma weydiiyo.
Xeer diidani ma jiro, xeer ogolina ma jiro. laakiin waxay salka ku hayaan dhaqan qoto dheer oo guun ah oo soo jireen ah oo ilaa hadda la loodin kari laayahay. Siyaasiga ay xulaan xusbigu galo, waa xusbigii beeshooda. Buruudka iyo asraarta ay u adeegsadaan in ay beesha marba meel ugu jaheeyaan, oo ay ku raacdo lama yaqaan, hasayeeshee kama madhna soofaynta qabkii qabyaalada. Qaarkood ayaa shuraakooba oo u sharaakooba in ree hebelna meesha loo dhiibo ree hebelna laga soo horjeesto, Guurtida dahsooni kama hadlaan qofaf, karti, hufnaan, adeeg, barnaamij iyo xusbi toona.
Waxay ku hadlaan af heer beeleed ah . Guurtida dahsooni Siyaasiga ay takooran si kasta oo uu culus yahay, wuxuu noqdaa haad geed waayey. Waayo tiisuna ma ogola, kuwa kalana meeli ugama banana.
Awooda guurtida dahsooni, beelaha way ku kala xoog badan tahay. Beelaha qaarbkood waa hore ayay daciiftay. Waxay haatan ku jiraan xilli kala guur oo ay ka gudbayaan nidaamkii Golihii Guurtida Beesha, mid kalena weli may gaadhin, meel dhexe ayay heehaabayaan.
Siyaasiyiintooduna waa nin iyo meeshii ka dirir, la iskuma joojo. Xusbi gaar ahna culays kuma yeeshaan. Markaad sheekooyinkooda u fiirsatana beelaha noocaas ah waxay u dhaw yihiin Xusbiga UCID, ee agoonka ka ah Guurti beeleed.
Nidaamkan guurtida dahsoon ee masiirka siyaasiga gacanta ku hayaa, waxaa jirta dhallinyaro badan oo ka loox tuurtay oo aan u hogaansaneyn xeerarkeedii iyo dhaqankeedii, kana