Safarka madaxweynaa Somaliland ee kuwait furaa xidhiidhka dowladaa khaliijka



Kuwait waa dal dhibaata Somaliland ku dhacday ay ku dhacday dhaawac culusna uu ka soo gaadhey dal ay walala yhiin arinkaasu waa mowduuc isfahamsiin kara Somaliland iyo Kuwait waxanan xasuustaa wareysi uu siiyey madaxweynihii Hore ee Somaliland Maxamed xaaji ibrahim cigaal tv jaziira inuu ku sheegay kolkuu canbaareyn kulul dusha uga tuuray Carabta in dalka kaliya ee faham ka muujiyey qadiyadooda uu yahey Kuwait wasiirka arimaa debeda warqad uu u qoreyna jawaabtii uu ku soo celiyey ay ka muuqatey inuu fahamsanyey qadiyada Somaliland taasna waxaa keenaya dhibtii Kuwait kasoo gaadhey ciraaq iyo qaniinyadii walaal ee kululeyd ee ku dhacday dhinaca kale kuwait oo ah dal nidaamka dimuquraadiga ah qeyba kamida dabaqda dadkeeduna ay yihiin dad aqoon aad u fiican leh hormoodka aqoonta khaliikhkana ah waayo dalal badan ayaa todobaatanaadkii Manhajka tacliinta ee lagu dhigo lagu soo daabaci jirey dalka Kuwait waa dal leh barlamaan la soo doorto khibrad balaadhana u leh nidaamka barlamaaniga ah Amiirka sh.sabaax Aljabir ee kuwaitka taliyaa waa nin dalkii la odhan jiray somalilaya ee lixdankii midoobey aqoon fiican u leh waxaanuu lahaan jiray beerkutaal afgooye oo uu iman jiray sidaa darteed kama dahsoona arinka somaliya iyo Somaliland waxaanu fura fiican u noqon karaa in uu khafiifiyo cuna qabateynta siyaasadeed ee carabtu saartey Somaliland Hadan hoos uga soo dago u jeedada qoraalka oo aan ku iftiimin doono safarka madaxweyna iyo xidhiidhka khaliijka carabta iyo Somaliland sidaan u arko inuu ku xoogeysan karo.

• Safarka madaxweynaa

Safarka madaxweynaa wararka laga soo sheegayaa waxay tilmaamayaan inuu yahey safar guul aan la filayni oo xaga diblamaasiyada ahi ka muuqato wuxuu la kulmey Amiirkii wadanka wuxuu la kulmey ninkii dhaxalka boqortooyada lahaa Wuxuu la kulmey wasiirkii arimaa debeda taas oo kutuseysa inuu yahay socdaalkiisu mid kulamada diblumaasiyada heerarkeeda ugu sareeyey gaadhey wadan carbeed oo sidaa u qaabilay hogaamiye Somaliland ah waa kii u horeeyey taas oo kutuseysa in Kuwait ay qaadatey go,aan geesinima leh ilaa imika midha dhalka kulankaasu waa mid aaneynu ka faaloonkarin oo ah gacan uurku jirta se waa safar guula oo dadka Somaliland oo dhan u soo hoyday waa guul u soo hoyatey diblamaasiyada Somaliland ee xukuumada madaxweyne rayaale waa shamac aan ku iftiisan karo xidhiidh dhexmari kara Somaliland iyo wadamada khaliijka siiba iyadoo ay ka horeysay xidhiidhka samafal ee Somaliland la leeday Imaradkacarabta kaas oo xusid iyo bogaadin mudan una baahan in loo rogo xidhiidh diblumaasiyadeed sida Kuwait Si,ay Somaliland u hesho saaxiibo culus oo ay ku yeelato wadamada khaliijka sidaa markaan leeyey wan ogey in dowlada sucuudiga oo wadamada khaliijka u weyni ay ilaa imika si,adag uga gows adeygeyso Somaliland aanad moodo in meelo kale oo carab kamida oo Somaliland ku shida si istiraatijiyanana uga soo horjeedaa jiritaanka Somaliland ay ka shidaal qaadaneyso boqortooyadu hadana lagama quusan karo xikmada sucuudiga iyo xidhiidhka diiniga,taariikhiga iyo dhaqaalaa ah ee ay wadaagaan boqortooyada iyo Somaliland xidhiidhkaas oo hadii ay dhaqdhaqaajiyaan dowladaa khaliijka sida Kuwait oo kale laga yaabo in sucuudiga mowqifkiisa wax iska bedelaan Somalilandna maal gashi balaadhan oo khaliijka kayimaada lagaliyo .

• Xidhiidhka Somaliland iyo khaliijku siduu ku xogeysan karaa

Anigu shakhsi,aan ilaa kudhawaaqidii somaliland 1991 ee mudane Cabdirahmaan axmed cali madaxweynii u horeeyey ee Somaliland uu ku dhawaaqey waxan qabey in Somaliland hadey rabto in xidhiidhka dabadu u hagaago ay gudaa ka dhisto dowlad gashaanqaada oo dhameystiratey shuruudaa dowlad nimo kana baxdey beelo isu tagay taasna ilaahey mahadii waxbadan oo kamida waa laqabtay waana ta maanta dadbadani idhaa ka qarsan kari waayey ee ay xaga Somaliland u soo liicayaan libtaa allaa leh iyo dadka Rersomaliland oo cadaadiskii calamku saarey u dhabar adeygay kana diiday sokooye iyo shisheeyabaa in xoriyadooda u qoolaaan damacshakhsi ama dandowlada leeyiin, dhabbada nabada, dimuquraadiyada iyo dowladnimada cagta saarey taas oo keentay codkasta oo Somaliland ka soo horjeedaa in badweynyta horumarka Somaliland ku hafto Intaasu hadan hordhac ka dhigo waxaa asaas u noqonkara xidhiidhka khaliijka iyo Somaliland waa qodobadan:

 Waa in Somaliland ay xoojisaa xidhiidhka ay la leeday reergalbeedka waayo carab inta ugu tunka weyni ee aan ka rabnaa inaan xidhiidh lasameyno waa inta ku xidhan Rergalbeed sidaa darteed wadada ay qaadey Somaliland si,yaasad ahaan ee ah in xidhiidhak Rergalbeed uu noqdo mid istiraatijya waa mid waxbadan ka tari doona xidhiidhka carabta oo dhan gaar ahaan khaliijka oo aan rabno inan xidhiidh lasameyno xulafana lanoqono.

 Waa in aynu sameynaa gudida hagaajinta xidhiidhaka Somaliland iyo carabta oo hoostaga wasaarada arimaadabada Kuna jiraan rag diblumaasiyiin ka soo noqdey wadamada carabta iyo Ruugcadaayada Rersomalilnd ee jooga wadamada carabta iyo madaxda hey,adaa samafalka ee RerSomaliland kuwooda carabta xidhiidhka la leh.

 Dowladaa carbeed waxey ka daaleen dad inta ay lacag ka qadaan yidhaa wadamadayada ayaan wax u qabaneynaa dabadeedna dangaara kufuliya ama dan qaran oo aan aheyn tii loogu talagalay arinkaa waxaa ku Kacay dowlado badan oo caraba oo khaliijku wax siiyey somalidana wan ogney cabdiqasim ,cabdilaahi yusuf intuba in ay carab lacago badan oo aan waxba lagu qaban ka qaateen arinkaasu cuqdadbuu ku reebay carabta sidaa darteed Somaliland maamulkeedu waa inuu muujiyo xilkasnimo dheerada shililn meel loogu tala galeyna aan la dhaafin meeshii loogu tala galay waliba gudi daba gasha waxaad bixisaan noo soo dira layidhaa xisaab Celina la sameeyo si aynu u helo maalgashigooda waayo dalka lagu dhaco mucaawinada lasoo siiyo maalgashi cidina kuma sameyso waxan u soconaa maha macaawimo ee waa maalgashi in wadankeena wadamada hodanka ahi ku sameeyaan.

 Waa in mujtamaca Somaliland uu noqdaa mujtamac muslima oo qunyar socoda oo aan aminsaneyna afkaarta Xagjirtka ah ee kusaleysan is qarxinta iyo ladagaalanka dowladaa carbeed ee manta aduunka ka jira kuwaas oo qori caaradii lagala hortaagayo afkaartaasu waxay keeneysaa in loo arko dalkeena iyo dadkeenaba qaar col la,ah dowladaa carbeed iyo madaxdooda arinkaas oo aan dan inoogu jirin waayo Somaliland waa,inay dowladaa dariska iyo kuwa carabta iyo quwadaa waa weyn ee aduunakaba nabad kula noolaataa danaaheeda wadaniyeedna ilaashataa.

 Waa in aynu xoojinaa wasaarada arimaa diinta oo aynu ku xidhnaa wasaradaa kalee dhigeeda ah u xulaana Dad aqoon u leh arimaa diinta iyo maamulka oo aynu sameynaa sanduuqa sakada ee wasaarada kaas oo aynu ku xidheyno dhigiiisa wadamada khaliijka si,ay ugu suura gasho dadkeena faqiirka ah in ay ka faa,iideystaan kheyraadka walaalahooda khaliijka ilaahey ku manaystay dhinaca kale waxay taasu kor u qaadeysaa in culimadeenu ay ku xidhmaan shirarka diinta ee calamka islaamiga ah halkas oo aqoon cilmi oo badan inagaga maqantay dhinaca kale wadamada khaliijka culimada waxay ku leeyiin maqaamwayn kalmadooduna waa mid waxtarleh gar ahaan kuwa kujira maamulka dowlada kuwa aan kujirina waxay raad weyn kuleeyiin tijaarta mucaawinaadka bixisa taas oo kadhigaysa Kobcinta xidhiidhaka diiniga ah mid u adeegaysa danaa maal gashi iyo kuwa siyaasadaba.

 Waa in Somaliland ka fogaataa in marnaba wadan carbeed wax ka sheegto xataa haduu muujiyo cadowtinimo gaara oo Somaliland u qabo waayo siyaasada carbeed kuma dhisna inta badan arimo istiraatijaya waxaana haga Rabitaanka shakhsiyeed kolkaa si mandaqi ah kuma dhisna taas oo keenaysa in danqasho kaliya oo nin madaxi danqaday in uu kujaro xidhiidh boqolaal sano soo jiray intaas haduu ku hadho dhiba malee wuxuu bilaabayaa in uu kaa ololeeyo siduu u dhaawaco xidhiidhkaad carabta kale la leeday.

 Waa in aaney marnaba u muuqan Somaliland mid danaa carabta ee badacas lidi ku ah waana inay isu dhigtaa In ay tahay mid ilaa linaysa danaa carabta rabtana in wadamada carabtu nabad ku noolaadaan

 Waa in aynu ku xidhnaa jamacadaa Somaliland jamacadaa carabta siiba ku Kuwait si aan u yeelano isweydaarsi aqooneed.

 Waa in aynu ku dadaalaa in aynu soo jiidano dalxiisayaasha carbeed inagoo ku dhiiri galinayna umarada carbeed in ay somalilamd ku yimaadaan safaro gaara .

By:- Abdillahi nuur hasan
Qahira