Waxaa la bilaabayaa dhismaha Masjidka Abu bakar Sadiiq
ee miyaadan waxku darsaneyn !





Waxaa la bilaabayaa dhismaha Masjidka Abu bakar Sadiiq oo laga dhisidoono galbeedka magaalada Columbus ,Ohio Masjidka Abu bakar Sadiiq oo noqon doono masaajidka labaad ee ugu weyn deegaanka ku xeeran bartamaha Ohio state ama loo yaqaano centeral Ohio.

Hadaba dhulka uu ku fadhiyo masjidka oo ah 30,000-square-foot waxaa loogu talagalay in laga hirgaliyo Masaajid ka Abubakar Asiddiq Islamic Center iyo qolal loogu talagalay in caruurta waxlagu baro iyo qol loogu talagalay in lagu meero meydka

Masaajidka Masjidka Abu bakar Sadiiq oo si ku meelgaara ku yaala dhismaha ku qabsan west mall bishiina waxaa kiro ahaan laga bixiyaa $2,500 ,dhismahaas oo dhismo duug ah oo roobka soo daayo Hadaba dhulka waa la iibiyey , lakin waxaa ladoonayaa in laga qeyb qaato dhismaha masaajidka oo ku kacayaa lacag dhan $ 2,500,000 ( oo doolarka mareekanka )

lacagihii loo aruuriyey seddexdii sano ina dhaaftay marka laga jaro dhulka la'iibiyey waxaa labo wiig ka horlahayey lacag gaareysa $ 380,000 , halka ilaa wiigii hore oo qura la soo aruuriyey lacag gaareysa $ 400,000

Waxaa haboon qof walboo Muslin ah ama Soomaali ah in uu ka qeyb qaato dhismaha guriga Illaahey ee laga dhisayo galbeedka magaalada Columbus ,Ohio Masjidka Abu bakar Sadiiq

Waxaad bixisaa waa wax aad hormarsatay oo kaa qasaareyn , Aakhirana lagaa abaal marin doono
Haddii aad dar Alle u dooneyso inaad ku darsato dhismaha masaajidka waxaad la soo xiriiri kartaa gudida masaajidka iyo Iimaanka

Cilwaankuna waa


Masaajid ka Abubakar Asiddiq
3437 Sullivant ave
Columbus,Oh ,43204
Usa
tell 1- 614 - 272-9994