Tababar soconayey mudo 0 mmaalmooda oo laga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha ganacsiga dadka saboolka ah, xanaaneynta deegaanka iyo weliba abuurista shaqooyin lagaga badbaadayo saboolinimada,oo ay ka qayb qaadadanayaan 20 xubnood oo laga soo xulay xaafadaha ay degan yihiin dadka danayarta ay iyo goobaha dadka ka soo guryo noqday xeryaha qaxoontiyada ayaa manta lagu soo gebagebeeyey magaalada Burco ee gobolka togdheer.
Tababarkan oo ay iska kaashanayaan fulintiisa ururka wadanig ah ee SABBUUX iyo hay’ada MERCY CORPS oo fa dhigeedu yahay caasimada Hargeysa, waxa qayb ka ah mashruuc cusub oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey magaalada Burco, kaasi oo in ka badan 200 oo xabo oo girgirayaal cuntada ee wadaniga ah lagu soo saaray si loo beekhaamin karo dhuxusha la shito.
Mashruucan uu salka ku hayo tababarkani ayaa waxa loogu talo galay in lagu soo saari karo wax u dhigma dhuxusha oo lagu ilaalin karo deegaanka, in la dhiirigaliyo beerista dhirta iyo weliba sidii loogu abuurilahaa dadka saboolka ah shaqooyin ay kaga soo kabtaan nolosha hoosaysa.
Madaxa Mashaariicda urukan Sabuux Yuusuf Maxamed Cariish oo saaka hadal ka jeediyey xidhitaanka tababarkan ayaa waxa uu cadeeyey in ahmiyadu ay tahay si hoos loogu dhigi karo heerka iska horimaadyada iyo kordhinta dakhliga qoysaska saboolka ah iyo weliba kobcinta dhirta deegaanka.
Sarkaalkan Sabuux waxa uu warkiisa ku sheegay inay ilaa haatan suuqa galiyeen dufcadii u horaysay ee gir griaayashan,kuwaasi oo qiime jaban kaga iiban doonaan dadka, haatana ay qaybiyeen I ka badan 1200 geed oo loo qoondeeyey in lagu abuuro goobaha dhirtu ka sii yaraanayso.
Sarkaalkani Sabuux waxa uu xusay in haatan horey u tababareen ugu yaraan 20 xubnood oo qaybaha dadkan, isla markaana mashruucan oo socon doona mudo 6 bilooda oo ay ka faa,iidaysan doonaan dad gaadhaya ilaa 150 qof.
Mashruucan waxa uu noqon doonaa midkii ugu horaysay ee sedan oo kale lagu soo bandhigo wax soo saar rasmiya oo la geeyo suuqyada ganacsi ee gobolka Togdheer.
Reported By: Yuusuf Ibraahim Warsame
Ilkacase,Burao
Email: xagaa67@hotmail.com
