

Waxaa aan loo baahnayn inaan ka shekeeyo muhiimada berbera u leedahay guud ahaan Geeska afrika iyo Gaar ahaan Somaliland oo aad looga dheregsanyahay in dhaqaalaha Somaliland Lagu Maamulo 85% ay ka soo xarooto magalaada Berbera .
Hadaba waxaa aan isweydiin karnaa Maxaa sababay in Berbera ay noqoto magaalo sii baaba,aysa siina Dumaysa ?
Qof kasta oo taga Magaalada Berbera waxay la noqotaa la yaab, Naxdin ,Aragagax iyo Fajiciso.
Barnaamijkii (Dalmar) oo laga siidayey UniversalTV 06/05/08 oo Dhalinyaro Reer Holland ahi ku booqdeen Somaliland ayey Berbera ka mid ahayd Meelihii ay booqdeen intii aan tegin waxaa Hargeysa Kula kulmeen Abwaniinta Axmed Salebaan Bide Iyo Cabdi Haybe Laanbad waxaanay sheegeen oo ay ku celceliyeen odhaah dhaba,
in Fanaaniinta Iyo Berbera loo gurmado , markii dhalinyaradaasi ay Berbera Yimadeena waxay booqdeen dhakhtarka Magaalada taas oo naxdin xoog leh ahayd wixii halkaa ku arkeen oo dadkii dhaawaca ahaa ay u sheegeen in xitaa ay Kaneecada habeen kasta ay gacmaha iska celiyaan taas oo ay aad ugu naxeen dhalinyaraadaasi uguna deqeen dadkaasi bukaan jiifka ah 20 maro kaneeco .

Cid kasta waxay ka sheekaysaa dhibaatada berbera ku habsatay iyo sida looga qaxay , Hadaba sidee looga bixi karaa ?
Sidee dibu-dejin looga sameynkaraa ?
maxaa sababay in laga qaxo Magaalada ?
Dadkeedu qaybtee ayey ku yeelan karaan In Berberi noqoto Berberadeedii hore ?
maamulka ka jiraa diyaar ma u yahay in sameeyo qaab magalaada loogu sameynaayo barnaamij dibudejinadeed oo waxka taraaya dhibaatada haysta Berbera ?
Si aynu wax uga helno su,aalaha aan isweydiinay aan yara taabtaabano waxyaalaha Muhiimka ah ee lagama maarmaanka ah.
1. Leydhka.
Dowlada dhexe waxa ay dhowr jeer ku balanqaaday in leydh jaban oo ay iyadu kabto u samayndoonto magalaada ilaa iminkana may suurta-gelin taas oo qayb ka qaadan lahayd nolosha dadka Berbera inay ku negadaan .
2. Biyaha .
Magaalada waxa biyuhu uga yimadaan Faro Deero Iyo Ceelka dubaar oo ay Turkigii ka tageen taas oo ilaa iminka waxa kaaba oo Ay Wasaarada Macadanta Iyo Biyuhu Ku kordhisay aanay jirin lana sheegin, iyadoo maamuladii Wakaalada Biyaha ee u danbeeyey ay isa sii kaba-raaciyeen dibudhac weyn aakhirkiina ay keentay , taasina sababtay in D/hoose Berbera ay Xaraash (Auction) ku sameyaan oo gacanta u geliyaan dad (Private) ah, taas oo ay diideen Dadweynaha Berbera una arkeen in looga sii daraayo.
3.Garoonka Diyaarada .
Waxay leedahay berberi Madaarka Ugu caalamisan Geeska Afrika oo dowladihii hore ay aad u hagaajiyeen lakiin xiligan Somaliland baa,ba,ay ,iyadoo aad moodo wasaarada Duulista iyo Hawadu in Madaarka Hargeysa oo markasta aad maqlayso terminal cusub ayaa lagu daray ,halka kii Berbera ee Faqashtu dhistay aan xitaa ay tahli waayeen inay rinjiyen ku sameyaan Terminal keliya .
Ilaahay haw naxariistee Marxuun Siciid Da,uud Cilmi (Oo Qalbiga Bulshaweynta Saaxil Meel weyn kaga yaala) markuu arkay < inaan Cidi u maqnayn Ceelna u qodnayn>ayuu ku guuleystay inuu shaqadii wadadaa Madaarka oo ay lahayd dowlada dhexe isagu u Tafaxayto ,waxaanay tii alle ku timi isagoo gacmo madhan ka taagan kaalintii ay Dowlada /dhexe ku lahayd wax la qabashada D/hoose Gebihaanba.
4.Ganacsiga.

Magalaada berbera ayaa ahayd mid dadka degan ay shaqo ka heli jireen ganacsiga Gudaheeda berbera , Tijaartuna waxay kala ahayd Whole Saler Iyo Reitaler taas oo soo dejiyaashu badeecadaha ay ku wareejin jireen Jeeblayaal iyagu ka imanjirey gobolada dalka oo dhaqaalo buuran soo gelin jirey Gudaha Magaalada taas oo magaalo kasta oo Dekad lihi ay dunida caan ku tahay in iyada Gudaheeda wax lagu iibsado , Berberi se ka duwantahay , Gadiidka ayaa ahaa gadiid-daabul ku xareynjirey bakhaaro Magaalada ah Gadiidka kalena waxuu ka faaideysan jirey Qaadida debada iyaguna ay shaqo ka heli jireen Gadiidleyda dhan,
waxaas oo dhan meesha way ka baxeen waxaana gacanta ku haya 4 Ganacsade oo aan kuba hakin Badeecadahooda Magaalada gudaheeda oo iyagu wata ilaa Keeryoonihii oo shaqaalaha iyo gadiidkoodaba iska leh,Wasaarada Ganacsiguna ay sidaas ku ogtahay , taasina ay meesha ka saartay Shaqooyinkii faraha badnaa ee laga Helijirey Berbera ayna sababtay In Magaaladu Sidaas Noqoto .
5.Dhulka(Degaanka)
Waxaa jira dhulal badan oo wajahada (Muraayadii Magaalada) oo dad la siiyey oo ay seesteen oo loo baahnaa in ay dhisaan si ay qayb ugu qaadato degaanshaha iyo bilicda Magaalada ,D/hoose wax cashuura iyo faaido ah kuma qaybto siii jiritaankiisa seeskaas mana laha taariikh cayiman oo lagu dhisayo ,qofkii dhisanlahaana wuu ka xanibay midka ujeedadiisu tahay inu seesto oo keliya , taas oo iyaduna haddii aan xal laga gaadhin in waqti loo qabto qofku ku dhisto ay xanimayso horumarka Berbera.
Waxa haboon in loo xadiido mudo sharciya uu ku dhisto qofka doonaya dhul oo ay noqotaa mid dhaba maaha in dhulka qofku qabsado uun ,lakiin ay noqoto dhismo dhaba oo mudo leh taas oo ka qayb qaadan karta Barmaanij dibudejin ah oo Magaalada Berbera ka Hirgala .
6. Maamulka D/hoose berbera .

Maamulka ka soo baxay D/hoose ayaan isaga badi dhexdiisa deganaashiiyo ka jirin , moodaana in aanu u gacan baxsanayn horumarka degaanka , ayna haboonayd inay iyagu kow ka noqdaan Degaameynta Magaalada iyo wixii carqalad ku haya Horumarkeeda lakiin way gabeen kaalinta ay lahayeen ee Shaqadooda ahayd.
7.MADAX DHAQAMEEDKA SAAXIL.
Aad ayey u badan yihiin Madax dhaqameedka gobolkaasi , waajibkooduna wuxuu ahaa ka warhaynta Duruufaha ka taagan Degaankooda hase yeshee waxa la ogyahay in intooda badan ay deganyihiin Gobolo kale oo Mushaharkoodu marka uu isgaadho lagu arko Midhiqle Gudaha Magaalada Berbera si ay u helaan Gunadooda dabadeedna dib ay ugu laabtaan meelihii ka soo boqoleen taas ku tusaysa inaanay ogaan karin dhibaatada Berbera ka jirta iyo duruufaha haysta dadkooda, waxna kala wadaagin .
8.GUURTIDA GOBOLKA SAAXIL.
Waxay deganyihiin Caasimada hargeysa oo ay aad ula qabsadeen Iyagu maba oga inay Khusayso duruufaha haysta dadkoodii iyo Sababaha keenay.
9.XILDHIBAANADA BARLAMAANKA.
Xildhibanadii Barlamaanka ee ka soo baxay Berbera ayaa iyagu aan dib ugu soo noqon Berbera doorashoodii ka dib taas oo ku tusaysa in waajib ay ahayd inay ka hadlaan duruufadaha haysta Berberaddii ay beri hore cododka ka heleen, lakiin loo baahanyahay inay si dhaba uga hadlaan , Waqtina siiyaan Magaladaas sii Baa,ba,aysa.
10.DADKA BERBERA.
Dadka Berbera mudo intee leeg ayey ku qaadankartaa inay daa,wadaan Magaladooda Baa,ba,aysa ? qofkasta oo u dhashay berbera wuu ogyahay xaqiiqada jirta iyo halka wax ka socdaan hase yeshee ma dhacdo inuu taabto halka ay sartu ka qudhunsantahay, lamana garankaro waxaa hor taagan, waxaase waajiba in la tooso loona soo jeesto Magaaladeena Sii Baa, abaysa lagana badheedho , talo mideysana laysugu yimaado ,adigoo xisbi kasta aminsan
11.QURBAJOOGA SAAXIL.
Dadka qurbajooga saaxil marna iskuma taxalujiyaan inay muhiimada siiyaan inay si mideysan waqti loo siiyo sidii looga hadli lahaa arimahaa qalafsan ee ku habsaday Magaalada ay ka soo jeedaan , halka ay aad u jecelyihiin inay Arimaha Shaqsiyada iyo Xisbiyaynta ay la Fogaato oo waxkasta u huraan una hormariyaan , lakiin ay ahayd in taa Guud ee xilka weyni ka saarnaa oo ay ku xidhan tahay tan ay doonayaan la,aaneedna ayna suurtagal ahayn haddii la waayo Tii guud ee Muhiimada ahayd.
Qof kasta oo ka hadla Dhibaatada haysta Berbera iyo baa,ba, magaladaasi ku habsaday ama u sheega masuuliyiinta Saaxil ay ku leedahay Dowlada , waxa dhacda in qofkii xaalada dhabta ah ka hadla in lagu qoro list madow(Black List)
Amase la yidhaahdo waa Mucaarad ama Hebel ayuu ujeedaa ama aan la ogolayn guud ahaanba in laga hadlo halka dhibtu ka jirto iyo dawada xalkeeda berbera, waase laga maarmaan in lagana hadlo xalna loo helo .
-ALLAA MAHADLEH-
Waa Qalinkii :- shucayb Maxamed Gurux
Birmingham UK.

|