
Ka dib markii aanu u kuur galnay, anagoo ka baaran degnay kana shiidaal qaadanay baahida balaadhan ee u habsatay magaaladada Berbera ayaa waxaanu go’aansanay in aanu asaasno urur samafal ah oo wadani ah oo magaciisa la yidhaahdo
GURMAD oo aanu asaasaynay 1ST 2006(waxaanu ka diiwaan gashan yahay wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada) waxyaabaha uu ka shaqeeyo waxa ka mid ah WAXBARASHADA CAAFIMAADKA IYO DEEGAANKA.
nadaafada oo loo sameeyo suuliyadaha iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah iyo wacyigelin loo sameeyo sidii ay u ilaashadaan biyaha lana soo saaro journal khuseeya arimaha bulshada lana gaadhsiiyo ilaa heer tuullo,
sidii wax loogu qaban lahaa dadka uu ku dhacay xanuunka dhimirka ee xiskoodu dhiman yahay iyo ku bukaanka ah ee jiifa cisbitaalka guud in la sameeyo oo la helo caafimaad asaasi ah oo ilaa heer tuullo ah, iyo wacyigelinta cudurka HIV/AIDSKA, waxbarashada, dadka waaweyn oo ah heer tuullo , waxyaabahaas oo dhan ayuu qabtaa ururka GURMAD.
Warbixin ahaan Cusbitaalada Berbera xaaladooda Shaqo imika aad bay u liidataa tahay, haday ahaan lahayd dhinaca nadaafada, dawooyinka, cuntada iyo qalabyada kale ee ay u baahan yihiin cusbitaaladu.
Berbera Mental Hosptial in aad hore u aragteen mooyee waa Cusbitaal gaar ah. (dedicated Mental Hosptial) Shaqaalaha ka shaqeeya waa: 18 oo isugu jira Hal dhakhtar, Maamule, 8 social worker, 3 cook, 5 cleaner iyo 3 watchmen, cusbitaalka waxa gunada siiya Gurmad wasaarada iyo deegaankaba.
Qalabka nadaafada Gurmad ayaa bixisa, Raashinkana bulshada ayaa bixiya iyadoo ay Gurmad u fududayso.
Bukaanka hadda jiifa cusbitaalka waxay dhan yihiin 50 raga iyo 20 dumar ah.
HORTA TAAGEERO KASTA OOD USOO FIDISAAN CUSBITAALADU WUU U BAAHAN YIHIIN: Waxyaabaha ugu badan ee imika cusbitaalku uu u baahan yahay waa Dayactir xaga Dhismaha ah waayo waxa la dhisay 1928 iyo -50 oo aad buu u gaboobay waxaana imika aad moodaa in uu soo jilcayo.
Xaga dawooynka iyaga laftooda haddii aad ku soo cawin kartaa (siiba dawooyin tayo fiican leh) way fiican tahay.
Sidoo kale haddi aad soo heli kartaan qalab cusbitaal oo sariiro, iyo medical equipments ah iyo resources kaleba waa loo baahan yahay.
Cusbitaalka guud ee berbera isana waxa haysta dhibaato aad u fara badan mar la waraystay nin ka mid ah bukaan jiifka wuxuu sheegay
“ inay haysato naadafad xumo, iyo in uu habeenkii oo dhan soo jeedo oo uu la dagaalamo kaneecada oo faro baas ku haysa bukaan jiifka”
Dhamman Jaaliyadaha reer Somaliland ee ah qurba jooga waxaa si naxariis leh looga codsanayaa inay ka soo qayb qaataan tabaruca dhaqaale ee loo wado cisbitaalka guud ee Maskaxda ee magaalada Berbera oo u baahan gurmad deg deg ah.
“Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa”, Tabarucaasi waa mid ah deg deg oo aan sugaynin hadii jeebka iyo gacantu kala raagaan !
Hadaba muwaadiniinta ku tabarucaya garaagrka cisbitaalka Berbera waxaa laga codsanayaa in si toos ah ugu diraan tabarucooda xafiiska Xawaalada Dahabshiil ee magaalada Berbera oo ay ku ururayso tabarucaadkaasi.
Wixii su’aal iyo faahfaahin ku saabsan tabaruca sidaad u dirayso, fadlan kala soo xidhiidh gudida isu xilqaantay tabarucaas cisbitaalada Berbera oo deegaankoodu yahay magaalada Berbera iyo London, amaba gudoomiyaha gudida tubaruca cisbitaalka Yuusuf cali Nuur ama cumar xuseen oo laga heli karo telefoonadan kala ah:
haddii aad war intaa ka sii badan u baahan tahay waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan.
gurmadorg@hotmail.com
cumarxuseen@hotmail.com
Moblie: +4407983775264
Mobile:+ 252 2 4446404 ama + 252 2 5446404
Tel/Fax: +252 2 740054
Magaca Ururka : Gurmad
Account No: D508 (Dahab Shiil – Berebera)
ALLAA MAHAD LEH

|