Warshada Saabuunta ee Indhadeero oo si rasmi ah u bilowday hawsheeda Wax soosaarka

Warshada Saabuunta ee Indhadeero oo si rasmi ah u bilowday hawsheeda Wax soosaarka




“Waxay si Rasmi ah usoo saartay Labada nooc ee ASMA iyo STAR” Warshada Saabuunta ee Shirkada Indhadeero (BAYL) ayaa markii ugu horeysay sanadkan si rasmi ah u bilowday wax soo saarkeeda saabuunta iyadoo ay suuqyada dalka soo gaadheen labo nooc oo saabuunta budada ah oo ay soo saartay oo kala ah ASMA iyo STAR kuwaasi oo haatan suuqyada Somaliland oo dhan laga helayo ay meherada yar yar iyo kuwa waaweyni iiibinayaan taas oo haatan si xawli ah ku gashay suuqyada dalka maadaama ay raacayso oo lala iibinayo badeecooyinka kale ee shirkadu iibinayso. Warshada Saabuunta ee Indhadeero oo ay xarunteedu tahay Magaalada Burco ayaa la bilaabay dhismaheeda sanadkii 2005 xiligaasi oo uu noolaa Gudoomiyihii Shirkadaasi Marxuum Xaaji Cabdi Cawad Cali alle ha u naxariistee waxaanay dhismaheeda iyo hirgalinteedu socotay mudo ku dhow sedex sano iyadoo sanadkan 2008 si rasmi ah shaqadeeda u bilowday waxaana laga dareemay suuqyada dalka oo idil iyadoo ay ganacsatadu kala iibsanayaan kana iibinayaan dadweynaha.

Wax soosaarka Warshada waxay ku shaqeynaysaa Mishiin Talyaani ah oo Saacad kasta soo saaraya “Indhadeero detergent Powder plant, Italian machinery of 5 ton per hour product powder in Buroa city” tas aad u badinaysa wax soo saarka Warshada oo ah mid casri ah waxa la saadaalinayaa inay wax soo saarkeedu gaadhi doono dhamaan wada geeska Afrika Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Shirkadaha Indhadeero oo ay qeyb ka tahay Warshadan BALY waxay dhacdaa dhinaca galbeed ee Magaalada Burco waad arki kartaa markaad ka tagto dhinaca Caasimada ama Magaalada Berbera marka aad sii galayso Magaalada Burco.
Warshada Saabuunta ee Indhadeero ayaan dad badan oo ganacsatada dukan leyda ah wax ka weydiiyey sida ay u socoto marka ay iibinayaan, “Runtii waxay u socotaa si wanaagsan waayo dadku way xiisaynayaan waxa cusub oo aad baa loo iibsadaa xiligan waxaanad ka dareemi kartaa sida ay dadku u xidhanyihiin garamaanta lagu xayeysiiiyo Saabuuntan cusub oo qofkii soo iibsadaa loo soo raacayo marka shirkada laga soo iibsanayo” Kaasi waxa uu aha nin dukaan ku haysta Burco.
Waxaad moodaa inay Warshadani sare si xawli ah ku socoto waayo isla sanadkan ayuun baa la bilaabay oo waliba bilihii sedexaad afrad 2008 waxase muuqata inaad moodid wax in badan la isticmaalayey “Waxay ila tahay inay soo kordhin doonto tartan iyo wax soosaar tayo fiican oo waanu soo dhaweynaynaa haatan dadku waa danley waxay isticmaalaan Saabuunta Indhadeero ee jaban” kaasi waxa uu ahaa ganacsade reer Berbera ah.
Isku soo Xoori oo Warshada Indhadeero waxa laga dareemay wax soo saarkeeda guud ahaan mandaqada Geeska Afrika iyadoo ay sahlayso socodsiinta saabuuntan cusub maadaama ay la jaanqaadeyso abdeecooyinka kale ee shirkada ay iibiso sidaasi ayey saabuuntuna kaga mid noqotay wax soosaarka ugu badan haatan ee dalkeena.
Labada Nooce ee Saabuunta ah ee ASMA iyo STAR waxay un sameysanyihiin qaabka muuqaalka sawirka muujinayso inay ku jirto xadi dhan 200 G oo qiimo ahaan ka jaban 700 shiling Somaliland ah halka Burco laga siiyo 1700 Somali Shiling kii hore ah waana qiime aad u jaban kana waa qiimaha ay siinayaan dukaanleyda iyo ganacsatada ugu yar yar kuwaasi oo iyagu kazoo iibsaday shirkada kagana soo iibsade qiimaha tafaariiqda siina iibiya waxay kaloo wax soosaarka warshadu khadka ka saari doonto sabuunta dabada l;aga keeno haddii eebe idmo.


By:-Cabdikariim Siciid Saalax
Clkarim_3@hotmail.com
4441209
Burco Somaliland