
Waxaa shalay oo taariikhdu aheyd march /20/08 ku beegnaa maalintii uu dhashay Nabigeena suuban ee sharafta leh Mumaxamed Binu Cabdilaahi Binu Cabdimudalib N.N.K.H , taas oo laga xusayey meelo badan ay ku dhaqan yihiin muslimiinta adduunka iyagoo kusalinaya isfarayana in wanaaga labadiyo , lakana fogaado xumaanta
Waxaa kaloo baryahan danbe batay hadalheynta Nabigeena suuban ee sharafta leh Mumaxamed Binu Cabdilaahi Binu Cabdimudalib N.N.K.H in ay gaallo xun af lagaadeeyaan Nabigeena suuban sawir gacmeed uu sawiray odey weyn oo indhoole ah ahna gaal lixdan sano kaweyn , Alle ha nacdalee gaalkaas xun.
Laakiin waxkatarimeyso sawir gacmeed lagu shabahay Nabigeena suuban argagaxiso
Horey gaaladii reer makaad ay hadalo xun xun ku oran jireen Nabigeena suuban ee sharafta xiliguu noolaa iyagoo oranaya " Waxaad tahay majnuun "
Illaaha Sharafta leh ayaa Aayad quraan ah ku yidhi " Laa maj nuuna lil saaxibihi " Saaxiibkiin ( waa Nabi Muxamede) Mawaalna.
Hadaba adkeena af Soomaaliga kuwada hadlaa ama Soomaaliyeed iyo Caalamka Islaamka intiisa kale waxaa nalaga rabaa inaan xaqiijino jeclaanta aan u qabno Nabigeena suuban iyo Allaah
Marka dadka la weydiiyo
Soo majeclid Waalidka ku dhalay
Soo majeclid Caruurtaada
Soo majeclid Xaaskaaga ama xaasaskaaga
Soo majeclid Walaaladaa
Soo majeclid Hantidaada
Matalan markaad mehrad leedahay ee aad jeceshahay inay sii hor marto waad xisaabisaa wax soogalo iyo waxa kabaxa mar ba dhan baad ka eegtaa sidii aad u hor marin laheyd.
Hadaba waxaas oo jaceyla waxaa leynaga rabaa inaan meelku tiirino oon aan jeclaano Nabigeena suuban iyo Allaah
Nabigeena suuban ee sharafta leh Mumaxamed Binu Cabdilaahi Binu Cabdimudalib CsW ( Scw ) maalin uu la joogay Cumar Binu Qadaab....... Cumar Binu Qadaab baa yidhi Nabiyow waan ku jeclahay , lakin nafteyda kaa jeclahay
Nabigeena suuban ee sharafta leh baa cumarku yidhi wali maad gaadhin heerkii ugu sareeyey jaceylka
Hadana Cumar Binu Qadaab baa hadalkii sii watay yidhi Nabi Allow adaan kaa jeclahay nafteyda.
Nabigeena suuban ee sharafta leh Mumaxamed Binu Cabdilaahi Binu Cabdimudalib Scw yidhi hadaad gaadhay( asiibtay )
Waxaynu ognahay oo Nabigeena suuban hore noogu sheegay qofku qofkuu jecelyahay oo isku eekeysiiyo ayuu noqdaa
Hadaba qofka jecel Nabigeena suuban NNKH oo jeceylkaasu dhabkayahay ( wixii la faray fuliya , wixii laga reebayna ka hara) Nabigeena suuban ay janada lagalayaa
Taariikhda Nabigeena suuban wey badan tahay , qofwalba dhan buu ka soo gali karaa ee aan ku dayano
Qofka dhalinyarada ...Nabigeena suuban markii uu jiray 25 iyo intuu kayaraa
wuxuu ahaa dhalin yaro , oo waxaa la oran jiray Maxamed Aamin ,Maxamed Sadiiq ee ku dayo ...Nabigeena suuban
Qofka Xaaska leh ...Nabigeena suuban wuxuu lahaa xaas kaliya 25
jirkiisii ilaa 50 jirkiisii ...ee ku dayo wanaaga uu kula dhaqmi jiray xaakiisa iyo dadka kale
Qofka Xaaska leh iyo caruur Nabigeena suuban wuu lahaa xaas iyo caruur ee ku dayo
Qofka leh Xaas labaad , seddexaa ama afaraad ...Nabigeena suuban 50 jirkiisii wuxuu lahaa xaasas ee ku dayo siduu uu ula macamili jiray
Qofk
Qofka Iimanka salaada tujiya ...Nabigeena suuban wuxuu ahaa Iimaan oo waa kii jeclaa in uu sameeyo cibado badan , markuu maqlo ilmo yar oo ooyaya , wuxuu u soo gaabin jiray Salaada , isagoo rali galinaya ilmahas yar iyo hooyadiis
Qofka nabadoonka ...Nabigeena suuban waa kii markii gaaladii makaad isku qabsadeen cida dhigeysa Xaramka dhagaxa , ee ay doorteen cida ka oo gashaa ee ugu horeysa albaab ay doorteen in uu kala saaro, uuna noqday ...Nabigeena suuban ee Maxamed , uuna ku yidhi 12 kiina qabiil , 12 nin iska soo saara ... ku yidhi Gu'a 12 kiinaba nin ba daraf qabso ...Nabigeena suuban gacantiisa sharafta lahna dhagaxii kusoo qaada saarayna Gu'ii dhaxdiisiina , hadan kaga dajiyey oo uu dhidgay goobtii uu lahaa dhagax.
Qofkii masuul ah ee wax maamula kudayo intuu ...Nabigeena suuban joogay Madiina iyo siduu uga hirgaliyey maamul hagaagsan.
Qofkii ganacsada ku dayo sidii uu ...Nabigeena suuban u gacansan jiray
Qofkii u shaqeeya qofkale gacansi ahaan ku dayo ...Nabigeena suuban sidii mudadii yarey ee uu u shaqeynayey khadiija , isagoo xilagaa qabin ... macaashka badan uga keenay badeecadeeda
Hadaba taariikhda ...Nabigeena suuban waa weyntahay ee qof walbow xaguu ka soo galikaro ha' eego oo ha'ugu dhaqmo.
Inbadan baan qudbada jimcaha ka maqalnaa in uu ku soo daro Iimaanku kusaliya Nabigeena ay ku saliyaan Illaaheena iyo Malaa'igtu , anaguna waxaa laga yabaa markaa in aan iska quurino ama aanba ku salin ...Nabigeena suuban NNKH ( S.C.W )
Hadaba waxaa leynaga rabaa inaan ka run sheegno Jeclaanta aan u qabno Nabigeena suuban inay nakala weynaato wax walba , si uu anagana Allaah noo jeclaado.
Xasuuso Allaah markuu qof jeclaado wuxuu u yeeraa Malaku Jibriil , markaas buu yiraahdaa Allaah adoonkaas hebal waan jeclaadey ee jeclow Jibriil ......Jibriil na wuxuu u sheegaa Malaa'igta kale in uu adoonkaa hebal Allaah jeclaaday malaa'igtuna markaas bey wada jeclaadaan adoonkaas hebal......kadibna waxay u soo gudubtaa dhulka oo qof walbaa jeclaanaya qofkii ahaa adoonka hebel.
Hadaba dadyahow aan wax u jeclaano Allaah dartiis ..... aanuna u nacno Allaah dartiis wax... ee ayaan reer heheb ahaan wax u jeclaan waxna u nicin.
Dadyahow aan iska deyno Sheekh hebal baa diiday in Mooliidka lasameeyo.....ee aan u hiilino Nabigeena suuban , si uu noogu hiiliyo maalinta (xisaabta )ee aan hiil dooneyno !
Illaah baa Weyn oo Mahadleh
Tafatire: A _ Yaasiin
webmaster@saaxil.net