Maayarka Berbera oo xadhiga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo ay TELESOM ka hirgalisay Berbera




Maayarka Berbera Cabdale Maxamed Carab ayaa shalay Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo dabaq ah oo ay ka dhistay Shirkada Telesom Magaalada Berbera dhismahaas oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah oo ay shirkadu ka hirgaliso Magaalada Berbera waxa xaflad xadhiga lagaga jarayey kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Madaxda Shirkada Telesom, Madaxa Dalada Shirkadaha Isgaadhiinta SL, Maamulka Degmada, Dekeda, Kastamka, Cashuuraha bariga ee Magaalada Berbera marti sharaf ka sooctay shirkada Ganacsiga ee Berbera,
Waxana halkaasi ugu horeyn ka hadlay Maamulaha Shirkada Telesom Berbera Mustafe Cali Cumar oo ka warmay horumarka & waxyaabaha ay shirkadu ka fulisay Gobolka Saaxil waxaana hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi  Shirkadu dhawan waxay gaadhi doontaa oo mobilekayga gaadhsiinaysaa Degmooyinka Xagal, Hudisa, iyo inta kale ee Gobolka Saaxil ka hadhay inta lagu jiro bishan taas oo shirkada u qorsheysan

Maayarka Berbera ayaa sina halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi isgaadhsiintu waxay muhiim u noqotay sida Sonkorta & bariisku manta u yihiin daruuri oo 98% guryaha magaalada way taala Telesom waxay kaga jirtaa kaalin mugleh horumarka iyo dhismuhu kuma koobna dhismayaasha Dawlada balse dhismaha bulshada, ganacsatada, shirkadaha ayaa kow ka ah dhismaha iyo horumarka ay telesom fulisay Telesom waxaanu u balan qaadeyna waxay nooga baahdaan inaanu u fududeyno Berbera ahaan sida ay iyagu horumarka uga qeyb qaateen sidaasi waxa yidhi maayarka Berbera Cabdale Sandheere





Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo kamid ah madaxda Shirkada Telesom ayaa halkaasi isna kaga waramay waxyaabaha ay Telesom ku talaabsatay waxaanu yidhi  Telesom maaha dhismihii kowaad ee ay halkan ka dhisto waa kii sedexaad kan systemku yaala ka xeryaha ku yaala iyo dabaqan manta aynu fureyno taasi waxay cadeynaysa sida shirkadu u jeceshahay inay soo celiso faa iidooyinka dadweynah kasoo gala, hadii keenista Mobileka telesom layaab ahayd oo inta badan dadku la yaabanaayeen manta waxaanu ognahay inuu kamid yahay baahiyaha u waaweyn ee Bulshada reer Somaliland





Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed ayaa isna ka hadlay halkaasi waxaanu yidhi  Haddii dadka reer Berbera indhahooda arki jireen guryo duug ah oo marka roobku da o laga yaaco alxamdu lillaah waanu soo dhaweynaynaa dhismayaasha ay dhiseen ganacsatadu sida Allaa ya raxma Xaaji Cabdi, Omingo, iyo Kan maanta ee Telesom wanu soo dhaweynaynaa
Ugudanbeyntii waxa halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka Boosaha & isgaadhsiinta JSL oo ka waramay doorka telesom & isgaadhsiinta waxaanu yidhi  Waxaanu ogolnahay tartanka horumarka ee shirkadaha aabuhuna wiilashiisa ka firfircoon ayuu jeclaada Telesomana waa wiilka u firfircoon shirkadaha wadaniga ah ee dalka waanan ku hambalyeynayaa dhismahan Bebrera


Dhinaca Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa maamulka Cisbitaalka Berbera Gudoonsiiyey afar & toban neef oo adhi ah & lix neef oo uu Gudoonsiiyey Xabsiga dhexe ee Berbera kuwaasi oo suldaanku ku tilmaamay Ducadii dhismaha Dabaq Telesom ay ka bixisay isagoo xusay inay horena sedan oo akle gaadhsiiyeen mucaawinooyin noocan oo kale ah sidoo kale shirkadu waxay mobiles u qeybisay martidii Xaflada kasoo qeybgasha, Xafladaasina waxay ku dhamaatay jewi aad u sareeya oo qiimo badan.







Cabdikariim Siciid Saalax
info@waaberinews.net
+ 25224441209
Berbera Somaliland