Wasiirka Gancasiga oo laba warshadood Midna Xadhiga ka Jaray Midakalena Dhaxax Dhigay.


Burco Saaxil.net:- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee jamhuuriyada Somaliland Md.Nuux SH. Cumar oo ay weheliyaan wasiirada caafimaadka iyo duulista hawada ayaa galabnimadii shalay xadhiga ka jaray warshada hilibka islamarkaana dhagax dhigay dhismaha warshada saabuunta ee magaalada Burco.
Munaasibadan labada warshadood ayaa wasiirka ganacsiga iyo warshadahu hadalo kooban ka jeediyay, ayaa waxauu yidhi,Waxaanu soo dhawaynaynaa, oo ku dhiirigalinayaa ganacsatan maalgashatay dalkoodii, runtiina waa mid ku dayasho mudan, waxa uu intaas ku daray wasiirku, Siyaasada dawlada ayaa ah in la dhiirigalayo oo la soo dhaweeyo cid kasta oo dalkeena maalgashi ku samaysanaya.
Waxa kale oo wasaarad ahaan hada noo qorshaysan oo aanu gacanta ku haynaa sidii ganacsata samaysata warshadaha loogu samayn lahaa cashuur dhaaf. Waxa kale Md. Nuux, sheegay in ganacsatada samaysatay warshadaha ay yihiin rag muwaadinii ah oo mujaahida, waayo dalkooda iyo dadkooda waa u sharaf, muwaadiniin badanina waxay ka helayaan shaqo, waxaanaanu markasta kula talinaynaa ganacsata rer Somaliland inay ku dadalaan sidii ay u abuuri lahaayeen warshado yaryar ayuu ku soo ku koobay hadalkiisii.
Nuur Ducaale Diiriye oo ah maaamulaha Shirkada Intrprise kana maalgiilayaasha warshadan saabuunta oo hadal halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in warshadan ay dhismhaeeda hirgeliyeen shirkada ilays, waxaanu intaas ku daray in dhismahan warshadani qaadan doonto mudo sadex bilood ah islamarkaana rajaynayaan in horaanta sanadka cusub ay waxsoosaarkeeda bilowdo.
Iyaddoo awoodeedu tahay mid waxsoosaarkeedu dabooli karo geeska afrikada bari oo dhan ayuu ku soo koobay hadalkiisii.
Dhinac kale warshada hilbka ayaa wax iska leha shirkada Daallo Airlines, iyo ganacsato kale, waxaana warshada hilibku saacadiiba qali doontaa 60 neef, islamarkaan u iibgeyndoonto wadanka imaraadka carabta, masuuliyiinta warshadaasi waxay cabasho ka muujiyeen cashuurta xoolaha oo ku sheegeen in neefkiiba in 2 dollar yahay taaso warshada ku keeni karta inaanay la tartami karin warshadahakale ee aduunka.
Sidaas darteed ay xukuumada ka codsanayaan in cashuurta laga dhimo, waxa kaloo sheegeen in warshadu waxsoosaarkeeda u horeeya bilaabi doonta tobaadka soosocda.
Labadan warshadood eelaga hirgaliyay magaalada Burco ayaa kaalin weyn ka geli doonta horumarka Todheer islamarkaan dad badani shaaqaale ka heli doonaan, waana warshadii sadexaad ee laga dhiso Burco iyadoo hore ay uga jirtay warshada hargaha iyo saamuhu.


Back to www.saaxil.net

webmaster@saaxil.net