|
|
Maahmaahyo Soomaali ah ...qeybtii koowaad aad
1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag
2. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
3. Abkeey dooli( jiir) diloow, dad nool maas u dahaa
4. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa
5. Af Daboolan, Dahab waaye
6.Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
7.Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
8.Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
9.Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay
10.Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
11.Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato
12.Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
13.Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha
14.Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay
15.Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
16.Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa
17.Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa
18.Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan
19.Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
20.Bidaari sibiq bay kugu gashaa
21.Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
22.Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood
23.Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
24.Cadawgaa looma taahee, tun u adkay
25.Calool adayg waa Alle wehelkiis
26.Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa)
27.Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
28.Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
29.Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego
30.Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa
31.Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
32.Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
33.Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa
34.Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa
35.Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan
36.Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta
37.Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa
38.Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa arroorsha
39.Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa
40.Dani waa seeto , ducaale suldaan
41Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
42. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo
43.Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
44.Dantii mooge, maro duuga ka liitee
45. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
46.Deriskaa dagaalkaaga rabaa, digaagadaada ceshaas ku dhahaa
47.Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
48.Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
49.Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
50.Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro
51.Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl weeye
52.Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa
53.Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa
54.Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa
55.Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso
56.Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
57.Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga
58.Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso
59.Dukhsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa
60.Dukhsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa
61.Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , Kharaaraa tuf iraahdaa
62.Dumar beenna waa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
63.Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
64.Faanoole fari kama qodna
65.Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do
66.Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
67.Far bugtaa, Faraha kale ka dheer
68.Far keliya Fool ma dhaqdo
69.Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa
70.Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
71.Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul,Faduushiikukeentay hagaasaarto
72.Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa
73.Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
74.Gadal gadaal geed looma koro
75.Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa
76.Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo
77.Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel
78.Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
79.Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa
80.Gar iyo geesso lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa
81.God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
82.Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin
83.Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn
84.Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo
85. Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay
86.Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan
87.Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin
88.Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
89.Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
90.Hadal yar iyo hawl badan
91.Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo
92.Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
93.Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa
94.Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
95. Hal libaax arkaysaa ma godlato
96.Hangaraarac lug uma dhutiyo
97.Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh
98.Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo
99.Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
100.Hunguri weyni kuunto ( Dabo ) weyni baa laga qaadaa
101.Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha
102.Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa
103.Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa
104.Inta Jiillaal loo adkaysto, jir ( dayday ,mooryaan ) looma adkeysto
105.Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
106.Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa
107.Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
108.Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha
109.Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba
110.Kibir waa lagu kufaa
111.kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
112.La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan
113.Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg
114.Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa
115.Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa
116.Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno
117.Libaax lab god lagama kiciyo
118.Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita
119.Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday
120.Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
121.Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa
122.Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako
123.Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho
124.Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro
125.Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay
126.Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto
127.Mas iyo digaagad daris ma naqon koraan
128.Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo
129.Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa
130.Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo ( looma daadsho )
131.Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa
132.Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
133.Mukulaal( bisad )minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay
134.Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw ciyaar
135.Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur
136.Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
137.Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma
sheegaan
138.Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
139.Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
140.Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo
galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
141.Nimaad dhashay kuma dhalin
142.Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco
143.Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya
144.Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa
145.Nimaan dhididin ma dhergo
146.Nimaan dhul marin dhaayo la'
147.Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin
148.Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan
149.Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
150.Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
151.Nin aan hadlin habartiisba qadisay
152.Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato
153.Nin daad qaaday xunbo cuskey
154. Nin dameero rartaa dad la talo ma aha
155. Nin dhintay kabihiisaa dhaama
156.Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay
157.Nin duulay dantii kaa og
158.Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela
159.Nin iyo naag is qaba colna ma nabadna ma aha
160.Nin jiifa lama legdo
161.Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro
midna looma soo rogin
162.Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo
163. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og
164.Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid
165.Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday
166. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed
167. Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa
168.Nin weyni wedkii waa yaqaan
169.Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn
170.Nin xil qaaday eed qaad
171.Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii
172. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa
173. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
174.Ninkii geed fuulay ( geed koray) asigi lee kasoo degi
175.Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada
176.Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara
177. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka
178.Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo
179.Qufac iyo uur midna ma qarsoomo
180.Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga
181. Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan
182.Raad arrooryo dib looma raaco
183.Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha
184. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
185.Rag waa shaah dumarna waa sheeko
186.Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa
187.Runi rag kama nixiso
188.Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la
garramin; labaatan jirna ha la legdemin
189.Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
190. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii;
Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i
gee
191.Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe
192.Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo
awr carraabintiis
193. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun;
haddana saddexdaas baa kaa bi'iye
194.Samraa, sammo hela
195.Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa
196.Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
197.Sir naagood lagama sal gaaro
198.Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
199.Tolkaa maw talisay, mase tuugtay
200. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado
201.Tuug la qabtay talo ma laha
202.Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho
203.Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
204.Waari mayside war hakaa hadho
205.Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa
206.Wadar iyo waaxid yaa waalan ( marba kii qaldan! )
207.Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
208. Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
209.Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa
210.Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa
211.Wax aad baratay waa baaskaa
212.Wax garad wax looma sheego
213.Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
214.Wax rag kaa galay rako kaa gale
215.Waxaan calaf ahayna lama cuno
216.Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan)
217.Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
218.Xadhko geel ma wada xidhaan
219.Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
220.Xarrago dumar xanuun ma leh
221.Xiiso iyo xoorba way dhacaan
222.Xog mooge xaajo waa dilaa
223.Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa
224.Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato
225. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
226.Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
Murti iyo Hadal qabsi Soomaali ah
1.Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa
2.Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
3.Adhi magantii ma barriiyo
4.Af-ka nool abooto mudac
5.Af hadlaaba aamus
6.Af wax cunay xishoo
7.Alla aamin ma iisho
8.Alle watow wehel uma baahna
9.Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin
10.Arrin xumo abaar ka daran
11.Ayax teg aleelna reeb
12.Barasho horteed ha i nicin
13.Been fakatay runi ma gaadho
14.Beeni raad ma leh
15.Biya sar tegey waa la sugayaa
16.Biyo sacabadaa lagaga dhergaa
17.Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa
18.Ciyi waa ka beryey ( lama qaato)
19.Colka wadhaf ma lagu dayey
20.Daacadi ma hungowdo
21.Dadqal looma gurguurto
22.Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul
23.Dameeri dhaan raacday
24.Dammeeraley Dad la xeer maaha
25.Dan iyo xarrago is weyday
26.Dhedo roob noqon weydey
27.Dhiig islaan ma qarsoomo
28.Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo
29.Doqoneey dabkaa ba
30.Doqoni calaf ma leh
31.Dumar yaryaraysi male
32.Far iyo meel bugtaa is og
33.Fule hooyadii ma goblanto
34. Fule wax ka qoryo badan
35.Gaal dil gartiisana sii
36.Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
37.Gardarane ma guulaysto
38.Gardarro looma garbo yeelo
39.Gari Illaahay bay taqaan
40.Gari laba nin kama wada qosliso
41.Geel carruuri qaaday ma foga
42.Geel darreeray nin ka dayrshay( isku keenay) ma awliya Allaa
43.Haani guntay ka tolantaa
44.Habar fadhida legdini wax uga fudud
45.Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa
46.Hadal iyo hilibba kala qalan
47.Intaadan falin ka fiirso
48.Isma'og aqalkiibay aslaysaa
48.Jinni, Ninkii keenaa bixiya
50.Laba qaawan isma qaaddo
51.Laf jabtay sideedii ma noqoto
52.Lama huraan waa cawska jiilaal
53.Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa
54.Ma sugto, Meher ma leh
55.Macallin xagaa injir lagama qabto
56.Nin walbaa qumanihiisa
57.Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
58.Naagi nimay legdaan, kama kacaan
59.Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
60.Naago ba'ooda ayey ka sheekeeyaan, ragna badhaadhohood
61.Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
62.Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha
63.Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
64.Naago waa belo loo baahan yahay
65.Naago waa u samir ama ka simir
66.Naago yaryarasi ma leh
67.Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
68.Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa
69.Nacasnimo ninkeedii dishey
70. Naf wax jecel allaa dhibay
71. Nafeey, nin ku doona ku waa
72. Naftu waxay ogtahay ilaashataa
73. Naxariis eebbe lagama quusto
74.Nin ani yidhi dad iska sooc
75.Nin fadhiya, looma saro joogsado
76.Nin is faanshey wa ri´is nuugtay
77.Nin kaa dheer wax looma tilmaamo
78.Nin kuu digay kuma dilin
79. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan
80.Nin la sugayoow adna yaad sugi
81.Nin qoyani, biyo iskama dhowro
82.Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,) yaraa
83. Nin sigtay ma nabad gelin
84.Nin sigtay ma noola
85.Nin waalan, tolkiisaa u miyir qaba
86.Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
87. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)
88.Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
89.Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
90.Qosol hiil leh
91.Qosol qoonsimaad noqay
92.Rag jidiin (cunto) baa walaaleeya
93.Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa
94. Reer ba'ow yaa ku leh
95.Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
96.Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
97.Sagaaro, mindhaa ima barato
98.Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
99.Shir looma wada uunsiyo
100.Tuug lama xado
101.Ul jiiftaa ma jabto
102.War jiraaba cakaaruu iman
103.War la helaaba, talo helaa
Tafatire:- Yaasiin
http://www.saaxil.net
webmaster@saaxil.net
Columbus, Ohio
Usa
| |