|
|
1. Illaahow shaqeysan maayee wax isii !
2. Illaahow guursan maayee caruur isii !
3. Illaahow cibaadeesan maayee jano isii !
Seddex leyskuma haleeyo Somaliland / Somaliya
1.Sarifka lacagta ( qiimaha wax iibsadka )
2.Siyaasada
3.Nabada
Waayo Seddexduba Cirkay isku shareeri karaan saacad qudha
Seddex cid looma dhiibo
1. Saacadaada
2. Qalin kaaga
3. Gaarigaaga
Seddex saxiibkaaga kugu naca
1. Baqeyl damac badan
2. Fuley daandaansi badan
3. Faan beena badan
Seddex dadkaa kugu naca
1. Baryo badan
2. Bukaan badan
3. Been badan
Seddex Saaxil.net baa kugu nacda
1. Maqaal siyaasadeysan !
2. Maqaal dhaliil xanbaarsan !
3. Maqaal been abuura !
Waayo Seddexduba Saaxil.net loogama baran
Saddex lama raaco
1. Ma horreeye
2.Ma hambeeye
3. Ma haasawshe
Saddex baa rag u liita
1.Ma toshe
2.Ma tashade
Ma tashiishe
Saddex markaan bartaan ka gaboobay
1.Dab ollolintiis
2.Carruur aamusinteed
3.Awr carraabintiis
By:- A_ Yaasiin
webmaster@saaxil.net
| |