
Ataxyaadka hore waxaad akhridaa oo aad oraneysaa: ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA, ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU, ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSALIXIINA, ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALYHI WA SALLAM.
Markaad ashahaadaneyso farta suulka ku xigta ee gacantaada midigta ah
kor uga qaad jilibka oo hore u fiiq. Haddaad salaadda aad tukaneysid ay
salaad subax tahay, oo laba rakco ah, waxay leedahay hal ataxyaad oo keli
ah. Markaas ataxyaadka waxaad ku dareysaa oo aad ku kaamileysaa ku Salliyid
Nabigeenna Muxammad Sallallaahu Caleyhi Wasallam, adigoo akhriyaya Salawaatul
Ibraahiimiyah, iyo ducooyin sunnada ku sugnaaday oo qiime weyn leh.
Waxaad
akhrineysaa, oo aad oraneysaa: ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU,
ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA, ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU WARAXMATULLAAHI
WA BARAKAATUHU, ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSAALIXIINA.
ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU
ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALEYHI WA SALLAM.
ALLAAHUMMA
SALLI CALAA MUXAMMADIN, WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA CALAA
IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA, WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN WA CALAA
AALI MUXAMMADIN, KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA
FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN. ALLAAHUMMA AGHFIR LII MAA QADDAMTU,
WAMAA AKHARTU, WAMAA ACLANTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA ASRAFTU, WAMAA ANTA
ACLAMU BIHI MINNII, ANTALMUQADDAMU WA ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA ILLAA ANTA.
RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN, WAFILAAKHIRATI XASANATAN, WAQINAA
CADAABANNAR. ALLAAHUMMA INNI ACUUDO BIKA MIN CADAABIL QABRI, WA MIN CADAABINNAARI,
WA MIN FITNATIL MAXYAA WALMAMAATI, WA MIN FITNATIL MASIIXIDDAJAALI.
Hadday salaaddaad tukaneysay ahayd salaad subax oo laba rakco ah, markaad ataxyaadka siddaas u akhridid oo aad dhameysid, dhanka midigta wajigaaga u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Kaddib wajigaaga dhanka bidixda ah u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH. Salaadaadii sidaas ayey taam ku noqotay, Inschaa'allahu. Markaad salaanta labaad ku dhawaaqdid adigoo dhanka bidixda ah u jeestay, SALAADDII WAAD KA BAXDAY.
Haddaad Salaad Maghrib tukaneysid, markaad ataxyaadka koowaad akhridid,
oo aad ashahaadatid, u istaag rakcadii saddexaad, adigoo oranaya ALLAAHU
AKBAR. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada. Markaad
Faataxada dhammeysid waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad rukuuceysaa.
Intaad rukuucsan tahay waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALCATHIIMI
WA BI XAMDIHI.
Kaddib rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN
XAMIDAH.
Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad oraneysaa RABBANAA WALAKAL
XAMDU. Kaddib waxaad tiraahdaa ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego.
Markaad sujuuddo, adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA
RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda kasoo kac oo soo fariiso adigoo
oranaya ALLAAHU AKBAR.
Lugta bidixda ah ku fariiso, lugta midigta ahna
fareheeda foodooda ku istaaji.
Kaddib mar labaad sujuud adigoo oranaya
ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan ayaad saddex jeer waxaad oraneysaa SUBXAANA
RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI.
Kaddib sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAHU AKBAR, una soo fariiso ataxyaadka dambe.
ATAXYAADKA DAMBE
Ataxyaadka dambe waxaad akhrineysa oo aad oraneysaa inta soo socota:
ATAXYAATU, AL MUBAARAKAATU, ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA.
ASSALAAMU CALYKA AYUHANNABIYU WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
ASSALAAMU
CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI ASSAALIXIINA,ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU
WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU, WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDAHU WA RASUULUHU
SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN, WA CALAA
AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA,
WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN KAMAA BAARAKTA CALAA
IBRAAHIIMA WA CALAA AALI IBRAAHIIMA FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN
ALLAHUMMA AGHFIR LII MAA QADDAMTU, WAMAA AKHARTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA
ACLANTU, WAMAA ASRAFTU, WAMAA ANTA ACLAMU BIHI MINNII ANTALMUQADDAMU WA
ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA ILLAA ANTA. RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN,
WAFIL AAKHIRATI XASANATAN, WAQINAA CADAABNNAARI. ALLAHUMMA INNI ACUUDU
BIKA MIN CADAABILQABRI, WA MIN CADAABINNARI, WA MIN FITNATIL MAXYAA WAL
MAMAATI, WA MIN FITNATIL MASIIXIDDAJAALI.
Markaad ataxyaadka dhammeysid dhanka midig wajigaaga u jeedi waxaadna
oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAHI .
Kaddib wajigaaga dhankaaga
bidixda ah u jeedi waxaadna oraneysaa ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAHI.
Salaadaadi maghrib oo aad tukatay sidaas ayey taam ku tahay, Inshaa'allaahu, salaadiina waad ka baxday.
Haddii salaadda aad tukaneysid ay tahay mid ka mid ah salaadaha afarta
rakco ah, oo kala ah duhurka, casarka iyo cishaha, markaad ataxyaadka koowaad
akhridid oo aad ashahaadatid, waxaad u istaageysaa rakcadii saddexaad adigoo
oranaya ALLAAHU AKBAR. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada.
Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad rukuuceysaa. Adigoo rukuucsan
waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYAKCATHIIMI WA BIXAMDIHI. Kaddib
rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN XAMIDAH. Markaad taagnaanta
ku xasishid waxaad oraneysaa RABBANAA WA LAKAL XAMDU.
Kaddib waxaad oraneysaa
ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego. Adigoo sujuudsan waxaad saddex
jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI.
Sujuudda kasoo kac
adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Lugta bidixda ah ku fariiso, adigoo lugta
midigta ahna fareheeda foodooda ku istaajinaya. Kaddib mar labaad sujuud,
adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR. Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa
SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Kaddib sujuudda kasoo kac, adigoo
oranaya ALLAAHU AKBAR, soona fariiso, adigoo isla markaas u istaagaya rakcada
afaraad. Markaad taagnaanta ku xasishid waxaad akhridaa Faataxada.
Markaad
Faataxada akhrinteeda dhammeysid waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, waanad
rukuuceysaa. Adigoo rukuucsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALCATHIIMI
WA BIXAMDIHI.
Kaddib rukuuca kasoo kac adigoo oranaya SAMICALLAAHU LIMAN
XAMIDAHU. Markaad taagnaanta ku sugnaatid waxaad oraneysaa RABBANAA WALAKAL
XAMDU.
Kaddib waxaad oraneysaa ALLAAHU AKBAR, sujuudna dhulka ugu dego. adigoo
sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI.
Sujuudda kasoo kac adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR.
Lugta bidixda ah ku fariiso,
lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaaji.
Kaddib mar labaad sujuud,
adigoo oranaya ALLAAHU AKBAR.
Adigoo sujuudsan waxaad saddex jeer oraneysaa
SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI. Sujuudda kasoo kac, adigoo oranaya
ALLAAHU AKBAR, una fariiso ataxyaadkii dambe. Waxaad ku fariisaneysaa lugtaada
bidixda ah, adigoo lugta midigta ahna fareheeda foodooda ku istaajinaya.
Markaas waxaad akhrineysaa ataxyaadka dambe kulligiis. ATTAXYAATU, AL MUBAARAKAATU,
ASSALAWAATU, ADHAYIBAATU, LILLAAHI TACAALAA. ASSALAAMU CALEYKA AYUHANNABIYU
WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU. ASSALAAMU CALEYNAA WA CALAA CIBAADALLAAHI
ASSAALIXIINA. ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU,
WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDAHU WA RASUULUHU SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM.
ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA SALLEYTA
CALAA IBRAAHIIMA, WA CALAA AALI IBRAAHIIMA, WA BAARIK CALAA MUXAMMADIN
WA CALAA AALI MUXAMMADIN, KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WA CALAA AALI
IBRAAHIIMA FILCAALAMIINA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN. ALLAAHUMMA AGHFIR LII
MAA QADDAMTU, WAMAA AKHARTU, WAMAA ASRARTU, WAMAA ACLANTU, WAMAA ASRAFTU,
WAMAA ANTA ACLAMU BIHI MINNII, ANTALMUQADDAMU WA ANTAL MUAKHARU LAA ILAAHA
ILLAA ANTA.
RABBANAA AATINAA FIDDUNYAA XASANATAN, WAFIL AAKHIRATI XASANATAN,
WAQINAA CADAABANNAARI.
ALLAAHUMMA INNI ACUUDU BIKA MIN CADAABILQABRI, WA
MIN CADAABINNAARI, WA MIN FITNATIL MAXYAA WAL MAMAATI, WA MIN FITNATIL
MASIIXIDDAJAALI.
KA BIXIDDA SALAADDA
Markaad ataxyaadka dambe dhammeysid, wajigaaga dhankaaga midigta ah
u jeedi, adigoo oranaya ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH.
Kaddib waxaad
wajigaaga u jeedineysaa dhankaaga bidixda ah adigoo isla markaasna oranaya
ASSALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAAH.
Salaadaadii sidaas ayey taam ku tahay,
Inshaa'allahu, salaadiina waad ka baxday. Kaddib adigoo weli fadhiya duceyso,
adigoo oranaya ASTAGHFURULLAH, saddex jeer, ALLAAHUMMA ANTASSALAAMU WA
MINKASSALAAMU TABAARAKTA WA TACAALEYT YAA THALJALAALI WAL IKRAAMI, hal
mar. ALLAAHUMMA ACINNI CALAA THIKRIKA WA SHUKRIKA WA XUSNI CIBAADATIKA,saddex
jeer.
BURIYAYAALKA SALAADDA
Salaaddu waxay ku burtaa, oo isla salaaddaas inaad mar kale tukatid ay waajibeysaa hadday kula gudboonaadaan adigoo salaadda u taagan wax ka mid ah arrimaha hoos ku qoran, oo kala ah:
1. Hadalka.
2. Najaaso gaarta ama jirkaaga ama dharkaaga.
3.Qosolka.
4. Cawrada oo muuqatay.
5. Matag qofka kasoo baxa.
6. Hadday labada jid wax ka yimaadaan.
7. Gama' hurdo la seexdo.
8. Wax cunidda iyo wax cabidda.
9. Inaad niyeysatid inaad salaadda ka baxdid.
AXKAAMTA SAHWIGA
Haddii adigoo salaaddii tukanaya sheydaan ku waswaasiyo oo shaki kaa
galo tirada rakcadaha aad tukatay, waxaad tirsataa tirada yar, oo sidaas
salaaddii ku dhammeystir. Tusaale ahaan haddii aad shakidid inaad labo
ama saddex rakcadood aad tukatay, waxaad tirsataa labo rakco inaad tukatay,
oo salaaddii inta ka hartay dhammeystir.
Haddii shaki kaa galo inaad saddex
ama afar rakcadood aad tukatay, waxaad tirsataa inaad tukatay saddex oo
salaaddii inta rakcadood oo ka dhimman u dhammeystir.
Intaas kaddib, markaad
ataxyaadka dambe dhammeysid, intaadan oran assalaamu caleykum wa raxmatullaahi,
waxaad sujuuddaa laba jeer, mar walbana adigoo sujuudsan waxaad saddex
jeer oraneysaa SUBXAANA RABBIYALACLAA WA BIXAMDIHI Labadaas sujuudood,
oo la yiraahdo sujuudu sahwi, kaddib salaamo naqso.
AATHAANKA
Aathaanku waa in cod quruxsan kor loogu dhawaaqo inta soo socota:
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR
ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH
ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH
XAYA CALASSALAAT XAYA CALASSALAAT
XAYA CALALFALAAX XAYA CALALFALAAX
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR
LAA ILAAHA ILLALLAAH
Aathaanka subixii, xaya calalfalaaxda dambe iyo Allahu akbarta ku xigta waxaa loo dhexeysiinayaa oo la oranayaa:
ASSALAATU KHEYRUN MINANAWM
ASSALAATO KHAYRUN MINANAWM
IQAAMADA
Marka salaadda la aqiimayo waxaa la oranayaa erayada soo socda:
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR
ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLALLAAH
ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN RASUULULLAAH
XAYA CALASSALAAT
XAYA CALALFALAAX
QAD QAAMATISSALAAT QAD QAAMATISSALAAT
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR
LAA ILAAHA ILLALLAAH
OGOW
Salaadaha maalintii inta qorraxdu soo jeedo la tukado, oo kala ah DUHURKA
iyo CASARKA markaad keligaa tukaneysid, ma aha in qof kuu dhow uu akhrintaada
maqlo.
Salaadaha habeenkii la tukado, oo kala ah MAGHRIKA, CISHAHA iyo
SUBAXA, markaad keligaa tukaneysid akhrintaada waa in la maqlaa, labada
rakco oo hore.
Shanta salaadoodba markii Imaam ku tujinayo, ma aha akhrintaada in la maqlo. Markii lagu tujinayo, shanta salaadoodba, waxaad hoos u akhridaa Faataxada.
GOGOBEYSIGA
Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda lixaad ee Suuratul Maaida ku yiri:
"WA IN KUNTUM MARDAA OO CALAA SAFARIN OW JAA'A AXADUN MINKUM MINAL GHAAIDI AW LAAMASTUMUNNISAA'A FLAM TAJIDUU MAA'AN FATAYAMMAMUU SACIIDAN DHAYIBAN FAMSAXUU BIWUJUUHIKUM WAEYDIIKUM MINHU"
Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddaad ahaataan kuwi buka, oo bugtadaasu u diideyso biyaha inay ku isticmaalaan, biyihiibaa dhibaato u keenaya, dhimasho uu ka baqayo ha ahaato, naafannimo ay gaarsiinayaan ha ahaato, biskoodkii oo ay dib u ridayaan ha ahaato, xanuun ay ku kordhinayaan ha ahaato; ama safar dushii aad ahaataan, safarkuna biyo la'aan buu u badan yahay; ama axad idinka mid ah uu ka yimaado godka lagu soo xaajo guto oo uu soo xaajo gutay; ama haweenka aad taabataan; oo aydnaan biyo helin gogobeysta; u qasda ciid daahir ah, wajiyadiinna ku masaxa, gacmihiinna uga masaxa."
Sidee loo gogobeystaa? Waxaa loo gogobeystaa sidatan: ciidda daahirka ah gacmaha geli oo ka afuuf; gacmaha wajiga ku masax oo mari. Hadana gacmaha ciidda daahirka mar labaad geli oo ka afuuf, kaddibna labada dhudhun gacmood ku masax oo mari; marka hore dhudhunka midigta ah ku masax, kaddibna dhudhunka bidixda ah ku masax. Markaas kaddib salaadda waad tukan kartaa.
FAATAXADA
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI (1)
AL XAMDU LILLAAHI RABBIL CAALAMIIN (2) ARRAXMAANI ARRAXIIMI (3) MAALIKI YAWMIDDIINI (4) IYAAKA NACBUDU WA IYAAKA NASTACIINU (5) IHDINASSIRAADHAL MUSTAQIIMA SIRAADHALLADIINA ANCAMTA CALEYHIM GHEYRILMAGHDUUBI CALEYHIM WALADAALIIN (7) Aammiin. MACNAHA FAATAXADA OO KOOBAN
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI (1) Alxamdu Lillaahi Rabbil Caalamiina
(2), macneheedu waxaa weeye Mahad oo idil Ilaahay ayaa iska leh, Allahaasoo
caalamiinta oo idil kii abburay oo Rabbi u ah, Maamulayana. Arraxmaani,
naxariistah, naxariista teeda guud ku naxariistah, naxariista teeda ballaaran
ku naxariistah, naxariista teeda caamka ah ee adduunyada dhexdeeda ah,
oo muumin iyo kaafir iyo wax nool oo idil ayan la'aanteeda jiri karin,
ku naxariistah. Arraxiimi, naxariista teeda gaarka ah, muuminiinta u gaarka
ah, Yawmulqiyaamaha u gaarka ah ku naxariista(3). Maaliki Yawmiddiini,
macneheedu yahay abaalmarinta maalinteeda, oo ah yawmulqiyaamaha, Maaligeeda
iyo Boqorkeeda ah (4). Iyaaka Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu, oo macneheedu
yahay Adiga Kaligaa yaan Ilaahow Ku Caabudeynnaa, oo Adigaan cibaadadeenna
Kugu Gooni yeeleynaa. Adigaanna Kaalmo Ku Weydiisaneynaa.(5) Ihdinassiraadhalmustaqiima,
oo macneheedu yahay jidka toosan nagu hanuuni, jidkaasoo lagu fasiray jidka
Islaamka iyo Diinta Islaamka.(6) Siraadhalladiina Ancamta Caleyhim , oo
macneheedu yahay kuwii jidkoodii ah aad u nicmeysey, kuwaasoo ah Nabiyadii,
Rusushii Ilaahay soo diray, Shuhadadii, Saalixiintii, dadkii wanwanaagsanaa.
Ghayrilmaghduubi Caleyhim, oo macneheedu yahay kuwii loo carooday ghayrkood
ah. Kuwa Ilaahay u Carooday waxaa lagu fasiray inay yihiin yuhuudda. Waladaalliina,
oo macneheedu yahay kuwii lumayna aan jidkoodii ahayn, kuwaasoo ka baadiyoobay
jidkii Ilaahay. Kuwaas jidka Ilaahay ka baadiyoobay waxaa lagu fasiray
nasaarada krishtaanka ah inay yihiin.
Waxaa la wariyey in Nabigeenna Muxammad,
Sallallaahu Caleyhi Wasallam, uu Illahay Rabbilcizah ka wariyey xadiith
Qudsi macanihiisu yahay: "Salaadda waan qaybiyey, Aniga iyo addoonkeygaan
ku dhex qaybiyey.
Qayb Anigaa iska leh, qaybna addoonkeygaa iska leh. Addoonkeygu
wixii uu i weydiisto ayuu leeyahay.
Addoonkeygu markuu yiraahdo ALXAMDU
LILLAAHI RABBILCAALAMIINA waxaa markaa Ilaahay yiraahdaa addoonkeygu wuu
i mahdiyey. Markuu yiraahdo ARRAXMAANI ARRAXIIMI, Illahay markaa wuxuu
yiraahdaa addoonkeygu waa i Ammaanay.
Markuu yiraahdo MAALIKI YAWMIDDIINI,
wuxuu Ilaahay yiraahdaa addoonkeygu wuu i Sharrifay. Markuu yiraahdo IYAAKA
NACBUDU WA IYAAKA NASTACIINU, Ilaahay wuxuu yiraahdaa: taas Aniga iyo Addonkeygey
u Dhexeysaa.
Markuu yiraahdo IHDINASSIRAADHALMUSTAQIIMA SIRAADHALLADIINA
ANCAMTA CALEYHIM GHEYRILMAGHDUUBI CALEYHIM WALADAALLIIN, Ilaahay wuxuu
yiraahdaa Taa addonkeygey u Sugnaatay, addoonkeygu wuxuu weydiisto ayuu
leeyahay".
Suuraddaan toddobada Aayadood ka kooban waxyaalo waaweyn oo saldhigga
caqiidada Islaamka ka mid ah ayaa laga faaiideysanayaa. Midda u horreysa
waxaad arkeysaa Suuradda in lagu bilaabay BISANKA ILAAHAY, sida Suuradaha
Quraanka oo dhan loogu bilaabanayo, Suuratul BARAA mooyee.
Marka taasi
waxay tusineysaa in magaca Ilaahay wax kastoo muhim ah inay habboon tahay
in lagu bilaabo, sida Nabiga, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, looga wariyey
xadiith macnihiisu yahay: "Amar kasta oo muhim ah oo Bisinka Ilaahay
aan lagu bilaabin waa mid abtar ah". Abtar macneheedu waxaa weeye
waa cirib xunyahay oo waa dib go'an yahay oo barakadiisu waa naaqus.
Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Aayadda 87 ee Suuratul Xijri Rasuulkiisa Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ku yiri:
"WA LAQAD AATEYNAAKA SABCAN MINAL MATHAANII WAL QURAANALCATHIIMI". Aayadda macneheedu waxaa weeye Ilaahay wuxuu ku siiyey toddobada lasoo celceliyo iyo Quraanka Weyn". Toddobada lasoo celceliyo waxaa lagu fasiray Faataxada toddobadeeda Aayadood iyo soo celcelinteeda oo akhriska had iyo jeer lagu soo celceliyo. Qofka muuminka ah oo salaadda tukanaya wuxuu Faataxada ku akhriyaa shanta salaadood 17 jeer. Salaad aan Faataxada lagu akhrinna maba ansaxeyso, sida Nabigeenna Muxammad, Sallallaahu Caleyhi Wasallam, looga wariyey xadiith macnihiisu yahay: "Salaad ma laha qofkii aan Faataxada akhriyin" SUURADO QURAAN AH
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
QUL HUWALLAAHU AXADUN (1) ALLAHUSSAMADU (2) LAM YALID (3) WALAM YUULAD (4) WALAM YAKUN LAHU KUFUWAN AXAD (5)
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
QUL ACUUDU BIRABBIL FALAQ (1) MIN SHARRI MAA KHALAQ (2) WA MIN SHARRI GHAASIQIN IDAA WAQAB (3) WA MIN SHARRINNAFFAATHAATI FIL CUQAD (4) WA MIN SHARRI XAASIDIN IDAA XASAD (5).
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
QUL ACUUDU BIRABBINNAAS (1) MALIKINNAAS (2) ILAAHINNAS (3) MIN SHARRILWASWAASI AL KHANNAAS (4) ALLADII YUWASWISU FII SUDUURINNAAS (5) MINALJINNATI WANNAAS (6)
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
IDA JAA'A NASRULLAAHI WALFATX (1) WA RAEYTANNAASA YADKHULUUNA FII DIINILLAAHI AFWAAJA((2) FASABBIX BIXAMDI RABBIKA WASTAGHFIRHU INNAHU KAANA TAWAABA (3).
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
WALCASRI (1) INNALINSAANA LAFII KHUSR (2) ILLALLATHIINA AAMANUU WACAMILUSSAALIXAATI WA TAWAASOW BILXAQI WATAWAASOW BISSABRI (3)
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI INNAA ACDHEYNAAKAL KAWTHAR (1) FASALLI LIRABBIKA WANXAR (2) INNA SHAANI'AKA HUWAL ABTAR (3).
Waxaan Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, weydiisanayaa inuu kitaabkaan
iga aqbalo, tan suubanna i waafajiyo. Walxamdu Lillaahi Rabbilcaalamiina,
Wasallallaahu calaa Sayidinaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Asxaabihi Tasliiman
kathiiran.
Xigasho:- http://www.geocities.com/SouthBeach/4015/sal4.html